Warbaahinta Israa’iil ayaa soo warinaya in diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen illaa lix goobood oo la sheegay inay xarumo ku leeyihiin Ururka Xamaas.

Saraakiisha Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay weerareen warshad hubka lagu sameeyo iyo kanaal dhulka hoostiisa mara oo weerarada looga soo qaado Israa’iil.

Illaa labo ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen duqeymaha, halka dad kale la la’yahay, sida laga soo xigtay Dhaqaatiirta ku sugan Qaza.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa sheegay inay si dhab ah u qaadanayaan xaalada soo korortay.

Israa’iil iyo Ururka Xamaas ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay dagaalamay saddex jeer, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyay uu dhacay sanadkii 2014.