Adigu Ma istaqaan??.

0
Sunday March 04, 2018 - 20:37:15 in Wararka by
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adigu Ma istaqaan??.

    Qofkii aan aqoon shalaydiisa,ma yaqaan maantadiisa halka uu joogu, kaan maantadiisa aan aqoona ma yaqaan Berri halkuu u socdo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkii aan aqoon shalaydiisa,ma yaqaan maantadiisa halka uu joogu, kaan maantadiisa aan aqoona ma yaqaan Berri halkuu u socdo.

Haddii aad maanta Aragtay Somali wadamada reer galbeedka ka ah wadayaal gaadiid waaweyn (truck Drivers), ama kuwa Taxi-iile yaal ka ah yurub & Amerika, Hala yaabin iyaguba shalay ayeey halkaan ka ahaayeen wada yaal gaadiid.

Halla yaabin Carabta maanta dantu kuu geeysay, iyagaba shalay ayaa dantu kuu keentay.

Bal maskaxdaada shiil oo isweeydii waxa kaa qarsoon ( Fiiri sawirka 1& 2aad).Bal ila fiiri dhacdooyinkaan xaqiiqda ah ee aan tusaalayaal yar kuugu soo koobay:

1-Ma xasuusataa Mr. Qulaan oo ahaa Taxiile Hindiya, Mr.Yoogo iyo Mr.Daalacey oo ahaayeen laba Taxiile oo yamaniyiin ahaa oo Xuriyada kadib Taxiile yaal ka ahaa Xamar. Sidoo kale ma xasuusataa Xuriyadda kadib Taxiila yaal Talyaani iyo Itobian ahaa oo Xamar shaqa u soo doontay . Halka maanta annaguna aan taxiile yaal ka nahay wadamada reer galbeedka.

2- Ma xasuusataa in wadayaasha Gaadiidka waaweyn ee dalku u badnaayen Talyani & Ingriis shaqa soo doontay.

3- Ma xasuusataa Araday yuhuud ah oo wax ku barata dugsiyada sare ee xamar "scola secondrio italiaano” – dugsiga yusuf al kowneeyn.

4-Ma xasuusataa sannadkii 1950 in ay dalka joogeen falastiniyiin qaxoti ah oo tuugsada , qaarkood ayaa markii dambe Magaalada Balcad u guuray, qaxooti ka yimid Koongna waxaa la dejiyay Jowhar .

5-Ma xasuusataa Ganacsato imaaraatka u dhalatay oo Cilaan/ Xinna, ku naadinayo wadooyinka xamar ,si looga gato, iyaga oo ku qaylinaya "Xinna imaaraati ishtaruu yaa akhwaanuna somaali” waa cilaan imaaraadka laga keenay ee naga gata walaalaheena somaliyeedoow.,

6-Ma xasuusataa Baxri u dhalatay dalka Kuwait oo kawaanada Xamar ka codsanaya in Xayrta xarkaga ah loogu shubo Tango ay wataan si marka ay noqdaan ay caruurtooda iidaan uga dhigtaan, lacag la’aanna lagu siin jiray.

7- Ma xasuusataa ganacsata waratta Yuhuuda ah oo dhar ku hor iibisa, shaleema shenteraale & koraajo del sud ( Mogadishu Mall ka maanta ee degmada X/weyne waxaa ka mid ahaa Mr. Bindo & gandelo.

8- Ma xasuusataa Farsamayaqaano Turki ahaa oo X/ weyne kabaha ku toli jiray.

9- Ma xasuusataa mar ay Idaacaddu aheed Nin makroofan wata oo istaagnaa Dahablaha X/ weyne hortiisa oo miis ku kor istaagnaa oo leh: warkii dunida .idaacaada maanta……..).

10- Ma xasuustaa habar talyaani aheed oo la dhihi jiray Habar Maaji, oo dharka Huu dhaayga ah ku iibin jirtay dukaan ka tirsanaa dhismaha Shalema Xamar.

11-Ma xasuusataa , Dukaan lagu iibiyo qoryaha , Bustoladaha & Rasaasta laguuna sharciyeeynayo, oo xuriyadda kadib ku yiil Koraja del suud dhinaca xigga Xarunta Gobalka Bannadir ,hubkaa dadkii gatay cid ay wax ku yeelen lama soo sheegin sharciga ayeey ilaalin jireen. , sida maanta USA dukaamada loogu iibiyo hubka si sharci ah.

12-Ma xasuusataa Gaala talyaani ahaa oo makaanik gaadiidka farsameya ahaa oo Garaashyada Xamar ka shaqeysanayay sida Mr. Bambelmi degmada X/jab jab.

13- Ma xasuusataa, Busteejadii Sarta Biixaani Deg/shibis ee ay ka bixi jireen Gaadiidka u socdo Adis ababa oo laga naadi jiray ,feerfeer- Adiis, soo raaca soo raaca.

14-Ma xasuusataa, in dhulgariir ka dhacay bakistaan ay somalidu aheed wadankii ugu horeeyay ee gurmad beni aadannimo la gaaray, oo aan u dirnay markab somalidu leedahay oo siday mucaawino u badneed, moos, liin, hilib lo’ iyo kaluun gasacadeeysan oo warshadaha dalka lagu sameeyay, galeey & sokor .welibana aan ugu deeqnay 500.000 USD.

Akhristoow yaana kugu badine aan caawa intaan ku simo, waa xaqiiq jirta ma ahan faan iyo mala awaal, haddii aadan soo gaarin weydii waalidkaa iyo intii soo gaartay.waxaan uga danleyahay in aad ogaato qayb yar oo ka mid ah ,xaqiiqda kaa qarsoon ee shalay, si aad u ogaato halka aad joogto iyo halkii aad qorsheysan laheed in aad gaarto berrito, weligaa ha niyad jabin. Geel Laba jir soo wada mar.

FG: wixii iga dhiman ku dar wixii aan khalday iga sax, arragtidaadu waa muhim, lana soco shalydaadii dhabta aheed, qormadaan xasuusinta ah oo dheereed waxaan ku soo koobay,14 qodob oo ah xaqiiqdaadii shalay, laga yaabee in Xaqiiqdaani ay qaarkiin ula muuqoto wax ayna maleeyn Karin, waase dhab.

Qore: yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip