Howlgal culus oo ka socda Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose

0
Saturday December 19, 2015 - 09:40:46 in Wararka by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal culus oo ka socda Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose

    Sida ay sheegayaan dadka ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ciidamada Nabad Suggida iyo kuwa Millateriga ayaa howlgal culus waxa ay ka wadaan Magaalada Marka, kadib markii xalay ilaa shalay ciidanka lagu tuuray dhowr Bambo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan dadka ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, ciidamada Nabad Suggida iyo kuwa Millateriga ayaa howlgal culus waxa ay ka wadaan Magaalada Marka, kadib markii xalay ilaa shalay ciidanka lagu tuuray dhowr Bambo.

Howlgalkaan oo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena lagu raadinaayo shaqsiyaadka Shabaabka gacan saarka la leh ee Magaalada ku dhex dhuumanaya, ayaa wuxuu ka socdaa dhamaan Xaafadaha Magaalada Marka.

Ciidamada Dowladda oo xalay dhex maraayay Magaalada Marka gudaheeda ayaa Bam gacmeed, aanan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay lagu weeraray, iyadoo shalay Duhurkiina bam kale ciidanka lagu tuuray.

Ilaa hada lama oga ciidamada howlgalka wada cid ay gacanta ku soo dhigeen iyo sidoo kale natiijo rasmi ah oo howlgalkaasi ay ka gaareen, inkastoo weli howlgalka uu socdo.

Magaalada Marka muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacaayay dagaal beeleed u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada degan.

Ammaanka Magaalada Marka ayaanan aheyn mid xasiloon, maadaama Magaalada ay wada joogaan Maleeshiyaad hubaysan, Dhalinyaro Shabaab ah oo dhankooda ciidanka Dowladda u gaarsanaya iyo ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo Magaalada iyagana kuwada sugan.

Dhibaatada ugu badan waxaa qaba Bulshada Magaalada Marka oo qarax, ama dagaal marka uu dhaco dhibaato weyn ay ka soo gaarto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip