Hordhac: Eibar Vs Barcelona- Blaugrana Oo Kulankan Raadineysa In Ay Guul Gaadho Si Ay Wadada Guusha Ugu Soo Laabto Kahor Kulanka Chelsea Ee UEFA Champions League-ga.

0
Saturday February 17, 2018 - 10:06:27 in Wararka by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Eibar Vs Barcelona- Blaugrana Oo Kulankan Raadineysa In Ay Guul Gaadho Si Ay Wadada Guusha Ugu Soo Laabto Kahor Kulanka Chelsea Ee UEFA Champions League-ga.

    Kooxda Barcelona ayaa waxay maanta booqan doontaa gobolka Basque ee waqooyiga dalka Spain, si ay kula soo ciyaarto kooxda Eibar oo kaalinta 7-aad kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka La Liga garoonkeeda Ipurua Municipal, kulankan ayaana ka tirsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa waxay maanta booqan doontaa gobolka Basque ee waqooyiga dalka Spain, si ay kula soo ciyaarto kooxda Eibar oo kaalinta 7-aad kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka La Liga garoonkeeda Ipurua Municipal, kulankan ayaana ka tirsan kulamada 24-aad ee xili ciyaareedkan horyaalka dalka Spain.

Blaugrana ayaa waxay kulanka dooneysaa inay guul gaadho si ay u joojiso dhibcihii ay isaga soo lumisay kulamadii lasoo dhaafay ee La Liga isla markaana ay u soo barbareeso rikoodhka Pep Guardiola ee ka fogaaday wax guuldaro ah mudo dhan 31 kulan, halka kooxda martida looyahay ee Eibar ay dooneyso in halkeeda ay kasii wadato natiijooyinkeeda wanaagsan ay ku gudi jirto xili ciyaareedkan.

Wararka Labada Kooxood:

Kadib markii uu farqiga dhibcaha kooxda kusoo xigta ee kaalinya labaad ku jirta uu noqday ilaa iyo 7 dhibcood oo kaliya, Valverde ayey u badan tahay inuu kulankan kusoo galo dhamaan ciyaartoydiisa muhiimka ah, inkastoo maalinka Talaadada uu sugayo kulanka adag ay kooxda Chelsea kula ciyaari doonaa tartanka Champions League-ga.

Kooxda Eibar ayaa la filayaa inay dib u soo dhaweyn doonto ciyaaryahankeeda khadka dhexe Pedro Leon, kadib mudo dhan 8 bilood uu dhaawac kaga maqnaa, halka xidigeeda kale ee weerarka kaga ciyaara ee Sergi Enrich uu kusii maqnaan doono sababa la xidhiidha dhaawac uu qabo.

Xaqiiqooyinka Kulankan:

* Eibar ayaa la kulantay guuldaro 7 kulan oo ay kaga hor timid kooxda Barcelona horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxaana laga dhaliyay 26 gool, balse waxay shabaqa kooxda Barcelona soo taabteen 4 jeer oo kaliya.

* Blaugrana hadii ay kulankan guul ka gaadho kooxda Eibar waxay ka dhignaan doonaa rikoodhkeedii ugu fiicnaa ay kaga fogaato wax guuldaro ah horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxaana rikoodhkan oo kale horey kaga soo sameeyay kooxda Pep Guardiola oo aan laga badinin 31 kulan oo xidhiidh ah sanadii 2011.

* Eibar ayaa todobo kulan oo isku xigta guuldaro kala kulantay Barcelona horyaalka La Liga ee dalka Spain, waana in kabadan kooxaha kale ee horyaalka Spain.

* Lionel Messi ayaa shabaqa kasoo taabtay lixdii kulan uu kaga hor yimid kooxda Eibar horyaalka La Liga, wuxuuna kasoo dhaliyay laacibka reer Argantina kooxdan 12 gool, oo ay qeyb ka tahay afarleydii uu kaga dhelay kulankoodii ugu dambeeyay.

* kooxda Eibar ayaa la kulantay kaliya 1 guuldaro 12-kii kulan ugu dambeeyay ay ka ciyaartay horyaalka La Liga, waxay guul gaadhay 8 kulan waxayna barbaro gashay 3 kulan kale, guuldaradii ugu dambeysay ay la kulantay waxay ahayd kulankii Atletico Madrid ay wada ciyaareen bishii january ee 2018.

Xogta Kulankan:

Kulanka:Eibar Vs Barcelona

Tartanka:Kulamada 24-aad Ee Horyaalka La Liga Dalka Spain

Saacadda:6:15 Maqribnimo Ee Saacada Geeska Afrika.

Halka Aad Ka Daawan Karto:Gool24.net Si Toos Ah Uga Daawo Ciyaarta.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Eibar:Marko Dmitrovic, Ruben Jimenez Pena, Ivan Ramis, Anaitz Arbilla, Jose Angel, Fabian Orellana, Pape Kouli Diop, Dani Garcia, Takashi Inui, Kike, Charles

Barcelona:MarcAndre ter Stegen, Nelson Semedo, Gerard Pique, Samuel Umtiti, Jordi Alba, Philippe Coutinho, Ivan Rakitic, Paulinho, Andres Iniesta, Luis Suarez, Lionel Messi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip