Waa Kuma Scott McTominay? Maxaadse Kaga Baahan Tahay Wiilka Loo Arko Bedelka Paul Pogba?
Bilawgii sannadkii 2015kii, McTominay wuxuu ahaa kaliya 5ft 6in, laakiin wuxuu ka faa’iidaystay koritaan kobac jirkiisa, sida uu shaaca ka qaaday macalinkiisii hore ee Guardren Joyce.
"Scott waxa uu usoo baxay silama filaan ah,” ayuu yiri Joyce. "Waxa uu noqon karaa qadka dhexe ee ugu wanaagsan adduunka mustaqbalka dhaw ayuu hadalkiisa ku daray.
"Waa ciyaaryahan aad uwanaagsan, farsamo ahaan wuxuu udub dhexaad u yahay xirfado fiican, wuxuu si fiican kaga soo muuqday kooxdiisa xilli ciyaareedkaan.
McTominay wuxuu leeyahay waayo-aragnimo dheeri ah, isagoo ku ciyaaray Etihad Stadium, Anfield iyo White Hart Lane waqtigiisa Man Utd.
Louis van Gaal ayaa kusoo daray 14 ciyaaryahan oo ka qalinjabiyay Akadeemiga Manchester United, waxaana Mourinho uu haatan u ogolaanayaa inuu siiyo qandaraas lamid ah Joel Pereira iyo Axel Tuanzebe oo kamid ah dhalinyarada kooxda.
"Tani waxay ii aheyd waxyaabo ii gaar ah,” ayuu u sheegay website-ka kooxdiisa markii la weydiiyay sida uu u arko ka garab ciyaarista Marcus Rashford iyo Jesse Lingard.
Dad badan ayaa laga yaabaa in ay u arkaan xiddigaan mid kamid ah ciyaartooyda ugu fican ee waqtigaan usoo koraya kooxda Manchester United.
Wuxuu kusoo bilowday xili ciyaareedkaan kulamo waaweyn oo ay kamid yihiin ciyaarihii Sevilla iyo Chelsea.
McTominay waxa uu ku dhashay England, laakiin waxaa uu fursad u heystaa inuu matalo Scotland oo uu kusoo barbaaray, inkastoo weli aan la cadeyn dalka uu usafan doono.
Waa Kuma Scott McTominay? Maxaadse Kaga Baahan Tahay Wiilka Loo Arko Bedelka Paul Pogba?
Scott McTominay ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay Manchester United ciyaar Premier League ay ku wajaheen Crystal Palace xili ciyaareedkii hore. Dhawr dhaawacyo oo ay wajahday kooxda ayaa keentay xiddiga inuu kusoo biiro kooxda koowaad ee Manc