Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalayu magacawday Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure Maareeyaha Guud Tiyaatarka Qaranka, iyadoo wax ka bedel ku sameysay magacii Golaha Murtiyada Madadaalada oo loo bixiyay Golaha Murtida iyo Wacyigelinta.
Sii hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in Abwaan Guure loo magacaabay Maareeyaha Titaaraka Qaranka, halka Maareeye kuxigeenka loo magacaabay C/kariin Faarax Qaarey.
Xilka Maareeyaha Tiyaatarka waxaa horay u hayay Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo sanadkii 2012 la magacaabay, xilligii dowladdii KMg aheyd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Halkan hoose ka daawo shirkii jaraa’id ee Sii Hayaha Wasiirka Warfaafinta:-
-
Abwaan Guure oo loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Tiyaatarka Qaranka
Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalayu magacawday Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure Maareeyaha Guud Tiyaatarka Qaranka, iyadoo wax ka bedel ku sameysay magacii Golaha Murtiyada Madadaalada oo loo bixiyay Golaha Murtida iyo Wacyigelinta