Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku dilay deegaanka Golweyn ee Sh/Hoose

0
Saturday December 19, 2015 - 09:23:15 in Wararka by
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku dilay deegaanka Golweyn ee Sh/Hoose

    Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in shalay gelinkii dambe ee ay dad rayid ah ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo falkan uu ka dambeeyay markii qarax lala beegsaday. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa lala eegtay kolony

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in shalay gelinkii dambe ee ay dad rayid ah ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo falkan uu ka dambeeyay markii qarax lala beegsaday. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa lala eegtay kolonyo uu la socday Guddoomiyaha degmada Baraawe oo ay wehliyeen kolonyo ciidamada AMISOM, iyadoo warar qaar ay sheegayeen in qaraxa ahaa mid ismiidaamin ahaa.

 Mid ka mid ah dadka deegaanka Golweyn ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in afar ruux ay dileen Ciidamada AMISOM, iyadoo saddex ka mid ah dadka la dilay ay wateen gaari yar.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qof afaraad oo deegaanka Golweyn aad looga yaqaano ay dileen, kaasoo ahaa nin ku shaqeysta gaari dameerka.

Dhinaca kale Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa beeniyay in Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah dileen, isagoo xusay in qarax ay Al-Shabaab u diyaariyeen kolonyada Guddoomiyaha degmada Baraawe ay rasaas ku fureen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo soo weeraray qaraxa kadib kolonyada, isagoo tilmaamay in saddex ka dileen.

Ciidamada AMISOM ayaa horay xasuuq uga geystay degmada Marka, iyadoo sanadkan sii dhamaanaya ku dileen dad ka badan 10-ruux, inkastoo AMISOM ay sheegtay in falkii Marka ka dhacay loo xiray askar. xigasho:-jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip