Hordhac: Man Utd v Norwich – LVG Oo Indhaha Lagu Hayo, Iyadoo United Ay Raadineyso Guusheedii Ugu Horeysay Ee Muddo Shan Kulan Ah Ka Dib.

0
Saturday December 19, 2015 - 09:52:31 in Sports News by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man Utd v Norwich – LVG Oo Indhaha Lagu Hayo, Iyadoo United Ay Raadineyso Guusheedii Ugu Horeysay Ee Muddo Shan Kulan Ah Ka Dib.

    Kulanka: Man United v Norwich City Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Michael Oliver

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Man United v Norwich City Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Michael Oliver

Norwich ayaa looga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaareen Old Trafford 4-0. Taageerayaasha martida loo yahay maanta ayaa garoonka imaan doona iyagoo rajo qaba laakiin raja weyni kama qabaan in guul sidaas u weyn ay gaari doonaan.

Haddii United ay ku guuldareysato inay kala dhantaasho Norwich, waxaad filataa in diirada oo dhan oo dhawaanahaan saarneyd Jose Mourinho inay haatan loo soo weecin doono Louis van Gaal.

Liiska dhaawaca dheer ee United ma caawineyso xaaladiisa, laakiin sidoo kalena taasi kama weecineyso dooda laga qabo taatikadiisa tababarenimo, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaamayaan inuu yahay hanad halka kuwa kale ay u arkaan in wax walba oo saxan dhigo boosas qaldan.

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney ayaa la filayaa inuu ka soo laabto maanta dhaawac canqowga ah.

Ander Herrera iyo Chris Smalling ayaa sidoo kale isbuucaan ku soo laabtay tababarka waxaana laga yaabaa inay ciyaaraan laakiin Bastian Schweinsteiger ayaa ganaax ku maqan.

Daafaca kooxda Norwich Andre Wisdom ayaa dhaawac muruqa ah qaba mana wajihi doono Man United.

Declan Rudd ayaa la filayaa inuu goolka ku sii jiro. Matt Jarvis ayaa ku soo laabtay tababarka laakiin ma soo laaban doono ilaa iyo ka dib ciid gaaleedka.

SHAXDA MACQUULKA AH:

 

Man United (4-2-3-1): De Gea; Varela, Jones, Smalling, Blind; Carrick, Schneiderlin; Mata, Rooney, Depay; Martial.
Norwich (4-4-1-1): Rudd; Olsson, Bassong, Bennett, Martin; Brady, Tettey, Dorrans, Howson; Hoolahan; Jerome.

MA OGTAHAY?

  • Manchester United ayaa Norwich ku garaacday 4-0 seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay kula ciyaareen Old Trafford, tii ugu danbeysay waxa ay aheyd kulankii ugu horeysay ee Ryan Giggs markii uu ahaa tababaraha ku meel gaarka ah bishii April 2014.
  • United ayaa badisay 19 ka mid ah 28 kulan oo horyaalka ah oo ay Norwich kula ciyaareen Old Trafford.
  • Norwich ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 18kii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay la ciyaareen Norwich.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip