Jurgen Klopp Oo Khamaari Doona Ka Hor Kulanka Manchester United
Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa balanqaaday inuu magacaabi doono saf adag kulanka uu ku wajahayo FC Porto Talaadada ka dib markii la sheegay inuu ciyaartooy dhigan doono ka hor kulanka ay wajahayaan Manchester United.
Reds ayaa ugu yaraan xaqiijisay wareega 8-da Champions League ka dib markii ay 5-0 kaga badiyeen lugtii hore kooxda ka dhisan Portugal.
Klopp ayaa la filayay inuu magacaabo koox daciif ah si uu kaga fakiro safarka Old Trafford uu ku tagayo afar maalmood ka dib.
Ciyaartoyda Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane oo si wada jir ah ugu soo bilowday 10kii kulan ee ugu dambeyay Reds ayaa markale kusoo bilaaban kara safka wajahaya Porto.
Si kastaba ha ahaatee, Klopp ayaa sheegay inuusan awoodi karin inuu nasiyo xiddigihiisa ugu sareya, isagoo sheegay inuusan siin doonin muhiimad gaar ah kulanka Manchester United.
SOUTHAMPTON, ENGLAND - FEBRUARY 11: Jurgen Klopp, Manager of Liverpool looks on prior to the Premier League match between Southampton and Liverpool at St Mary's Stadium on February 11, 2018 in Southampton, England. (Photo by Julian Finney/Getty Images)