AKHRISO:- Taariikhda Ciidanka Badda Soomaaliya!

0
Saturday February 10, 2018 - 12:34:20 in Wararka by
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO:- Taariikhda Ciidanka Badda Soomaaliya!

    Maanta oo kale 1965, waa maalintii si rasmi ah loo aasaasay ciidanka badda Soomaaliyeed, laakiin sida aad ku arki doontaan warbixintan ciidanka badda waxaa uu jiray 15 sano ka hor xilligaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo kale 1965, waa maalintii si rasmi ah loo aasaasay ciidanka badda Soomaaliyeed, laakiin sida aad ku arki doontaan warbixintan ciidanka badda waxaa uu jiray 15 sano ka hor xilligaas.

Ciidanka badda waxaa markii ugu horeysay la aasaasay1950-kii,iyagoo ka mid ahaa ciidamo uu Talyaaniga ka aasaasay koofurta dalka markii uu dalka dib ugu soo laabtay, waxaa lagu bilaabay 40 nin oo la dhihi jiray kooxdii ciidanka badda, shaqadooduna ahayd maamulka dekedda.

Ciidamada Badda, waxaa ay ka qeyb galeen dagaalkii aan la galnay Itoobiya 1964-tii, Ciidanka waxaa la geeyay Doolow, si ay Webiga ugu gudbiyaan saadka iyo askarta haddii loo baahdo, waxaana loo yaqaanay kooxda badda ee koofurta Soomaaliya.
1963:Waxaa safar Ruushka ku tegey ra’isul wasaarihii dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Taliyihii Ciidanka qalabka sida General Da’ud, heshiisyo badan oo dalka Ruushka ay la galeen waxaa ka mid ahaa in maraakiib la siiyo ciidanka badda Soomaaliyeed.
December 1964-tiiayaa ciidanka badda si rasmi ah loo hoos-geeyay wasaaradda gashaandhigga, xilligaas tiradoodu waxaa ay ahaayeen 40 nin oo isugu jiray saraakiil, saraakiil xigeen, dabley iyo 3 sarkaal oo kala ahaa:Khalif Macow Xasan, Xalane iyo Jeilaani.
Ciidanka badda waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidanka xoogga wuxuu ka kooban yahay 4 ciidan oo kala ah:ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka.
February 10, 1965:Maraakiibtii uu ballan-qaaday Ruushka waxaa ay dekedda Berbera soo gaareen February 10, 1965-tii, waxaana la wareegay saraakiisha ciidanka badda oo si rasmi ah uga tirsanaa wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo maalintaas loo aqoonsaday maalinta ciidanka badda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, wixii maalintaa ka dambeeyana sanad weliba maalintaa ayaa loo dabaal-degaa maalinta ciidanka badda Soomaaliyeed.
Ciidamadeena badda waxaa tababar, hub iyo saanad siin jiray dalka Ruushka, 6 markab ayey noqdeen muddo sanad ka yar, ciidanka waxaay isugu jireen difaaca xeebaha, baro ilaalo xeebaha ku tixan iyo ciidamo dhulka ku dagaalama.
1977:Markii uu dhacayey dagaalkii xoreynta Soomaali galbeed, ciidanka badda waxaa uu lahaa 20 markab, 10 urur oo Commandos ah oo badda iyo berriga ka dagaalama, 15 bar oo xeebaha ku tixan, Iskuul ay ka soo baxaan ciidanka galaya badda oo ku yaalay magaalada Baraawe iyo 3 Iskuul oo farsamo kuwaas oo ku kala yaalay Muqdisho, Kismaayo iyo Berbera…illaa markii dambe ay isku dhaceen Soomaaliya iyo Ruushka, maalintaas ka dib waxaa hoos u dhacay awooddii ciidanka badda.
Taliyeyaashii soo maray Ciidanka xoogga dalka wixii ka horeeyay 1991:1950-1965:Waxaa Taliye u ahaa ciidanka baddaKhalif Macow, waxaa xigayCol Cali Xaashi Barre,waxaa 3-aad noqday GaashaanleMaxamuud Geelle Yusuf, waxaa 4-aad ahaaG.sareMaxamud Cumar Cismaan, 5-aad waxaa noqdayAdmiral Faarax Qare, 6-aad waxaa mar labaad noqdayAdmiral Maxamud Cumar Cismaaniyo ugu dambeyntiiAdimiral Saciid Mariirillaa dowladda ay ka burburto 1991-dii.
1991:Burburkii ka dib, Maraakiibtii sawaariiqda qaadda waxaa ay ahaayeen labo markab, waxaa loo qaaday Cadan 1989-kii si midabka looga bedelo, laakiin dalka wuxuu galay dagaaladii sokeeye.
Markabtii ugu weynaa ee askarta lagu qaadi jiray waxaa ugu war dambeysay Mombasa halka maraakiibtii kale ee ciidanka badda lagu bililiqeystay magaalada Kismaayo, laguna furfurtay.
Ciidamada badda ee hadda jira waxaa ay heystaan Doomo, laakiin malaha tayadii hore, waxaa ay sameeyaan sahan, waxaa uu dagaal ka geli karaa meelaha dhow, dekedaha ayuu illaalin karaa, waxaa kale uu ilaaliyaa biyaha qaranka ee Muqdisho u dhaw, laakiin waxaa uu dhib ka heystaa ilaalinta xeebta dalka oo si sharci darro ah ay u joogaan ciidamo iyo maraakiib shisheeye iyo burcad badeedda, dhoofinta sharci daradda ah ee dhuxusha iyo hubka.
W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip