Annaga Madaxdeena yaa kula taliyay 3 shey.. =NASASHADA JIMCAHA-Q.82aad.=

0
Friday February 09, 2018 - 16:09:40 in Wararka by
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Annaga Madaxdeena yaa kula taliyay 3 shey.. =NASASHADA JIMCAHA-Q.82aad.=

    1-Laba mataana ah oo Uurka ku jira, ayaa midkood kii kale ku yiri: War dadka aduunka joogo fool xuma badanaa!. kii kale ayaa ku yiri: Maxaa ku tusay, welba aduunyada ma tagine?. Wuxuu ugu jawaabay, sow ma arag kan madow oo habeenkii noo soo gala, oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Laba mataana ah oo Uurka ku jira, ayaa midkood kii kale ku yiri: War dadka aduunka joogo fool xuma badanaa!. kii kale ayaa ku yiri: Maxaa ku tusay, welba aduunyada ma tagine?. Wuxuu ugu jawaabay, sow ma arag kan madow oo habeenkii noo soo gala, oo wajiga ka faruuran. Kii 2-aad ayaa yiri: weliba fool xumadiisa kibirkiisaa ka daran, oo markuu sii baxayo Candhuuf ayuu nagu tufa. ( fiiri Sawirka 1aad)

(Haday is weydiin lahaayeen waqtigee doorasho Hal qof Hal cod ah, ay Somaliya ka dhecee, mid ayaa dhihi lahaa waxaan maqlay 2020, midka kale ayaa dhihi lahaa: Marka aan annagu gaarno da’da codeeynta ayey ka dhecee. kee baa saxan labadooda?)

2-Nin ayaa yiri: Iyada oo qaawan, Annaga oo aanan balansanayn ayay qolkeyga iigu soo gashay, sariirta ayay iigu timid, Jirkeyga ayay meel qaawan ka raadisay, weyna ka heshay, Nuugid ayay ku bilaawday, iyada oo nuugidii ku raaxeeysaneyysa, ayaan dharbaaxo ku dhuftay, weyna dhimatay. Labadeena yaa gar daran???. Iska hubi Jawaabta, ha deg degin. Waxey ahayd Kaneeco.( fiiri sawirka 2aad)

(Iska hubi sheekooyinka , hadalada macaan iyo qoraalada qaar, ha ku xanaaqin qofka adiga oo aan hubsan ula jeedadiisa, yuuna kuu sawirmin muuqaal kale ,ilaa aad ula jeedadiisa ka ogaato )

3-Somaalidu dhaqan ahaan waxa ay tiraa: Haddii cagtu ku cuncunto, waxaa kuu soo dhaw safar, haddii calaacasha Gacantu ku cuncuntana waxaad heleysaa Lacag. Mid ayaa maqlay oo yiri: war anniga 10 sanno ayay i cuncuneeysay Gacantu, Lacagna ma helin ee ma Makiinadda Lacagta sameysa ayaan heli rabaa?.( fiiri sawirka 3aad)

( Annagu Sidaan Dowlad u sugeynay, 28 Sanno ayaa cagtu na cuncuneeysay,ma Magafihii Libiya ayaan u safreynaa, 28 sanno gacanta na cuncuneeysay ma Lacag Ceyr ah ayaan heli rabnaa)




4-Nin Bakhiil ah ayaa waaniyay walaalkiis, kuna yiri: Markaad soconeeyso hoos fiiri, 3 faa’iido ayey leedahay. a) dadku waxay ku dhahayaan waa nin wanaagsan oo Alla ka baqaya ,oo indhihiisa araga xun ka reebaya. b) Kuleetiga ( kalarka) shaatigaagu kaama wasaqoobayo. c) Lacagta dhulka ku dhacdana adigaa hor arkaya. ( fiiri Sawirka 4aa).

(Annaga Madaxdeena yaa kula taliyay 3 sheey: a) Haddad Gabre aragto hoos fiiri. b) Hadddad carab u tagto Jeebkaaga fiiri. Haddaad shacab baahan aragto Sawir qaadaha fiiri).

5-Oday reer xamar ah ayaa saaxiibkii ku yiri: waxaan maqlay wiil aan deris nahay oo reer Gaalkacyood ah oo 7 jirka ah asaga oo ciyaalka xaafada ku qaylinayo kuna leh " ilma adeerayaal rag waaweyn baa Alla naga dhigaye”. Goormee warkaas waaweyn bartay? Kii kale ayaa ku yiri: Mugoo kuwaaseyto ha iskula waramin, iyaga oo hadlaayo ayey dhashaan,oo ummulisada ku leh "Naa heedhe Xudunta si fiican iiga jar Doofaaryahey”. (fiiri sawirka 5aad).

( Kuwii goormeey, siyaasi, Agaasime & masuuliyiin noqdeen? Iyaga oo maamul yaqaan ah miyeey dhasheen.Weligoodba xafiis dowlo kama soo shaqeeyne, mise maamulku khibrad & Aqoon uma baahna oo kor ayaa laga soo bilaabi karaa? Ma ogi ).(fiirka 6aad).

6-Gabar Somali ah iyo wiilal walaalaheed ah ayaa kiro ku degay guri khartuum /Suudaan ku yaal. Gabdhu waa iska ladneed, wiilashii oo guriga ka maqan ayaa iyada oo wax ka soo iibsaneeysa suuq yare Carbeed oo guriga hortiisa ahaa, ayaa waxaa arkay nin Suudaani ah oo Deriska ah ,jirkeeda ayaa cajabiyay " Carab maxaad ku taqiin”.Markaa ayuu yiri: KUNTA Feeyn ( xageed jirkaan kula maqneed) (kunta) waxeey u qaadatay ( kuunto) barida haweenka. Markaa ayeey ku tiri: Hooyadaa ayaa kuunta weeyn ah. Markeey soo jeesatay ayuu si la yaab ah u yiri: WANAAS ( dadoow) markaa ayeey ku tiri: Naasaheeygana maxaa ku tusay.

Walaalaheed ayeey u sheegaty,markeey soo noqdeen, somaali wax ma hubsatee, hal saac kadib guriga suudaanka Ambulance ayaa hor tiil. Qoyskii somalida ahaayna, waa la soo tarxiilay. 2 bil kaliya oo ay Sudan joogeen ayeey Af Carabiga ku barteen ayaa la leeyahay. (Fiiri Sawirka 7aad)

( Gabadhii hadda wasaarad ayey u xisaabsan tahay xiriirka deeq bixiyayaasha Carbeed, waxayna Bare Sare ka tahay jaamacad xamar ku taal oo Adeerkeed leeyahay, laakin Kunta & wanaas ha isku dhihin).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip