Kenya oo Ciidamo u daabuleysa xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

0
Wednesday February 28, 2018 - 07:53:12 in Wararka by
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo Ciidamo u daabuleysa xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

    Wasaaradda Amniga dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in Ciidamo cusub oo dheeraad ah dhowaan la geynayo xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kadib weeraro laga cabsi qabo Shabaab in ay geystaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in Ciidamo cusub oo dheeraad ah dhowaan la geynayo xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kadib weeraro laga cabsi qabo Shabaab in ay geystaan.


Wasiirka Amniga Kenya oo booqday Gobolka Waqoyi Bari ee dalka Kenya ayaa socdaalkiisa waxa uu la xiriiray u kuurgalida xaaladaha amniga gaar ahaan degmada Wajeer.

Wasiirka oo saraakiisha ammaanka kula hadlay Gobolka ayaa ku amray in ay gacan bir ah ku qabtaan sugidda amniga, cidii shaqada dayacdana lala tiigsan doono Maxkamad oo ay la kulmi doonto ciqaab.



"Waxaan ku soo kordhineynaa Gobolka Waqooyi Bari Ciidmo ku filan gaar ahaan dhanka wajeer, laakiin waxaan idin leeyahay amniga rasaas laguma sugi karo ee waa in shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in tababar loo soo xiray qaar ka tirsan dadka ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari, kuwaasi oo Askarnimo loo tababaray si ay ula dagaalamaan Shabaabka weerarada ka geysta Gobolka.

Bartamihii bishan weerar xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay ku dileen Saddex Macalimiin ah, xilligaasi wixii ka dambeeyay Macalimiinta ayaa bilaabay in ay u qaxaan Magaalada Nairobi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip