R.W Ku xigeenka oo dhagax dhigay Dhismaha Wasaaradda Dekedaha

0
Monday February 19, 2018 - 19:30:36 in Wararka by
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R.W Ku xigeenka oo dhagax dhigay Dhismaha Wasaaradda Dekedaha

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Bada ee ku taalla Degmada Shibis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Bada ee ku taalla Degmada Shibis.

Munaasabada dhagax dhiga Xaruntan waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Xaruntan ayaa waxa dhisaysa Shirkada Al-beyrak ee Dowladda Turkiga.

Wasiirka Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Bada Maryan Aweys Jaamac oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in dhismaha Xaruntan uu soconayo muddo 6 bilood ah.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay mar walbo diyaar u tahay dhismaha iyo dib u howlgelinta xarumaha muhiimka ee Dowladda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in qorshaha xaruntan lagu dhisayo ay qeyb ka tahay qorshaha ay xukuumada ku dooneyso in xarumaha Wasaaradaha goobaha shacabka la dhex dajiyo oo laga soo raro gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

"Dhismaha Wasaaradda Gaadiidka maanta la yagleelayo waxa uu wax ka tarayaa in Amniga uu ku fido Caasimadda, waxaan wadnaa qorshe Wasaaradaha loogu dayactiryo xarumahooda, waxay qeyb weyn ka tareysaa in shaqaalaha ay helaan xarun ay ku shaqeeyaan, isl xisaabtanka uu hirgalo.” Ayuu yiri R.W. Ku xigeenka.

Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaan hada lahayn Xarun ay ku shaqeyso, waxayna la daganeyd oo ay dul saar ku ahayd Wasaaradda Duulista Hawada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip