Jen. Tuur Yare "Dhalinyarada Qurbaha ka yimid waa kuwa ugu badan ee Soomaaliya isku qarxiya"

0
Saturday December 19, 2015 - 09:20:38 in Wararka by
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jen. Tuur Yare "Dhalinyarada Qurbaha ka yimid waa kuwa ugu badan ee Soomaaliya isku qarxiya"

    Taliyaha Hey'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/raxmaan Tuur Yare ayaa sheegay in dhalinyarada ugu badan ee Soomaaliya isku qarxiya ay yihiin kuwa ka yimaada qurbaha ama dibada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Hey'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/raxmaan Tuur Yare ayaa sheegay in dhalinyarada ugu badan ee Soomaaliya isku qarxiya ay yihiin kuwa ka yimaada qurbaha ama dibada.

Jen Tuur Yare ayaa hadalkan ka jeediyay shirka dhalinyarada ee ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah ula hadlay dhalinyarada qurbaha ee ka qeyb galeysa shirkaas.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la ogolaan dadka qurbaha ku nool ee lacagaha u soo dira Al-Shabaab iyo kuwa masaajidada fadhiya ee dhalinyarada ku boorinaya inay Soomaaliya tagaan.

"Dhalinyarada qurbaha ka timid waa kuwo ugu badan ee isku qarxinaya Soomaaliya, dadka qurbaha ayaa la hadla, waa inaad iska diidaan masaajidada la idinka soo dirayo oo aad dhahdaan ma yeeleyno”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada qurbaha in baraha bulshada ay u isticmaalaan sidii looga hortagi lahaa dadka raba inay qaldaan.

"Waa la socotaan Al-Shabaab waa daciif, maantana waxay marayaan meesha ugu daciifsaneyd, dagaalkooda wuxuu ku soo haray gaari is qarxinaya iyo qof is qarxinaya, ilaa intee ayay sii wadi karaan, ma sii wadi karaan waligood”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.

Dhalinyaro badan oo qurbaha ka timid ayaa ka bar bar dagaalama Al-Shabaab, waxaana ay ka qeyb qaateen weeraro iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip