Sirdoonka Turkiga oo ka cabsi qaba in Al-Shabaab weerarto Dalkaasi.

0
Thursday December 17, 2015 - 13:08:41 in Wararka by
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Turkiga oo ka cabsi qaba in Al-Shabaab weerarto Dalkaasi.

    Warar qarsoodi ah oo ay heleen sirdoonka dalka Turkiga ayna bahiyeen warbaahinta dalkasi ayaa shaaca looga qaaday in Al-Shabaab ay damacsan tahay weeraro ay ka geysato gudaha dalkaasi Turkiga, iyadoo horey ay AlShabaab ugu bartilmaamaysaday mas'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar qarsoodi ah oo ay heleen sirdoonka dalka Turkiga ayna bahiyeen warbaahinta dalkasi ayaa shaaca looga qaaday in Al-Shabaab ay damacsan tahay weeraro ay ka geysato gudaha dalkaasi Turkiga, iyadoo horey ay AlShabaab ugu bartilmaamaysaday mas'uuliyiin iyo shaqaale Turki ah oo ku sugan Soomaaliya. Dowladda Turkiga waa mid kamid ah deeq bixiyaasha u soo gurmaday dalka faqriga la dagay ee Soomaaliya, Jariidada Milliyet daily ee ka soo baxda Turkiga ayaa sheegtay in Al-shabab ay xubnaheeda iyo taagerayaasheeda ay doonayso inay u adeegsato weeraro ay ka geystaan dalkaasi.

Booliska dalka Turkiga ayaa la galiyay heegan buuxa waxayna ay ka digeen in rag qaab dhuumalaysi ku galay Turkiga damacsan yihiin inay weeraro ka geystaan wadankaasi.

Jariidada waxa ay tilmamtay in mid kamid ah maskaxyada weerarkaasi ababulaya lagu magacaabo Bihari kaas oo ka gudbay xadka Suuriya iyo Turkiga waxana uu ka tagay Soomaliya.

Booliska dalka Turkiga ayaa soo bandhigay shaqsiyaad uu ka mid yahay Ahmed Ibraahim Barlex oo xubin sare ka ah Al-Shabaab waxana uu bartay qaabka loo xiro waxyaabaha qarxa.

Sirdoonka iyo booliska Turkiga ayaa la faray inay feejignaadan, waxaana heegan buuxa la geliyay ciidamada Booliska dalkaasi, iyadoo uu horay Sheekh Cali Cali dhere uu sheegay in Turkiga uu yahay dowladd xubin ka ah NATO ayna tahay cadowga ugu weyn ee Muslimiinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip