Bahda Isboortiga Magaalada London oo casho sharaf U sameeyay guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish+Masawirro.

0
Wednesday February 07, 2018 - 09:15:38 in Wararka by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bahda Isboortiga Magaalada London oo casho sharaf U sameeyay guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish+Masawirro.

    Magaalada London oo magaalada ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ku abtrisrada bahdiii hore ee isboortiga dalka ee qurbaha ayaa lagu qabtay xaflada casho sharaf ah ee si heersare loosoo agaasimey oo lagu soo dhaweynayo Guddoomiyaha Isboortiga Gobol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada London oo magaalada ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ku abtrisrada bahdiii hore ee isboortiga dalka ee qurbaha ayaa lagu qabtay xaflada casho sharaf ah ee si heersare loosoo agaasimey oo lagu soo dhaweynayo Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji yabaraow Wiish, waxaana kasoo qeyb galay Bahdii hore ee isboortiga oo iuggu jiray Ciyaartoy , Garsoorayaal , taageerayaal, masuuliyiin xilal kasoo qabtay xiriiradii dalka iyo dhallinyarada soo abaabula tartamada isdhexgalka ku qabta dalka ingiriiska.





 

Masuuliyiinta xafladda Casho sharafta ku sugnaa ayaa Xasan ku ammaanay sida uu ugu istaagay horumarinta isboortiga dalka, iyo doorkii wacnaa ee uu ka qaatay shanty sano ee lasoo dhaafay waxayna xuseen in abaabuliada tartamad degooyinka ciyaaraha kale gedisan ee dalka iyo suurta gelinta in 30 sano kadib xilli habeen ciyaar kubad cag , soo dhaweynta kooxda Jaaliyadda soomaalyeed ee Austarlia ay ahaayeen dhacdooyin taarikhi oo aan la illobi Karin, waxayna ballaan qaadeen in ay dhankooda ka qeyb qaadan doonaan howlaha horumarinta isboortiga ee uu maamula Isboortiga Gobolka kuguda jiro iyo dhammaan isboortiga dalka.


 

 

Xasan Wiish oo goobta ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyay bahda ISboortiga Magaalada London sida diiran ay magaalada London ugu soo dhaweeyeen, waxuuna tilmaamay in hadafka ugu weyn ee maamulka isboortiga gobolka uu yahay sare u qaadida isboortiga qeybahiisa kale gedisan ee dalka si loo helo ciyaartooy wanaagsan oo maqaamka dalka ee ciyaaraha Caalami soo celiya, ciyaartoydii ay soo saareen qaar koodna hadda ay kooxaha heerka kooowaad samayn ku leeyihiin qaarna ay heer qaran gaareen, waxuuna dhanka kale tilmaamay in la’aanta madaxda maamulka Gobolka Banaadir aysan howlahaas oo dhan qabsoomeen, isla markaas gobolka Banaadir iyo Xiriirada dalaka aysan ku filnayn horumarinta isboortiga dalka loona baahan yahay jaaliyada Uk gaar ahaan bahdii hore ee isboortiga gacan ka gaystaan horumarka isboortiga dalka.


 

Mahad Axmed Tagoow oo ah Macallin , Ex garsoore , kana mid ah bahda saxaafadda kaasoo udub dhexaad u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uk isla markaana soo agaasminay xafladdan qiima badan ayaa Bilad sharaf guddoonsiiyey Xasan Wiish.


 


Xasan Wiish ayaa xilka Guddoomiyahanimo ee isboortiga Gobolla Banaadir la wareegay Bishii May 2014 waxuuna shanti sano ee lasoo dhaafay ku guuleystay qabashada.


1-Tartanka kubadda Cagta oo aan la qabaty muddo 2 sano, isla markaana waxuu ka dhigay mid si joogto ah loo qabto, waxaana markasta wehliyey tartanka ciyaaraha Fudud.


2-Suurta gelinta in marki u horeysay xilli habeen ah la ciyaaro ciyaar kubad cag( Waaber iyo Hodon ayaana ku tartamay oo ay Waaberi hanatay 2017.


3-Qabshada tartanka kubadda Gacanta degmooyinka oo 31 sano la qaban.


4-Qabashada tartanka kubadda Koleyga Wiilal iyo Gabdho


5-Gabashada tartamda iskuulada Gobolka Banaadir.


6-Ka qeyb galka Ciyaaraha Kubadda Koleyga magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka kala dhacay Uganda iyo Kenya oo ay 2017 kaalinta saddexaad kasoo galeen.


7-Ka qeyb galka ciyaaraha Dowlad-gobolleedyada oo gobolka Banaadir marti geliyay semi finaalka ka gaaray labadii sano ee lasoo dhaafay.


Waxaana sanadkan u qorsheysan inuu qabto tartamada kubadda Cagta, gacanta, Koleyga, Ciyaaraha Fudud iyo Shatrinjiga oo marki u horeysay oo heer degmo loo tartamayo. sidoo kale waxay maamulkiisa qorsheynayaa in magaalada Muqdisho markii saddexaad oo xiriir ah ka qeybgasho tartanka kubadda Koleyga maagaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika inta uu xafiiska hayo.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 


 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip