"Maalmahan waxaa socotay in Ganacsatada lagu soo rogay Canshuurta la yiraahdo Iibka oo ka baxsan canshuurta caadiga ah ee Kastamka Dekeda, sida aan wada ognahay Wasaaradda waxey Wasaarad u tahay dalka oo dhan,Waxeyna ku qurux badan tahay in canshuurta laga wada qaado si siman dalka oo dhan”ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in canshuurta Iibka ee lagu soo rogay ganacsatada loo wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir, si adeegyada bulshada ugu fuliyo.

"Waxaaan soo jeedina Canshuurta Iibka ee lagu soo rogay Ganacsatada in loo wareejiyo Gobalka Banaaadir, si adeegyada lagama maarmaanka ah uu bulshada ugu qabto, maadaama Gobolka Banaadir ay wali matalaadiisa maqan tahay”ayuu yiri.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo la xiray Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana Ganacsatada ka cabanayaan canshuurta Iibka ee lagu soo rogay alaabta laga soo dejiyo Dekeda oo ay sheegeen in laga qaado ka hor inta aanay goobaha ganacsiga geyn, taasna ay khasaare ku tahay.