Real Madrid Vs PSG : Kulan Go`aamin Kara Aayahooda Tartanka Chamopions League

0
Wednesday February 14, 2018 - 08:09:40 in Wararka by
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Vs PSG : Kulan Go`aamin Kara Aayahooda Tartanka Chamopions League

    Dadka xiiseysa kubadda cagta ayaa sugi weysan kulanka Real Madrid ay ku marti gilinayaan kooxda PSG ee lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka xiiseysa kubadda cagta ayaa sugi weysan kulanka Real Madrid ay ku marti gilinayaan kooxda PSG ee lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka



Real waxa ay dadaal u galayaan in ay badiyaan kulankaan si rajadooda tartankaan u sii taagnaato maaadaama ay gacan ka taageen La Ligaha

Xogta Kulanka

* Kuladii hore ee labadaan koox waa ay ka saman yihiin dhanka guulaha , koox waliba waxa ay badisay laba jeer labana bar bar dhac dhamaan tartamada yurub .

 

* PSG waxa ay horay ugu guuleysteen in Real laba jeer ka reebaan tartan weyn waliba wareegga 4-ta waxa ayna kala ahaayeen xilli ciyaareedyadii 1992/1993-dii iyo 1993/1994 waxaana la joogay tartamada UEFA Europa League iyo UEFA Cup Winners’ Cup

* Halka is arag ee labadaan koox isaga hor yimaadeen Champion-ka waxa ay aheyd 2015/2016-kii, Real ayaa ku badisay hal gool kulankii garoonkeedii halka midkii PSG ay soo galeen bar bar dhac bilaa goolal ah

* Reral oo uu hogaaminayo tababare Zidane waxa ay badiyeen 10 kullan oo qeyb ka ah 14 kullan oo marxaladda bug baxda ah , waxa ay guul dareysteen laba kullan halka laba jeerna ay galeen bar bar dhac halka mudadaas ay qaadeen laba jeer koobkaas dhagaha weyn

* PSG uma aysan gudbin wareegga 4-ta 5-tii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay tartankaas

* Real ayaa tartankaas ka qeyb galeysa markii 21-aad ee isku xigta waxa ayna mudadaas soo gaarayeen marxaladda bug baxda

* PSG waxa ay qasaareen afar jeer 6-dii kullan ee ugu dambeeyay ee marxladda bug baxda ee Champion-ka , waxa ay bar bar dhac galeen hal jeer halka midna ay 2/1 uga badiyeen Chelsea bishii March ee sanadkii hore



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip