WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA FEBARAAYO 2018-KA

0
Monday February 19, 2018 - 08:39:37 in Wararka by
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA FEBARAAYO 2018-KA

    WASAARADDA MAALIYADDA OO BAAQ LOO DIRAY Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Wasa arada Maaliyadda iyo ganacsatada gobolk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASAARADDA MAALIYADDA OO BAAQ LOO DIRAY Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Wasa arada Maaliyadda iyo ganacsatada gobolka banaadir. Xildhibaan Abuukaate ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xaliyo wadashaqeyna ay dhex marto Wasaarada Maaliyadda iyo ganacsatada gobolka banaadir.

Waxa uu tilmaamay in aysan cadeyn deymaha lagu leeyahay Soomaaliya ilaa iyo hada.

Xildhibaan Abuukaate ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada loogu baahan yahay iney si siman Canshuurta ugu qaado dhamaan ganacsatada dalka.

Waxa uu sheegay in wasaarada Maaliyadda aysan xaq u lahayn in ganacsatada gobolka banaadir keliya canshuur ka qaado.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in canshuurta Iibka ee lagu soo rogay ganacs atada loo wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir, si adeegyada bulshada ugu fuliyo.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa shalay sameeyay shaqo joojin, iyadoo la xiray Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana Ganacsatada ka cabanayaan canshuurta Iibka ee lagu soo rogay alaabta laga soo dejiyo Dekeda Wasaaradda

GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR IYO GANACSATADA OO KA WADA HADLAY CABASHOOYIN KU AADDAN CANSHUURAHA

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maangal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.

Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falanqeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo sa aro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.

Sidoo kale, kulankan ganacsatada iyo Maamulka Gobolku waxa uu hoosta ka xariiqay in canshuurtu ay tahay waajibaad saaran cid kasta oo dalka ganacsi ku leh ama wax la soo da gta, muhiimna ay u tahay dawladnimada.

"Masuuliyad gaar ah ayaa naga saaran ilaalinta duruufaha shacabka Gobolka Benaadir. Si taas la mid ah waxaa dhammaan ganacsatada saaran waajib qaran oo ah bixinta canshuu raha, haddiise cabasho ay timi waa in laga shaqeeyaa sidii aan xal munaasab ah ku gaari lah ayn oo dan u ah dadka iyo dalkaba.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisow waxa uu sheegay in ay joogteynayaan kulamada ay la qaadanaya ganacsatada, tallaabadaas oo asaas u ah wada shaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Benaadir.

WASAARADDA GAADIIDKA OO SHARCI CUSUB KA SOO SAARTAY SUMADDA GAADIIDKA

Wasiirka Gaadiidka, cirka iyo dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Sal aad (Oomaar) ayaa soo saaray sharci cusub oo ku saabsan sumadda Gaadiidka noocya diisa kala duwan.

Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid cusub iyo mid laga soo qaatay xeer arkii hore oo la is waafajin doono.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay sameeyeen taargooyin cusub oo ganacsi ah, kaa soo loogu tala galay gaadiidka dibadda laga keeno ee la geeyo garaashka ka hor inta aan la iibsan, isla markaana marka la iibsado la siinayo taargooyin cusub oo rasmi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan cusub uu ku jiro qodobo cadeynaya qofka iska iibinaya gaadiidka uu taargada dib u soo celiyo, si looga hortago in gaariga uu iska iibiyay loo adeegs ado falal amni daro ah, isla markaana loogu qabsan.

Inta badan gaadiidka la iska iibiyo ayaa la marin hab sharci ah, iyadoo ay dhacdo in hal gaari ay dhowr qof isku marto, isla markaana wata halkii taargo ee markii hore lagu soo iibsa day.

XALIIMO YAREY ”ODAYAASHA DHAQANKA WAX TALO AH KUMA YEELAN DOONAAN DOORASHADA 2020KA”

Ururada Haweenka Gobolka Banaadir ayaa shalay la hordhigay Warbixin la xiriirta Qors haha Gudiga doorashada ee geedi socodka doorashada 2020ka,Gudiga Maxabanaan ee door ashooyinka Qaran ayaana bulshada kala tashanaya aragtidooda doorashada.

Gudoomiyaha Gudigaasi Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yareey ayaa madasha kulan ka shee gtay qorshohooda kulamada aragti wadaaga oo ay dhowr magaalo ka soo sameeyeen.

"Maant waxan isugu imaanay inaan ka tashano arrimha doorashada isu imaatinken ma aha maxaan muqdisho ka sameyneynaa haweenka doorkee ayay ku yeelan doonaan ilaa iyo hadda 20 degmo oo dalka ah ayan tagnay si aan bulsahda ula tashano ayay tiri Xaliimo Yar eey” Gudoomiye Xaliimo Yareey ayaa sido kale faah faahisay waxa laga tashanayo iyo fahan ka laga heysto,waxaana ay bogaasay doorka bulshada somalida oo ay lasoo kulantay .

Sidoo kale waxa ay sheecisay in Odayaasha Dhaqanka aysan wax wadatashi ah ku la heyn doorashooyinka Sanada 2020 laakin in loo gudbi doono hanaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay uga qeyb galayaan doorashada.

Qorshaha aragti wadaaga doorashada ayaa la filayaa in dhawaan lasoo gunaanado oo ay gudigu soo bandhigaan aragtida ay ka soo uruuriyiin deegaano kala duwan ee Dalka taa oo la xiriirta meelaha hadda ay tilmaamayaan Bulshada Somaliyeed.

SHIRKA AMNIGA GAMUDUG OO KA FURMAY DHUUSAMAREEB

Waxaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ka furmay Shirka amniga ee maamulka Galmudug.

Shirkan oo socon doono muddo 3 Cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya guddiga amniga ee deegaanada maamulkaasi iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa Xuukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan oo daahfuray shirkaasi ayaa sheegay in uu socon doono muddo 3 Cisho ah.

Waxaana uu xusay in looga hadli doono ammaanka guud ahaan Galmudug iyo sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulkaasi.

DOWLADDA OO AMARTAY IN GACANTA LAGU SOO DHIGO DAD KA GANACSADA CUNNOOYINKA GARGAARKA

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in saraakiil ka Tirsan Wasasaarada ay baaritaan ku ogaadeen insuuqyada Muqdisho lagu iibiyo cunnooyinka loogu talagalay carruurta iyo dadka kale ee ay nafaqa daradu heyso.

Cuntooyinka Wasaaradda ay sheegtay in Suuqyada Muqdisho Lagu iibiyo waxaa kamid ah Buskut, Saliid, Digir, Haruur iyo malmaatooyinka nafaqada leh ee loo yaqaan RUSF iyo RUTF.

Wasaaradda ayaa amar ku siisay hey’adaha amniga, in ay soo qabtaan shaqsiyaadka caadeystay arintaas. Qoraalka wasaaradda ayaa kusoo beegmaya xili Talefishin laga leeyahy Mareykanka oo lagu magacabo CNN uu baahiyay in Gargaarka Soomaliya qeyb kamid ah uu gacanta u galo Alshabaab.

ISRAA’IIL OO DUQEYN CIRKA AH KU QAADAY MARINKA QAZA

Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday Marinka Qaza ee dhulka Falastiniyiinta, kaddib weerar bambano oo lagu qaaday ciidamadeeda.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in weerarka bambano ee lagu qaaday ciidankooda, ay ku dhaawacmeen illaa afar askari.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo warinaya in diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen illaa lix goobood oo la sheegay inay xarumo ku leeyihiin Ururka Xamaas.

Saraakiisha Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay weerareen warshad hubka lagu sameeyo iyo kanaal dhulka hoostiisa mara oo weerarada looga soo qaado Israa’iil.

sonna2-1-696x339 Illaa labo ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen duqeymaha, halka dad kale la la’yahay, sida laga soo xigtay Dhaqaatiirta ku sugan Qaza.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa sheegay inay si dhab ah u qaadanayaan xaalada soo korortay.

Israa’iil iyo Ururka Xamaas ayaa 10kii sano ee la soo dhaafay dagaalamay saddex jeer, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyay uu dhacay sanadkii 2014.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya diyaaradii ku burburtay Iiraan.

Lixdan iyo lix qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad ay saranaayeen ay ku burburtay gudaha dalka iiraan.

Diyaaradaan oo sitay rakaab gaaraya 60 qof iyo 6 kale oo shaqaalaha diyaardaas ka mid ahaa ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla bartamaha dalka Iiraan.

Warbaahinta gudaha dalka Iiraan ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku soo dhacday magaalada Semirom ee gobolka Isfahan.

Diyaaradda ayaa isaga kala goosheysay magaalooyinka Tehraan iyo Yausj, waxaana sida la sheegay saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo lix qof oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo gurmad ahayd ayaa lagu soo waramayaa in ay u suurtageli weyday in ay gaarto goobta ay diyaaradda ku burburtay sababo la xiriira cimilada oo aad u xun awgeed.

Ilaa haatan si rasmi ah looma oga sababta keentay in diyaaradaasi ay ku dhacdo gudaha dalka Iiraan.

DANJIRAHA MIDOWGA YURUB EE SOOMAALIYA OO FAAH FAAHIYEY XAALADDA MUWAADINIINTA KU XIRAN LIIBIYA

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa faah faahiyey qorshaha dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celineyso dalkooda Hooyo Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xir xiran Xabsiyada dalka Liibiya.

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in dowladda Liibiya ay u fasaxday wafdigooda iney booqdaan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Soomaalida dalkaasi ku dhiban, islamarkaana ilaa iyo iminka ay booqdeen labo xabsi oo ay ku xiran yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

” Anagoo fulinayna amarkii Madaxweynaha JFS waxaa naga go’an in aan soo deyno maxaabiista kale ee weli ku harsan Xabsiyada Liibiya,waxaan joognaa magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalkan,waxaan dhawaan booqanaynaa xabsiyo kale”Ayuu yiri Cali Siciid Fiqi Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Mudane Cali Sicid Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in iminka ay bilaabeen qorshihii dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhiban Liibiya, isagoo intaasi ku daray in inta ay awoodaan ay soo qaadi doonaan.

`Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa xusay iney jiraan dhalinyaro badan oo gacanta ugu jira kooxaha arxan laawayaasha ah ee loo yaqaano Magafe, si dhalinyarada ay heystaan loo sii daayana ay ku dadaali doonaan qorshe walbo oo xoriyadda dhalinyaradaasi lagu heli karo.

`Dowladda Soomaaliya ayaa daraad Magaalada Muqdisho keentay 11 qof oo laga soo daayay dalka Liibiya, waxaana wali socda dadaallo kale sidda ay sheegayaan Madaxda dowladda.

DAGAAL CULUS OO CIIDAMO KA TIRSAN DOWLADDA, AMISOM IYO ALSHABAAB KU DHEX MARAY DULEEDKA BARAAWE

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha AlShabaab ayaa ka dhacay duleedka degmadaas.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaabka ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada oo marayay duleedka Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal qaatay saacado uu labada dhinac dhex maray, kaasoo la soo sheegayo in khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka Shabaab ku soo qaadeen ay iska caabiyeen, isla markaana ka dileen dhowr dagaalame, hubna ka furteen.

AlShabaab ayaa baraha Internetka ee taageera ku faafiyay in dagaalka ay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka Ciidamada AMISOM.

Ciidamada dowladda, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah oo taageeraya Ciidamada huwanta ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo iyo weeraro ka waday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo deegaanada qaar la wareegay, balse dib uga soo baxay.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO JAWAAB KULUL SIIYAY LA TALIYAHA AMNIGA QARANKA EE MADAXWEYNAHA (AKHRISO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga da goroddddlka Jen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa jawaab kulul u diray La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali, kaasoo horay u qoray warqad talo soo jeedin aheyn oo ka hadleysay arrimaha ciidamada xoogga dalka iyo in aan amar la’aan la qeybin hubka iyo rasaasta, isla markaana aan macluumaadka lala wadaagi karin Beesha Caalamka.

Warqad ka soo baxday Taliyaha ayaa digniin loogu jeediyay La Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka arrimaha Amniga, isagoo lagu wargeliyay in aanu awood u laheyn inuu soo farageliyo arrimaha ciidamada, isla markaana ay tahay arrin gaar u ah Taliyaha Ciidamada.

Sidoo kale waxaa looga digay La Taliyaha in aanu warqada taa la mid ah uusan u soo qorin Xafiiska Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, iyadoo lagu wargeliyay in Ciidamada xoogga dalka ay toos u hoostagaan Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Warqada kulul ee jawaabta uu soo qoray Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo sida muuqata uu is maandhaaf xooggan uu soo dhex galay Taliyaha Xoogga iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Amniga Cabdisaciid oo ka mid noqday La Taliyeyaasha ugu awooda badan ee Xafiiska Farmaajo.

Wafdi ka socda Qatar oo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi ka socday dowlada Qadar ayaa soo gaaray shalay magaalada Muqdisho iyadoo lagu wado in wafdigan uu kulamo la yeesho madaxda dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah Fahmo Axmed Nuur ayaa wafdigan ganacasatada ah ee ka socda dalka Qadar ku soo dhaweysay shalay oo ah Axad garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Fahmo Axmed Nuur oo warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha Muqdisho kaddib marki ay soo dhaweysay ganacsatadaasi, ayaa sheegtay in ganacsatadan ka socota dalka Qatar ay dalka u yimaadeen sidii ay fursado maalgashi uga heli lahaayeen dalka .

Wasiir Fahmo ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, iyadoo intaasi ku dartay in dowladdu ay dhameystirtay shuruucda asalka u ah maalgashiga dalka.

Wafdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in soo booqdaan xiligan Soomaaliya, iyagoo sheegay iney u yimaadeen halkan sidii ay uga heli lahaayeen fursado maalgashi.

MAAMULKA G/HIIRAAN OO DIGNIIN ADAG U DIRAY DADKA GARSOORKA U DOONTA SHABAAB

muqaadaraad rag lagu qabtay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray digniino ku aadan dadka u maxkaamd doonta deegaanada AlShabaab ay ka joogaan Gobolka Hiiraan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan dadka taga deegaanada Shabaab ay ka joogaan Hiiraan, si ay ugu soo xukumaan arrimaha dhulalka iyo sidoo kale dacwadaha kale ee dilalka la xiriira.

Meelaha loo dacwad tago ayuu sheegay inay qayb ka tahay Maxkamado Shabaab ay ku leeyihiin deeganada Quracleey iyo Booco, Gobolka Hiiraan ayuu sheegay iney ka jiraan Maxkamadaha Madaniga iyo tan Ciidamada.

Waxa uu Afhayeen Maxamed Nuur Dabaashe sheegay in dadka lagu soo dacweeyo Shabaab, wixii soo gaara ay masuuliyadooda qaadayaan dadka soo eedeeyaa oo aan laga aamusenin arimahaas.

Waxa uu soo qaatay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo uu sheegay inay ku hanjabeen inay u maxkamad doonanayaan AlShabaab, arinkaas ayuu ku tilmaamay inay tahay mid masiibo ah oo aan loo baahneyn xiligan.

Digniin taa la mid ah waxaa horay u soo saaray Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Sh.Dhexe oo sheegay iney la xisaabtamayaan dadka aada deegaanada Shabaab, si ay maxkamado uga soo helaan.

MUQDISHO OO LAGU SOO BANDHIGAY MAANDOORIYE IYO RAGII KA GANACSANAYAY.

Howlgal ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxay ku soo bandhigeen rag ay ku soo qabteen howgalkaas kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay ka ganacsanayeen waxyaabaha Maanka dooriya.

Saraakiisha ciidamda Booliska ayaa warbaahinta u soo bandhigay shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in ay ku howlanaayeen falal kala duwan iyo wax yaabaha maanka dooriya oo ragaas ay ka ganacsanayeen.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale waxay soo bandhigeen agabyadii lagu karinayay wax yaabaha maanka dooriya.

Ciidamada Booliska ayaa howgalkaan waxay ka sameeyaan degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir waxaana Ciidamada amaanka iyo dadka degaanka ay uga mahad celiyeen sida ugu qeyb qaateen howlgalkaaasi lagu soo qab qabtay ragaan ku howlanaa falal amniga ka soo horjeeda.

The best girl in asiaNAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKOTAXANE AH}

Q/87AAD

GEERAAR:

vQaaligaan Jeclaayoow ,kalkaaliye Jaceyl baad tahay ,

vKalsadaraadan kuugu jeclahay ,waxaad iilga dhigan tahay sida kanaal biyo marayaan

vOo kalluun badeed ayaad tahay iyo kaniin xanuunka iga biyee

vQaluubteyda waxaa ku taal in aad tahay qabiirkii kalsoonida siiyey qalbigeyga

vKoolkoolintaada ayaan rabaa iyo inaad I garab joogto goor iyo ayaane

vMa qiyaasi karaayo qiimaha agteyda aad ku leedahay oo qibrad badane ayaad tahay

v

vQiimaha xageyna qariidada aan isticmaalo ayaa ku qotontaaye

vQiyaali diide baad tahay iyo qeynuun fuliye daacad ah,

vqaaliga qoriga suweys baad tahoo qiimihiisu weyn yahay

vqiyaasi maayee qaluubtaad ku qoran tahay ,qaaligii dalxiiskoow qalbigeyga aan ka go’ynoow

vqiimaha aad ledahay qeyrkiis ka roonoow ma qiyaasi karaye

vqoor koore dahab ahoo kale oo qurixdiisu wacan tahay qalbigeyga qaadee

vqiimigii jaceylkoow qaadirkey I siiyoow kaa quusan maayee qiimaweyne caanshaqa

vqaluubteen ku beermee haka quusane talaabada qiyaasta leh

vinaan mar isla qaadnaa qalbigey ku taale qaadir heysku keyn simo.

vKoriye jaceyl ayaad tahay , kaafiyihii nafteydoow I koolkooliyoo aan wada kifaaxnee

vKaahii arooryaad ayaad tahay , kaamilkii nafteydoow, qaluubtaad ku sawiran tahay

vKedesma aha jacelkeygu,oo kalfadhi lagu kalsoon yahay go’aanadi kasoo baxay

vqodobkiis 1aad qiimeeyihiisii ayaa qorayo in aan isla qaadno caashaqa

vBidhaantaada wacan baa markii waaga uu baryo oo indhaha aan bikaaciyo adey kugu bogsanayaan

vOo laabteyda waxaa ku taal in aad laan ubaxa aad tahay oo eegmadaiis la jecel yahay ,

v Kii Keylbteyda tabeysoow la taliyihii jaceylkoow ,leeb inaan kugu soo ganan laabteyda kuma taal

v oo lugooyo kuumaquuree sida laamo loodshaha iyo laan xarar dheer leexadu luleysaadlaabta iiga laran tahay

v Kuma lidayee laacibkii jaceylkoow liibane caashaqa iyo maamulkiisa aad tahay

v Masuul saren waad tahay miirkey u roonaha mowlahey isayoow ma huraan ayaad tahay

v Ha maxbiisin caanshaqa oo midigta sii haay marksana u ronoow si uu meelwacan ugu maro

v mada daali caanshaqa meer meerin ka ogoow muuqiisa weyneey si uu u miro dhalo

v ilyn waa muhiimee marxabeynta caansgaqa marwalbaba ogsoonoow kala marmi meynee

v mudanaheyga sharaf leh oo muunadda iyo wanaaga leh , miyi iyo magaalaba kii laga wada maqsuudee

v nin milka leh ayaad tahay musharrax jira ayaad tahay, kii maankeygyu tabayee niyadey maqsuudiyey

v meesha yaan ku daahina mar uun mininkeena noo kici aan maashoodna caashaqa mirihiisa guranee

v qalbigeyga dhexdiisa qoraalka aan ku arkaayo qaaligii muslimkaa qiimigihiis ku arkoo

v qeyb weyn baad ku leedahay qeyr qaboow ogsoonoow, qaaya badane ogsoonoow,

v kii qeybta weyn hantay qalbigy ayaad tahay, oo qoraladeyda caanshaqa ma qiyaasi karyee

v Qormaddan yar uma qalintide in aan qoraalkaada qiimaha leh way ka qara weyn yihin qeybtaane

v Manaqiyaasi karaye qaadir kii uu ii qoray qeybta aan u heley noqo qeybo badan ayaa jira oo qumanaheyga

v aan ku soo qaadine qoraalkee wax la qoro ka weyne qiima badaneweeyoo wuu qaaya weynyoo

v qalbigiis ifaayee qof kastoow ogsoonoow qumanaheyga jaceylka

v qaluubtey ku beeray qaadir heysku keyn simo MAHADSANID

Dabadeed Raxmo waxaa ey mar qura la so baxday Heestii: {Haabiil Qaabiil markuu qoonsaduu dilay}

Intaas ka dib lammaanayaashiiis jeclaa ee Cqaadir iyo Raxmo waxaa ey ballameen in maalinnimada Jimcahamarka ay tahay 10:00 subaxnimo isugu yimaadaan……..

La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi

Dahab} Tel: 0618455506

BOGGA CAYAARAHA



IN UU QALADAAD SAMEEYAY KULANKII STAMFROD BRIDGE, SABABTII UU KAADHKA CAS U SIIN WAAYAY MICHAEL BALLACK IYO GARSOORIHII MURANKA BADAN DHALIYAY KULANKII CHELSEA VS BACELONA EE TOM HENNING OVREBO OO WARAYSI BIXIYAY.

Garsoorihii hore ee Tom Henning Ovrebo oo lagu xusuusto murankii xooganaa ee uu kubbada cagta Yurub ka sameeyay sanadkii 2009 kii markii uu qabtay kulankii Chelsea iyo Barcelona ee kulankii Stamford Brdige ayaa bixiyay waraysi arimahan si qodo dheer wax loogaga waydiiyay. Tom Henning Ovrebo oo 51 sano jir ah ayaa hadda ku nool magaalada Oslo ee dalkiisa Norway isaga oo ka hawl gabay garsoorenimada.

Wargayska Marca ee caasimada Madrid ka soo baxa ayaa waraysi Tom Henning Ovrebo kala yeeshay kulankii uu muranka wayni hadheeyay ee ay Barcelona barbaraha 11 ka ahaa ay Stamford Bridge kula soo gashay Chelsea iyada oo Iniesta uu dhaliyay goolka ilaa hadda taariikhda kulankaas sida gaarka ah loogu xusuusto.

Haddaba ka hor kulanka Chelsea iyo Barcelona ay markale ku kulmayaan Stamfrod Bridge waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybta ugu muhiimsan ee garsoore Tom Henning Ovrebo lagu waydiiyay kulankii sanadkii 2009 kii kaas oo ay Chelsea tirsanaysay in cadaalad daro xun uu Tom Henning Ovrebokooxdooda kula kacay.

Waxa kale oo Tom Henning Ovrebo la waydiiyay sababtii aanu xidigii Chelsea iyo xulka qaranka Germany ee Michael Ballack kaadhka cas u siin markii uu sida wayn uga cadhooday go’aano uu gaadhay taas oo uu sabab cad u sameeyay.

Garsoore hore Tom Henning Ovrebo ayaa la waydiiyay, May 6,2009 kii, miyaad u hanwayn tahay bandhigaagii habeenkaas?

"Maya, gabi ahaanba. Xaqiiqdii may ahayn maalintaydii ugu fiicnayd, laakiin qaladaadkaas garsoore wuu gali karaa, mararka qaarna ciyaartoy ama tababare ayaa qalad gali kara. Maalmaha qaar ma haysanaysid heerkii ay ahayd in aad ahaato, laakiin maya, anigu uma hanwaynaan karo bandhigaygaas”.

Xusuuso laba gacmood oo ay kubbada ku dhufteen Pique iyo Eto’o: "Haa dabcan, waxay ahaayeen xaalado gacan kubbada ah, garoonka dhexdiisa ayaan ku xukumay, laakiin waxaan filayaa in ayna wax xiiso ah lahayn in la ogaado wixii aan ka fikirayay markii aan go’aaminayay, inkasta oo aan fahansanahay in dadku ay si ka duwan uga fikirayaan go’aanadii aan markaas sameeyay, falanqyantu way sii socon doontaa”.

Chelsea waxay ku dooday ilaa afar rekoodhe oo cadaan ah ugu yaraan, maxaad ka filaysaa in uu ahaa qaladkaagii ugu halista badnaa? :

” Waxaa jiray dhawr qalad isla markaana qof kastaaba waxay leeyihiin fikradooda ciyaartaas, laakiin waxaan ku adkaysanayaa in ciyaartoyda iyo tababarayaashuba ay fashilmaan, wax dhacaana ma jiro. Waxaan u hanwaynahay in aan waayo garsoorenimo oo dheer ku soo qaatay tartamada Yurub oo aan ugu yaraan ahaa kan ugu fiican dalkayga. Taasi waa sababta aanad iigu xusuusan karin waayahagii garsoorenimo kulankaas oo kaliya, inkasta oo dad adiga kula mid ahi ay nasiib daro sidaa samaynayaan”.

Ballack Waxa uu si cadho ah kuugu gadooday adiga, maxay ahayd sababta aanan kaadhka cas u siin isaga? "Ciyaarta kadib wax sahlan ayaay ahayd in la sheego: "Muxuu sidan u sameeyay ee uu sidan u samayn waayay?’ Aniga ahaan waxa ii muhiimka ahaa waxay ahayd in aan wax ka barto qaladaadkayga. Waxaan qaatay go’aanka ah in aanan isaga kaadhka cas siin, intaas ayayna ahayd. Waa wax adag in la sharaxo sababta garoonka dhexdiisa go’aano loogu sameeyo isla markaana aan qaar kale loo samayn”.

"Waxaa laga yabaa in ay cadaadiska tahay, ama dhacdadaa in Ballck uu ka gadooday gadaashayda ama dhinacayga danbe oo aanan arkayn, waxaa jiri kara sababo badan ee go’aan kasta”.

WARBIXIN XIISO LEH: MBAPPE CAVANI NEYMAR VS MANE FIRMINO SALAH OO HOGAAMINAYA XIDDIGAHA UGU GOOLASHA BADAN TARTAMADA OO DHAN, HALKEE AYAY KAGA JIRAAN BBC & MESSI IYO SUAREZ

Horyaalada kala duwan ee yurub ayaa maraya meel xasaasi ah iyada oo ay la galay bilhii ugu dambeeyay ee lagu kala baxayay tartamada horyaalada iyo tartamada kale ee laga ciyaaro yurub.

Waxa jira xiddig lamaane ah oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira kuwaas oo kooxdooda ka caawiyay in ay dhaliyaan goolal badan natiijooyin fiican ka helaan kulamada.

Xiddigaha kooxda PSG ee Edinson Cavani, Kylian Mbappe & Neymar ayaa ah xiddigaha ugu goolasha badan tartamada oo dhan iyaga oo dhaliyay 67 gool.

Waxa ku xiga xiddigaha kooxda Liverpool ee Mane, Firmino Iyo Salah kuwaas oo qaadanaya qaab ciyaareed cajiib ah Liverpoolna ka caawiyay in ay noqoto kooxda ugu goolasha badan champions leagu waxana ay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan dhaliyeen 63 gool.

Kooxda Man City ee hogaanka u haysa horyaalka premier league ayay xiddigeheeda Sergio Aguero, Raheem Sterling & Leroy Sane dhaliyeen 60 gool.

Xiddiga Harry Kane ayaa ah xiddiga ugu halista badan kooxda Tottenham isaga oo dhaliyay 34 gool waxana ay xiddigaha Dele Alli & HeungMin Son kor ugu qaadayaan goolasha 51 gool oo tartamada oo dhan ah.

Xiddigaha kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez ayay labadoodu dhaliyeen 40 gool oo tartamada oo dhan ah waxana 48 ka dhigaya xidiga khadka dhexe ee Paulinho.

Xiddigaha kooxda Man United ee ee Romelu Lukaku, Anthony Martial & Jese Lingard ayaa iyagu tartamada oo dhan Man United u dhaliyay 43 gool.

Halka xiddigaha Eden Hazard, Wiillian & Alvaro Morata ay kooxda chelsea u dhaliyeen goolal dhan 37 gool oo tartamada oo dhan ah.

Bayern Munich ayaa dhakeeda haysata weeraryahanka Robert Lewandowski kaas oo kaligii dhaliyay 23 gool halka xiddigaha Arturo Vidal & Thomas Muller kor ugu qaadayaan goolasha 35 gool oo tartamada oo dhan ah.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Italy ee Juventus ayay xiddigeheeda Paulo Dybala, Gonzalo Higuain & Mario Mandzukic dhaliyeen 38 gool oo tartamada oo dhan ah.

Hadaba xiddigaha kooxda PSG ee MCN & Xiddigaha kooxda Liverpool ee MFS ayaa ilaa haatan ah xiddigaha ugu goolasha badan tartamada yurub inkasta oo kooxaha qaar 4 xiddig

goolashood loo tiriyay

Italy - Serie A February 18

Torino 0 - 1 Juventus

Benevento 3 - 2 Crotone

Bologna 2 - 1 Sassuolo

SSC Napoli 1 - 0 SPAL 2013

Atalanta 1 - 1 Fiorentina

AC Milan 1 - 0 Sampdoria



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip