Shabaab oo weerar Khasaare geystay ka fuliyay dalka Kenya

0
Thursday December 17, 2015 - 12:58:26 in Wararka by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo weerar Khasaare geystay ka fuliyay dalka Kenya

    Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay weerar Khasaare geystay ku qaadeen Askar ka tirsan ciidamada dalka Kenya, kuwaasi oo maraayay Gobolka Xeebta ee dalka Kenya. Weerarka ayaa waxa uu ka dhacaydeegaanka Mkunumbi oo u dhow magaalada Mpe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay weerar Khasaare geystay ku qaadeen Askar ka tirsan ciidamada dalka Kenya, kuwaasi oo maraayay Gobolka Xeebta ee dalka Kenya. Weerarka ayaa waxa uu ka dhacaydeegaanka Mkunumbi oo u dhow magaalada Mpeketoni ee Gobolka Xeebta dalka Kenya, kadib markii rag ka tirsan Shabaabka ay wadada u galeen ciidanka Kenya. Sarkaal ka tirsan Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in gaari ay Booliska leeyihiin oo howlgallo roondo ah ku jiray lagu waayay dhacdadaasi.

Taliyaha Booliska ee Gobolka Xeebta dalka Kenya Francis Wanjohi ayaa sheegay in weerarkaasi uu Abaare 6-dii Maqribnimo ee shalay ka dhacay deegaanka Mkunumbi oo u dhow magaalada Mpeketoni.

Mpeketoni ayaa lagu xasuustaa in sanadkii la soo dhaafay ay Shabaab ka fuliyeen weerarro dad fara badan lagu dilay oo ay masuuliyadooda sheegteen Ururka Al Shabaab.

Mr Wanjohi ayaa sheegay in weerarkaasi lala eegtay gaari Lorry ah oo ka ambabaxay magaalada Mombasa kuna sii jeeday magaalada Lamu, isla markaana toogasho lagu dilay mid ka mid ah dadkii la socday.

Al Shabaab ayaa sheegay weerarkaasi inay ku gubeen labo gaari oo ay leeyihiin ciidanka Kenya halka ay sheegteen Shabaabka inay qabsadeen hal gaari.

Sida uu sheegay Afhayeenka dhanka howlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ee Andalus, waxa uu tilmaamay weerarkaasi in uu u dhacay sidii loogu talo galay oo Askar Kenyan ah lagu dilay.

Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, iyadoo dhowr maalin ka hor Shabaabka ay weerareen Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip