Haweenka Somalida maanta dacwo ayaan ka ahay.

0
Thursday March 08, 2018 - 09:39:38 in Wararka by
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenka Somalida maanta dacwo ayaan ka ahay.

    A)-Haweenka somalidu caruurta ay dhalaan waxba kuma lahan miyaa?. Mar mar ayaad arkee in qoys dhaxdii uu ka dhaco maseyr ama khilaaf kale.waxaa xigta hooyadii qoyska oo iyada oo careysan leh kalmada aan dhibsaday ( ilma haaga heeyso) , anigu waan ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

A)-Haweenka somalidu caruurta ay dhalaan waxba kuma lahan miyaa?. Mar mar ayaad arkee in qoys dhaxdii uu ka dhaco maseyr ama khilaaf kale.waxaa xigta hooyadii qoyska oo iyada oo careysan leh kalmada aan dhibsaday ( ilma haaga heeyso) , anigu waan kaa tagayaa cideyda ayaan aadayaa ee caruurtaadu yeeyna kaa dayacmin.
Kadib ayaa arrinta waxaa soo fara galinayo deriska ama qaraabo markaa ayeey leedahay: Akhyaareey ninkanu ilmahiisa ha heeysto. Taa miyaa sax ah ???. Soow tii Allaah ku siiyay xuquuqda ugu badan qoyska, adiga iyo caruurtu xaqa aad isku leedihiin waa ka badan yahay kan Aabaha.

iyada oo diintu xaqa ugu badan qoyska ku siisay , ayaa hal ku dhagyo iyo maahmaahyo been ah, laguugu khalday, sida : "Naagu waa weel wax lagu shubtay” aqoon daro, bal kaligii meel wax ha ku shubo ee owlaad halaga sugu, cilmiga Biology- ga fiiri Ukxaan isla eg oo labadiina ah ayaa laga abuuray ubadka . sideed u leedahay ilmahiisa ha qaato ,ilmahiisa, ilmahiisa ,yaa kaligii siiyay been ayaa lagu cabsiiyay ,ma sab dhaban tahay? Waxaan dhibsaday haweenku xaq ay leeyihiin oo isla iyagii ay iska dafirayaan, haween badana waan kala taliyay, in kasta oo aanan aniga weligey la igu dhihin kalmadaa.

Haweenka Somalida maanta dacwo ayaan ka ahay.

Ragga qaar ayaa ku leh: haweynku in ayna caruurta wax ku leheyn waxaa u daliil ah kalmadaaah( ninyahoow ilmahaaga heyso),

Haweenka somaliyey, yaan isla adiga laguu isticmaalin in aad afkaaga ku tiraahdu "ilmihiisa” oo xaq aad leedahayna aad dhumiso, diin ahaan ayeey gef ku tahay in aad ilmahaaga qaybtaadii aad inkirto, weliba annaga oo og in hooyada somalidu ay hooyooyinka kale wax dheertahay, oo marna ay dhabta kugu heyso ,gacantana xageeda loo soo taagayo iyada oo weliba lafteedu dhibaateysan,fiiri sawirka.

B)- 8da MAARSO.

Maalinta 8da Masro, sidey ku timid, hal maalin haweenka, 364 maalina Ragga miyaa?. Maalinta ragana?. International Men’s Day (IMD) In kasta oo Thomas Oaster oo soo jeeday maalinta ragga aduunka maalmo la is khilaafsan oo ahaa 7 November ,7 Feberuary lana bilaabay dabaaldageeda wixii ka dambeyay 1992 dii markii taasi socon waayday ayaa sannadkii 1999 dib hadana looga bilaabay jaziiradaha Trinidad and Tobago.

International women’s day-IWD maalinta hawenka aduunka oo laga soo xigtay arrin ka dhacday Magaalada New york ee dalka Mareykanka 28 february 1909 kadibna la soo jeediyay in maalinta hawenku ay noqoto 8da March 1910 kii ,kadibna Midawgii Sufyeeti oo reer galbeedka ka soo qishay ayaa wixii ka dambeeyay 1917 ka dhigay maalin qaran 8da marso in ay noqoto maaalin ay xusaan wadamadii shuuciga ahaa oo kalya iyaga oo ku xumeeynaya Reer galbeedkii, laakin markii dambe sannadkii 1975tii ayaa UN u aqoonsatay maalin caalami ah, armey haboon tahay in maalmahaa buun buunintooda aan iska dhaafno. Kharajka lagu bixinayana la siiyo hawenka liita.

Marka annaga xageey naga soo gashay,waa un dadkii waa dudaye adna ku daran.

FG: labadaa qodob A & B, si miyir qab ah bal haweenka somaliyeed ha uga fiirsadeen, arragtidaadu waa muhim


Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip