Dagaal culus oo ciidamo ka tirsan dowladda, AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka Baraawe
Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmadaas.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid, kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaabka ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada oo marayay duleedka Baraawe.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal qaatay saacado uu labada dhinac dhex maray, kaasoo la soo sheegayo in khasaare kala duwan uu ka dhashay.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka Shabaab ku soo qaadeen ay iska caabiyeen, isla markaana ka dileen dhowr dagaalame, hubna ka furteen.
Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera ku faafiyay in dagaalka ay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka Ciidamada AMISOM.
Ciidamada dowladda, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah oo taageeraya Ciidamada huwanta ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo iyo weeraro ka waday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo deegaanada qaar la wareegay, balse dib uga soo baxay.