Messi oo qaba inuu sababtaan darteed ugu guuleysan karo abaalmarinta Ballon d'Or

0
Sunday March 04, 2018 - 19:41:34 in Wararka by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi oo qaba inuu sababtaan darteed ugu guuleysan karo abaalmarinta Ballon d'Or

    Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu Neymar JR u arko xiddiga kula tartami doona abaalmarinta Ballon d'Or sannadkaan, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu Messi dhibsaday markii uu arkay Cristiano Ronaldo oo barbareynaya rikoorkiisii hanashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu Neymar JR u arko xiddiga kula tartami doona abaalmarinta Ballon d'Or sannadkaan, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu Messi dhibsaday markii uu arkay Cristiano Ronaldo oo barbareynaya rikoorkiisii hanashada abaalmarinta Xiddiga Sannadka Adduunka.

Messi ayaa ku riyaaqaya 14 sanno oo uu ka tirsan yahay kooxda koowaad ee Barcelona, wuxuuna mudadaas ka mid noqday ciyaartoyda adduunka ugu wanaagsan.

Isaga iyo Ronaldo ayaa sagaalkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey ku tartamayey abaalmarinta Ballon d’Or, xiddiga Real Madrid ayaana bishii December ee sannadkii tegay barbareeyey Messi isagoo markiisii shanaad hantay abaalmarinta Ballon d’Or.

Sannadkaan Messi iyo Ronaldo ayaa markale ugu cadcad hanashada abaalmarintaan, laakiin wararka ayaa soo jeedinaya inuu Messi doonayo inuu Koobka Adduunka u isticmaalo bandhiggii uu kula guuleysan lahaa abaalmarintaan.



Sida laga soo xigtay shabakadda Don Balon, Messi wuu ka warqabaa inuu Ronaldo markiisii seddaxaad oo xiriir ah Real Madrid ku hogaamin karo hanashada UEFA Champions League, balse wuxuu aaminsan yahay inay Barcelona sidoo kale qaadi karto koobabka La Liga iyo Copa del Rey

Sidoo kale Messi wuxuu qabaa inuu abaalmarintaan hanan doono haddii uu Argentina u qaado Koobka Adduunka. Sidoo kale Messi wuxuu aaminsan yahay in uusan Ronaldo rajo ka laheyn hanashada Koobka Adduunka marka la fiirsho tayada xulka Portugal balse wuxuu ka cabsi qabaa Neymar JR iyo xulka qaranka Brazil.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip