Chelsea oo guul raaxo leh garoonkeeda Stamford Bridge uga gaartay kooxda dhibaatooneysa ee West Brom

0
Tuesday February 13, 2018 - 09:38:03 in Wararka by
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo guul raaxo leh garoonkeeda Stamford Bridge uga gaartay kooxda dhibaatooneysa ee West Brom

    Chelsea ayaa guul qurux badan ka gaartay West Brom kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge, taasoo ka dhigan iney wadada guulaha dib ugu soo laabteen sidoo kalana ay saacideen macalinkooda Antonio Conte. Blues waxey soo tiigsatay boosk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa guul qurux badan ka gaartay West Brom kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge, taasoo ka dhigan iney wadada guulaha dib ugu soo laabteen sidoo kalana ay saacideen macalinkooda Antonio Conte. Blues waxey soo tiigsatay booska 4-aad iyagoo kala baxay Tottenham Hotspur oo kulankii North London Derby guushii ay ka gaartay ay halkaas soo gaarsiisay.
Sadexda Gool waxey ka heshay Eden Hazard oo laba gool shabaqa soo taabsiiyay iyo sidoo kale Victor Mosses ayaa qudhiisa shabaqa gaaray, waxeyna guushaan fariin u tahay kooxaha United, City iyo Barcelona oo ay kulamada soo aadan la ciyaari doonaan.

Weeraryahanka cusub ee Blues Olivier Giroud ayaa saameyn aan caadi aheyn kulanka ku yeeshay, maadaama uu laba jeer isku dayay, midna waxaa ka badbaadiyay Foster midna waxey aheyd qalaama rogaal mana ku aadin goolka.

Sidoo kale Zappacosta ayaa isna qasaariyay fursad gool loo fishay inkastoo garab dhaaf ay aheyd hadana – Hazard ayaa si fudud ugu soo gudbiyay waase laga badbaadiyay.

Alvaro Morata ayaa kooxda dib ugu soo laabtay kadib muddo uu dhaawac ku maqnaa, si fiican ayuun saameyn ugu yeeshay balse gool ma helin.

Natiijada waxey ku dhamaatay 3-0, oo ay guusha ku raacday Blues, waxeyna fadhisaa booska 4-aad iyadoo 3-dhibcood u jirta kaliya booska labaad






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip