Faah-faahin ka soo baxeysa weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Baraawe

0
Saturday December 19, 2015 - 09:30:31 in Wararka by
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin ka soo baxeysa weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Baraawe

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar noociisa uu ahaa Ismiidaamin oo lagu doonaayay in lagu Khaarijiyo Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose. Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose, weerar l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar noociisa uu ahaa Ismiidaamin oo lagu doonaayay in lagu Khaarijiyo Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose. Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose, weerar loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Baraawe, kuwaasi oo ka ambabaxay deegaanka Golweyn. Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xuseen Shiine, ayaa u sheegay Warbaahinta gaari noociisa uu yahay Suzuki oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay in uu ku soo cararay Kolonyadii gaadiidka, kadibna ciidanka Nabad Suggida ay rasaas la dhaceen gaarigaasi oo meel banaan ah uu ku qarxay.

"Nimankii nabadda diidanaa ayaa waxay maleegeen fitno ay la rabeen inay ku qarajiyaan gudoomiyaha degmada Baraawe, laakiinse ma aanay u suurta gelin sidii ay rabeen, deegaanka Golweyn waxay ku diyaariyeen gaari Suzuki ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ciidanka AMISOM iyo kuwa NISA ayaa amniga gudoomiyaha iyo xubnaha la socday waday, gaariga wuu nagu soo cararay waxaa fashiliyay ciidanka NISA oo risaas ku furay kadibna gaariga wuu is qarxiyay, waxaa xigtay rasaas ay nagu soo fureen Maleeshiyaadkii kale, waan iska caabinnay waxaa ka dhimatay Seddex qof, kuwii kalena wey carareen, annagane waxaa naga dhaawacmay 1 qof, midda kale gaariga qarxay wax dhibaato ah ma geysan in uu gaadiidka qaarkood muraayadaha ka dumiyay mooyeeā€¯ ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe oo ka ambabaxay Degmada Afgooye ayaa ku socday Degmada uu masuulka ka yahay, waxaana galbinaayay ciidan Nabad Suggida ka tirsan iyo kuwa Amisom.

Shabaab weli kama aysan hadlin weerarkaan Ismiidaaminta ee sida la sheegay laga fashiliyay Shabaabka, xilli ay rabeen inay Khaarijiyaan Guddoomiyaha Degmada Baraawe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip