Maxamed Elneny oo FARIIN u soo diray Wiilkii ay ka Oohisay Arsenal, Balse Dhaleeceyn xoogan la kulmay

0
Tuesday February 27, 2018 - 09:24:23 in Wararka by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Elneny oo FARIIN u soo diray Wiilkii ay ka Oohisay Arsenal, Balse Dhaleeceyn xoogan la kulmay

    Laacibka Muslimka ah ee kooxda Arsenal Maxamed Elneny ayaa fariin Damqasho leh u soo diray wiilkii Arsenal darteed u OOYAY ciyaartii habeen hore ay guul darrada 3-0 kala kulameen Manchester City finalka Carabao Cup.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka Muslimka ah ee kooxda Arsenal Maxamed Elneny ayaa fariin Damqasho leh u soo diray wiilkii Arsenal darteed u OOYAY ciyaartii habeen hore ay guul darrada 3-0 kala kulameen Manchester City finalka Carabao Cup.


Balse xiddiga qadka dhexe ee reer Masar ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay taageerayaasha oo ku soo weeraray Baraha Blushada.

"Dhageyso, Ilintaadu aad ayay qaali noogu tahay dhammaanteen, adiga dartaa iyo dhammaan taageerayaasha Arsenal, waxaan kuu balan qaadayaa inaan ku dagaalami doono sidii aad u dhoola caddeyn lahayd.” Maxamed ayaa sidaa ku soo qoray bartiisa Twitter ka.

 The Arsenal players look dejected after they were convincingly beaten by Pep Guardiola's men

Taageerayaal careysan ayaa durba u soo jawaabay oo dhaleeceyn dusha kaga tuuray.

Midbaa soo qoray: "Uma baahnin balan qaadkaaga ee iska tag.”.

Ku kalaa soo qoray: "Dhageyso Maxamed, Tani waa wax la jeclaysto, balse Taageerayaasha Arsenal waxay u baahan yihiin in garoonka lagu hadlo ee ma ahan baraha bulshada.

"Haddii aad kala bar xitaa ugu fiicnaan lahayd garoonka sida aad ugu fiican tahay Twitter ka, waxaad ku tartmi lahayd horyaalka iyo Champions League.”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip