Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday Qaramadda midoobay

0
Monday February 19, 2018 - 19:57:10 in Wararka by
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday Qaramadda midoobay

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday qaramadda midoobay oo uu hogaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Binu�

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday qaramadda midoobay oo uu hogaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Binu'aadam-nimada Mr. Peter de Clercq.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka raashinka qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh.

Shirkan oo ahaa mid warbaahintu dibada ka joogtay markii uu shirkaasi soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka Aririmaha Dibada Somaliland iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee UN-ta u qaabilsan Soomaaliya, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka Somaliland, iyaga oo si gaar ah ahna diiradda u saaray xaaladda abaareed ee kasoo cusboonaatay meelo badan oo dalka ah, waxaana la isla gorfeeyey baahida loo qabo inay qaramada midoobay kaalin buuxda ka qaadato xaaladda abaareed ee soo cusboonaatay.

Waxa kale oo ay sheegeen inay ka wadda hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga ay qaramada midoobay ku taageerto Somaliland, Mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliyaanna la gaadhsiiyo gobollada Bariga dalka, isla markaana laga haqab-tiro adeegyada Aas-aasiga u ah nolosha bulshada, shaqo-abuurka dhallinyaradana ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna isu duwaha arrimaha gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter De Clercq, ayaa sheegay inay madaxweynaha iyo xukuumada isla afgarteen qodobada uu madaxweynuhu kala hadlay, diyaarna u yihiin fulintooda, qiimaynna ku samayn doonaan xaaladda abaareed ee jirta, isagoo la kaashanaya hay’adaha u xilsaaran, sidoo kalena qayb ka noqon doonaan hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII).

Sidoo kale, waxa uu ku xigeenka ergaygu sheegay in sida ugu degdeg uga qaybqaadan lahaayeen sidii cunto usoo gaadhsiin lahaayeen dadka abaaruhu ku dhuftay,isla markaana arrimo badan ka wada shaqayn doonaan Somaliland.

Sidoo kale,Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isna ka hadlay wuxuu daarnaa kulankaasi, waxaanu yidhi "Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee jimciyadda quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ka wada-hadleen xaaladda imika taagan ee abaaraha iyo sida loogu baahan yahay in la iska kaashado sidii arrinkaas wax looga qaban lahaa waqtigan iyo mustaqbalka dambeba.”

Ku xigeenka ergayga UN-ta u qaabilsan Soomaaliya waxa weftiga kula wehelinayey:

1. La-taliyaha isku-duwaha ee degaanka, Govin Roy,

2. Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG / HC / RR, James Eberlein,

3. Madaxa xafiiska Somaliland, UNSOM, Jeff Sims

4. Madaxa isuduwidda OCHA, Edmore Tondhlana, iyo

5. Ilias Dirie, oo ka socday ILO.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online



thumbnail
thumbnail
thumbnail

thumbnail

thumbnail

thumbnail



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip