Laba daafac oo ku soo laabtay tababarka Real Madrid, balse laba xiddig oo qadka dhexe ah ayaa dhaawacan yihiin

0
Thursday March 01, 2018 - 19:30:58 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba daafac oo ku soo laabtay tababarka Real Madrid, balse laba xiddig oo qadka dhexe ah ayaa dhaawacan yihiin

    Daafaca dambeedka bidix ee reer Brazil Marcelo ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Real Madrid. Marcelo ayaa haatan diyaar u noqonaya inuu ciyaaro kulanka ay Los Blancos wajaheyso Paris Saint-Germain ee lugta labaad ee wareegga 16ka tarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daafaca dambeedka bidix ee reer Brazil Marcelo ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Real Madrid. Marcelo ayaa haatan diyaar u noqonaya inuu ciyaaro kulanka ay Los Blancos wajaheyso Paris Saint-Germain ee lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League.

Xitaa waxaa macquul ah inuu daafaca reer Brazil diyaar u noqdo kulanka ay Real Madrid wajaheyso kooxda Getafe, tababare Zinedine Zidane ayaana diyaar u ah inuu xulashadiisa ku darsado maadaama uu u baahan yahay inuu daqiiqado ciyaaro ka hor kulanka ay Faransiiska ugu martinayaan PSG.

Marcelo ayaa 18kii bishii Febraayo ku dhaawacmay kulankii ay Real Madrid wajahday kooxda Real Betis.

Dhanka kale, Vallejo ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda Real Madrid maanta oo Khamiis ah ka dib muddo bil ah oo uu garoomada ka maqnaa.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Zinedine Zidane waxaa weli ka maqan xiddigaha qadka dhexe Toni Kroos iyo Luka Modric kuwaasoo ku jira liiska ciyaartoyda dhaawacan, laakiin ugu yaraan mid ka mid ah ayaa taam u noqon doona kulanka PSG.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip