Axmed Madoobe oo Kismaayo ka furay shir looga hadlayo howlaha dib u xoreynta deegaanada Jubbaland
Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ayaa looga hadli doonaa diyaar garowga dib u habeynta hanaanka howl galkan u socon doono.
Waxaa shirka ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka, AMISOM, Saraakiil Mareykan ah, Taliska Ciidamada xoogga dalka.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in howl galada ka bilaabanaya Jubbooyinka lagu soo afjaro muddo gaaban sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Wariyeyaasha ayaa sheegaya in kulankan inta uu socon doono uu yahay mid albaabada u xiran, isla markaana lagu dejin doono qorshooyin milateri oo ku wajahan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu haya Gobolka Jubbada Dhexe, waana gobolka kaliya oo si guud u maamulaan, waxaana sidoo kale ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe oo Kismaayo ka furay shir looga hadlayo howlaha dib u xoreynta deegaanada Jubbaland
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka furay magaalada Kismaayo shir looga hadlayo dardar gelinta howlaha dibu xoreynta deegaanada Jubbaland ee wali ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.