Madaxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Afrika oo soo booqday qoyska Weriye Hindiya Xaaji Maxamed

0
Thursday December 17, 2015 - 13:14:18 in Wararka by
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Bariga Afrika oo soo booqday qoyska Weriye Hindiya Xaaji Maxamed

    Agaasimaha Fulinta ee Hay'adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), Dr. Xasan Shire waxa uu booqday qoyska ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Idaacadda Radio Mogadishu, taasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Fulinta ee Hay'adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), Dr. Xasan Shire waxa uu booqday qoyska ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Idaacadda Radio Mogadishu, taasi oo bilowgii bishan lagu dilay magaalladda Muqdisho. Dr. Xasan Shire oo uu wehlinayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumqadda Federalka, Cabdullahi Colaad Rooble iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka, C/raxmaan Al-cadaala iyo madax kale oo warbaahineed.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), waxa uu qoyskaasi guddoonsiiyey Kharaj, wuxuuna ballanqaaday inuu taageeri doono Qoyska Saxafiyadda nafteyda ku weyday iyadoo ku guda-jirta waajibaadkeeda shaqo.

Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ku geeriyootay qarax loogu xiray gaarigeeda.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP), waxa kale oo uu ku baaqay in la badbaadiyo Shaqaaalaha Warbaahinta, oo uu ku sheegay inay yihiin Indhaha iyo Dhegaha Bulshadda.

Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP) oo hoggaaminayo Wafdi Heer Sare ee dhinaca Xuquuqda Aadanaha ayaa ku sugan Somalia, si ay u indha-indheeyaan Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo sidii ay taageero uga geysan lahaayeen Asaaska Golaha Madaxa-bannaanka ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip