WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH KHAMIIS 17-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Thursday December 17, 2015 - 10:37:00 in Wararka by
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH KHAMIIS 17-KA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN HESHIIS MEEL DHEXE AY ISLA WADA GAAREEN MADAXDA SOOMAALIDA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay si rasmi ah u soo xirey Madasha Wadatashiga Qaranka, oo mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN HESHIIS MEEL DHEXE AY ISLA WADA GAAREEN MADAXDA SOOMAALIDA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay si rasmi ah u soo xirey Madasha Wadatashiga Qaranka, oo magaalada Muqdisho ka dhacdey intii u dhexeysey 13ka ilaa 16ka bishan December.

 

Madashan oo ay ka soo qeybgaleen madaxda maamullada Jubba, Galmudug, Puntland, Koo nfuur Galbeed, gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, ayaa waxaa lagu lafa gurayey nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta sannadka 2016ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xiritaanka madasha ayaa sheegay in Soomaalida marba marka ka sii dambeysa ay muujinayaan biseyl siyaas adeed oo aayahooda ay ku go’aaminayaan.

"Muddadii madashan ay socotey waxaan yeelaney doodo aad muhiim u ah, oo ku saabsan no oca doorasho ee aan yeelan doonno sannadka soo socda. Waxaan shacabka u sheegayaa in mad ashan ay guul ku soo dhammaatey. Waxaan isla gaarney heshiis meel dhexe ah oo cid walba rabi taankeeda la dhegeystey. Ma jirto cid wax waliba oo ay rabtey wada heli karta, wadatashiga dhabta ahna waa kan ra’yiga la isku darsado, kadibna si wadajir ah loo qaato qaar ka mid ah qodobada u gu muhiimsan ee dhinacyada ay soo jeediyaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya ka jira uu ya hay ku meel gaar, sidaa darteedna wax walba oo muhiim ah oo dastuurka aan ku xusnayn ay khas ab noqoto in sidan oo kale ay madaxda isku xilqaamaan si ay xal u gaaraan.

Waxaa uu Madaxweynaha u mahad celiyay shacabkii Soomaaliyeed ee fikradahooda ka dhii btay hannaanka doorasho ee ay jeclaan lahaayeen, isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay inay tusaale wacan u tahay hadafka Soomaaliya ee ah in shacabku ugu dambeyn ay helaan nidaam doorasho oo qof iyo cod ah.

QODOBO LAGA SOO SAARAY SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN OO MUQDISHO LAGU SOO GABA GABEEYAY

Qodobo muhiim ah, ayaa laga soo saaray Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maalmah aanba ka soconaayay Xarunta Xalane, oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Dowladda Federaalka Somaliya, Maamul Gobo leedyada, xubno ka kala socday Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, ururada bulshada rayidka iyo bulshada caalamkaba.

WAR MURTIYEED KA KOOBAN 7 QODOB, AYAA SHIRKAN LAGA SOO SAARAY

1. Inaysan jirin wax muddo kororsi ah marka uu dhammaado xilliga muddada dastuuriga ee ha y’adaha dowladda.

2. Dhismaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare waa inay qayb ka ahaadaan hannaanka doorasho ee sannadka 2016ka.

3. Doorashada labada aqal waa inay ku saleysnaadaan isku dheelitir qabiil iyo degaan.

4. In ergooyin doorasho ay ka qeyb qaataan doorashada xildhibaannada Baarlamanka, taas oo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada. Ergooyinka waa inay metelaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada.

5. Inay jirto kuraas cayiman oo ka mid ah labada aqal, kuwaas oo loo qoondeeyay haweenka. Waa in la xoojiyaa xuquuqda dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.

6. In la isku raaco qorshe hawlfulin siyaasadeed cad oo qeexaya meel marinta hannaanka doo rasho ee sannadka 2016ka, iyo mid kale oo caddeynaya sidii dalka doorasho qof iyo cod looga hirg elin lahaa sannadka 2020ka. Qorsheyaashan waa inay qeyb ka noqdaan heshiiska kama dambey sta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016ka.

7. Kadib wadatashi ay hoggaamiyeyaashu ugu noqdaan degaannadooda, waa in faahfaahinta kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016ka, iyo qorshe fulineed la isku raac aa, kulanka lagu qaban doono magaalada Kismaayo 10ka bisha Janaayo sannadka 2016ka.

Qodobadan ayaa waxaa shirka ka hor akhriyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sha rma’arke.

KAALINTA SIYAASADDA DUMARKA 2016’KA OO LAGA HADLAY..

Munaasabaddaan oo uu ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana ay soo Qaban qaabisay Marwada koowaad ee dalka Qamar Cali Cumar ayaa looga hadlayay Doorka Haweenka ee Siyaasadda Sannadka 2016’ka iyo Sidii Dumarka qoodadooda u helilahaayeen.

Si doo kale Munaasabadda waxaa lagu casuumay haween ka kala socday dowlad gobolleedy ada qeybtaka ah Dowladda federaalka ah,Sida Puntiland, Galmudug, KoonfurGalbeed, Jubbland, haween kale oo matalaayey Qaatumo iyo Wasiirrada haweenka,Caafimaadk iyo xubno wasiriro ah oo kalamatalaayey Dowlad Gobolleedyada haweenka Qaranka iyo kooxda fananiinta Shamsudiin Band.

Wasiirka haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Max amed Cali Samatar ayaa shegtay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin way uga jiraan ka qeyb qaa dashada Nabada iyo isukeenidda dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay bishi hore in shirarki isku midka ahaa ee kadhacey guud ahaan Gobollada dalka Soomaaliya iney ahaayeen shirar baahida dadka iyo Aragtiyadooda lagu ogaanayey.

Dhanka kale Madaxweynaha oo sigaar ah ula hadlayey Haweenka Soomaaliyeed ayaa she egay in Baarlamaanka soo socda dumarku ay kahelidoonan Qoondadood boqolkiiba30.

MADAXA DIFAACAYAASHA XUQUUQDA AADANAHA BARIGA AFRIKA OO SOO BOOQDAY QOYSKA WERIYE HINDIYA XAAJI MAXAMED

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartama ha Afrika (EHAHRDP), Dr. Xasan Shire Sheekh waxa uu booqday qoyska ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Idaacadda Radio Mogadishu, taasi oo bilowgii bishan lagu dil ay magaalladda Muqdisho.

Dr. Xasan Shire oo uu wehlinayay Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka, Cabdullahi Colaad Rooble iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka, C/raxmaan Alcadaala iyo madax kale oo warbaahineed.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartama ha Afrika (EHAHRDP), waxa uu qoyskaasi guddoonsiiyey Kharaj, wuxuuna ballanqaaday inuu tageeri doono Qoyska Saxafiyadda nafteyda ku weyday iyadoo ku gudajirta waajibaadkeeda shaqo.

Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ku geeriyootay qarax loogu xiray gaarigeeda.

Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartam aha Afrika (EHAHRDP), waxa kale oo uu ku baaqay in la badbaadiyo Shaqaaalaha Warbaahinta, oo uu ku sheegay inay yihiin Indhaha iyo Dhegaha Bulshadda.

Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (EHAHRDP) oo hoggaaminayo Wafdi Heer Sare ee dhinaca Xuquuqda Aadanaha ayaa ku sugan Somaliya, si ay u indha-indheeyaan Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya iyo sidii ay taageero uga geysan lahaayeen Asaaska Golaha Madaxabannaanka ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka Soomaaliya.

DUQA MUQDISHO OO GUDDOOMAY GAARI GARGAARKA CAAFIMAAD QAABILSAN

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa shalay Urur Isk aashi waxa ay ku wareejiyeen Gaari gurmad Caafimaad ah.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadirayaa tibaaxay in gaarigaan uu wax badan ka tari doono gargaarka Caafimaad ee shacabka Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u qabay baahi la xiriirta gaadiidka Gurmadka deg deg ah ee waqtiyada dhibaatooyinka Caafimaad ay dhacaan iyadoona uu qiray duqa Muqdisho in gaariga lagu wareejiyay uu bilow fiican u yahay adeegyada maamulku dadka shacabka ah kaga caawin doono gargaarka Caafimaadka.

Ugu dambeyn Duqa Muqdisho ayaa uga mahad celiyay iskaashatada isku howshay in gaar igaas ay guddoonsiiyaan wuxuuna dhammaan shacabka kula taliyay in ay ku daydaan muwaadinii ntaas Soomaaliyeed ee garowsaday baahida loo qabo gargaarka Caafimaadka gaadiidka loo adee gsado.

BELEDWEYNE: WASIIRKA AMNIGA OO LA KULMAY SHALAY WAXGARADKA GOBOLKA HIIRAAN ..

Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah wafdi ka so cda dowladda federaalka Somalia iyo maamulgobolleedka Galmudug oo daraad soo gaaray maga alada Beledweyne, ayaa shalay kulan la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Wafdiga ka socda DFS ayaa ku guuleystay shalay inay kala qaadaan maleeshiyadii isku horfadhiyay xaafadda Howlwadaag oo ay ka dhaceen dagaalladii ugu cuslaa, iyaga oo dhinaca kalana ku qanciyay waxgaradka labada beellood in ay aqbalaan xabad joojinta.

Kulanka shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu lafaguray dariiqa iyo habka ugu sahlan ee loo gudagali karo wajiga labaad ee xalinta khilaafka beelahan oo soo laabta in la isku keeno odayaasha labada dhinac.

Wasiirka Amniga ayaa guddi u saaray arintan kuwaa oo ka soo shaqeyn doonna sidii loo sii abaqaadi lahaa kulamada socda iyo siddii loo dhameyn lahaa colaada soo noq noqotay ee ka dhax taagan labada beelood.

Ugu dambeyn, xaalada guud ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa shalay ah mid deggen, waxaana soo maray dhamaan aagaggii saddexdii cisho ee la soo dhaafay lagu dagaa llamay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

SAFIIRKA SOOMAALIYA U FADHIYA DALKA SACUDI ARBIYA OO LA KULMAY WASIIR KU XIGEENKA SHAQADA SUCUUDIGA

Danjiraha Somalia u fadhiya boqortooyada Sucuudi Carabiya, Daahir Maxamud Geelle ayaa shalay la kulmay wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada ee dalkaasi, Axmed bin Saalx Alxume ydaan.

Shirkaan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee Somalia iyo Sacuudiga, gaar ahaan dhinaca keenista shaqaale Soomaaliyeed oo ka shaqeysta Sacudi Ca rabiya.

Axmed bin Saalax Alxumeydaan ayaa sheegay in dowladdiisu ay sameysay sharciyo lagu ma amulo xuquuqda shaqaalaha la keenaayo sida saacadaha ay shaqeynayaan iyo fasaxyada shaqaalaha.

Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay xiriirka Qotadadheer ee Soomaaliya iyo Boq ortooyada Sacuudiga u dhexeeya ayaa sheegay in booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku yimid Suc uudiga Madaxweynaha Soomaaliya iyo wadahadaladii dhexmaray Madaxweynaha iyo Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis.

Ugu dambeyn, kulanka safiirka waxaa ku wehliyay Salim Macow Hagi oo ah lataliyaha koowa ad ee safaarada, isla markaana ah ku xigeenka danjiraha iyo Cali Nuur oo ah xogyahaya labaad ee safaaradda.

 

CEELBUUR OO AYSAN SHACAB KU NOOLAYN IYO XILDHIBAANO KA DAYRIYAY XAALADDA AY KU JIRTO

Degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa waxaa ka jirta xaalad adag oo dha nka nolosha ah, iyadoo dadkii ku noolaa degmadaas ay weli barakac uga maqan yihiin.

Magaalada Ceelbuur oo 100km dhanka Bari kaga beegan degmada Dhuusomareeb oo ah xa runta gobolka Galguduud ayaa waxaa Alshabaab lagala wareegay 26kii Maarso 2014kii, kaddib da gaal muddo socday oo ciidanka Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Alshabaab dhexmaray.

Shacabkii degmadaas ku noolaayaa degmadaas ayaa intooda badan ka cararay dagaallada, halka kuwo kalena ay noolo xumo uga carareen, waxaana weli ay ku nool yihiin deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galguduud. Deegaannada ay shacabkii ka barakacay Ceelbuur haatan ku nool yihiin ayaa waxaa ka mid ah; Ceelqooxle, Derri, Jacar, Dac, Ceellahelay iyo Ceelshiil oo dhammaa ntood ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in xaalad dhanka nolosha ah ay ka jirto degmada Ceelbuur, iyagoo ku baaqay in xaaladda ka jirta Degmadaas wax laga qabto.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay sheegeen in degmada Ceelbuur ay weli ku jirto go’doon ay gelisay Alshabaab, waana sababta ugu weyn ee keentay in shacabkii horay ugu noolaa degmadaas ay dib ugu soo laaban waayaan.

"Degmada Ceelbuur xaalad nololeed oo adag ayaa ka jirta, waxaana ku talinayaa in dadka u dhashay degmada iyo maamulka Galmudug ay ka tashadaan sidii ay mustaqbalka Ceelbuur ka yeeli lahaayeen," ayuu yiri xildhibaan, Mahad Sheekh Cali Cibaar oo baarlamanka Galmudug ka tir san.

Ugu dambeyn, Dhawaan ayaa waxaa Ceelbuur booqday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda So omaaliya iyo maamulka Galmudug, kuwaasoo si aad ah uga dayriyay xaaladda ka jirta degmadaas, kana dalbaday dowladda Somalia inay wax ka qabato.

BOOLISKA LONDON OO BAADIGOOB XOOGAN KU HAYA GABDHO SOOMAALI AH

Ciidamada Booliska dalka Britain, ayaa raadinaya saddex gabdhood oo Somali ah balse hays ta dhalasho Britain kuwaasoo la la’ayahay toddobaad. Waalidiinta gabadhahan ayaa soo wargeliy ey ciidamada Booliska inay la’yihiin ilmahooda.

Saddexda Gabdho ee la raadinaayo ayaa ah kuwa aad u da’yar, waxaanan la ogeyn halka ay aadeen, laakiin Booliska ayaa wada howlgalka lagu baadigoobayo Gabdhahaasi.

Gabdhaha la raadinaayo ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Abir Saalax oo 16jir ah, Axlaam Saalax oo 15 jir ah iyo Fardowsa Xasan oo 13jir ah, kuwaasi oo degganaa Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga Magaalada London.

Saraakiisha Booliska waxa ay sheegayaan inaysan aaminsaneyn in Gabdhahaasi ay ka bax een magaalada London oo dibada ay u safreen, balse ay suuragal tahay sida Booliska ay sheegay aan inay gabdhahaasi dhex jiifaan basaska magaalada isaga kala goosha.

Waalidiinta dhalay caruurtaan ayaa waxa ay qabaan walaac badan oo ku aadan in gabdhah ooda ay doonayaan in ay ku biiraan Daacish, maadaama ay horay ay u dhacday gabdho ku biiray Daacish oo London ka tagay.

QARAX MIINO OO SABABAY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO KA DHACAY DULEEDKA AFGOYE

Ugu yaraan toban askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku dhimatay afar kale oo uu ku jiro taliye sare oo ka tirsan ciidamada xooggana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen uu dul maray miino lagu aasay wadada meel ku dhow degmada Afgoye.

Weerarkan miinada ah oo ah kii ugu qasaaraha badnaa oo bilooyinkii la so dhaafay ka dhac ay degmada Afgooye ayaa la sheegay in loo soo qabqabtay dhowr ruux oo ka ag dhowaa hal ka uu qaraxu ka dhacay.

Gaariga ay saarnaayeen ciidamadan oo ahaa nooca loo yaqaan Cabdi Bilaha ayaa gebi aha an uu gubtay iyadoo qaraxana uu ka dhacay halka loo yaqaan Buulo Foolyo oo qiyaastii 3km u jirta degmada Afgooye.

Gaariga Cabdi Bilaha ah ayaa ka tagay magaalada Muqdisho isagoo la sheegay inuu u soc day Laanta Buuro oo ay fariisin ku leeyihiinciidamada Milatiga Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka wali wax war ah kama soo saarin qaraxa shalay lala be egsaday ciidamada milatariga ee dhimashada iyo dhaawaca sababay.

27 QOF OO U DHASHAY DALKA QATAR OO LAGU QAFAASHAY DALKA CIRAAQ

Ugu yaraan 26 qof oo dalxiisayaal ahaa, una dhashay dalka Qatar, ayaa waxaa shalay laga qafaashay Saxaraha Ciraaq, oo ku dhow xuduuda uu dalkaasi la wadaago Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dadkan, ayaa waxaa laga qafaashay meel ku dhow deegaanka Layyah, oo 190km u jirta Sam awa. Samawa waxay 280km ay dhinaca Koonfur Galbeed kaga toosan tahay Magaalada Baghdad Ee Xarunta Ciraaq, xilli ay ku sugnaayeen meel kaam ah.

Ragga afduubka gaystay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay wateen tobonaan ka mid ah ga adiidka loo yaqaan (Toyota), sida ay xaqiijiyeen Saraakiil Boolis oo deegaanka ah.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in dadka la qafaashay ay ku jiraan xubno ka tirsan qo yska talada haaya, inkastoo aanay kala cadayn waxa ay isugu jiraan xubnahaasi.

Illaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo ka soo yeeray Dowladda Qatar, oo la xiriira dalxiisay aasha looga afduubtay meel ku dhow xuduuda, ay wadaagaan Ciraaq iyo Sacuudiga.

Afduubkan oo ka dhacay Gobolka Al Muthanna, ayaa ah gobol qabaa’ileed, waana mid ay ku xoogan tahay Shiicada dalka Ciraaq.

Shiicada Ciraaq, ayaa waxaa la leeyahay waxay si weyn kaga soo horjeedaa Dowladda Qa tar, oo taageero muuqdo siisa Xoogaga Sunniga ee ka dagaalamaaya dalka Suuriya.

SARKAAL KA TIRSAN CIIDAMADA DOWLADA SOOMAALIYA OO LAGU DILAY XAAFADDA HOWLWADAAG EE BALADWEYNE

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Muumin [Cirbodheere] ayaa lagu dilay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

Sarkaalkan oo ka mid ahaa xubno ka tirsanaa dowladda iyo waxgarad shalayy waanwaan u tagay xaafadda Howlwadaag, ayaa la sheegay inuu toogtay mid ka mid ah maleeshiyaadka halkaa ku dagaalamaya.

Sarkaalka ayaa u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray, waana sarkaalkii ugu horreeyay ee lagu dilo dagaalladii ugu danbeeyay ee maalmahan ka dhacayay xaafadda Howlwadaag.

Wafdiga dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guuleed ayaa ilaa habeen hore kulammo kala duwan lahaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha kala duwan, gaar ahaan dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Beledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, ayaa shalayy tagay aagaga ay ku dagaallameen maleeshiyaadka iska soo horjeeda.

BARNAAMIJ SARE LOOGU QAADAAYO XIRFADDA BOOLISKA SOOMAALIYA OO KA FURMAY MUQDISHO .

Saraakiil Booliska Somaliya ka tirsan, ayaa wuxuu tababar ku saabsan dood cilmiyeed uu ka ga furmay Magaalada Muqdisho, waxaana doodaasi lagu saleeyay manhajka Booliska Somaliyeed.

Doodaan, ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Qaramada Midoobe, Christo ph Buik iyo Saraakiil kale oo ka kala tirsan Booliska Qaramada Midoobe iyo Amisom.

Saraakiisha Booliska Somaliya ee dood cilmiyeedka loo qabtay, ayaa waxay qaarkood ka ka la yimaadeen Maamul Goboleedyada, waxayna doodu kaga socotaa Xarunta Xalane oo ku dhex taala Garoonka Aadan Cadde.

Christoph Buik oo ka hadlaayay dood cilmiyeedkaasi, ayaa ku sheegay mid lagu dardargeli naayo tababarada iyo shaqaalaynta Booliska Somaliyeed, loogana dhigaayo ciidan xirfad leh, isla markaana awood u yeesha in si hufan ay hawlahoodu shaqo u qabsadaan.

Sidoo kale waxa uu ballanqaaday inay sii wadi doonaan heshiiska farsamo, ee lagu xoojina ayo tayada Xoogaga Booliska Somaliyeed, sida uu yiri.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa she egay inay soo dhaweynayaan dadaalada horey loogu dhaqaajinaayo Booliska Somaliya.

Barnaamijkan oo laba cisho ka socon doono Xalane, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xafiis ka Hawlgalada Gargaarka Qaramada Midoobe.

FARMAAJO "MA’AHAN DADKA IN LAGU SOCODSIIYO WAX AYSAN RAALLI KA AHAYN OO LAGU QOOR QABTO”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed "Farmaajo” ayaa wuxuu ka hadlay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu raa dinaayo nooca Doorasho ee la filaayo in Somaliya ay ka dhacdo sanadka 2016ka.

Farmaajo wuxuu sheegay ugu horayn Dowladda Somaliya inay ka gaabisay Doorasho qof iyo cod, hadii ay taasi suurageli laheyd ayuu sheegay inay noqon laheyd doorasho bilaa eed ah oo aa nan cidna lagu eedeynin.

Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu tilmaamay inay wanaagsanaan laheyd shacabka Somaliy ed in la weydiiyo nooca doorasho ee ay doonayaan inay ka dhacdo dalka Somaliya sanadka 2016 - ka, waxaana shacabka ugu baaqay inaysan ogolaanin wax aysan doonayn, oo aanan lagu dirqin.

"Ma’ahan dadka in lagu socod siiyo wax aysan raali ka ahayn oo lagu qoor qabto ma’ahan Umaddaha aduunka marka ay arkaan wax ka soo horjeedo Mustaqbalka caruurtooda waa ay kacaan oo waa ay hadlaan, anaga codkii shacabka ayaan nahay hadii aan nahay xisbiyada shac abka ha kacaan oo yeeysan ogolaanina wax aysan dan ugu jirin.” Ayuu yiri Farmaajo oo la hadlay Idaacada Daljir ee deeganada Puntland.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho ka socda, ayaa lagu wadaa in shalay lasoo gaba gabeeyo, iyadoo lagu shaacin doono Nooca Doorasho ee la filaayo in sanadka 2016ka ay ka dhacdo dalka Somaliya.

Waxaa jirtay kala aragti duwanaansho ka taagan nooca Doorashada, iyadoo Maamulada Pun tland iyo Jubbaland ay doonayaan in Doorashada lagu saleeyo Hanaan deegaan, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doonayaan in Doorashada lagu saleeyo Hanaanka 4.5.

Sikastaba shalay ayaa la filayaa in Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Somaliya la soo afjaro, kadibna la shaaciyo doorashada nooca ay noqonayso.

ALSHABAAB OO KA HADLAY ISBAHAYSIGA CUSUB EE CAASIMADDA SACUUDIGA LOOGA DHAWAAQAY..”...

Sheekh Cali C/laahi (Katiin) oo ka mid ah Saraakiisha Dhinaca Dacwada Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ka hadlay isbahaysiga uu Talaadadii ku dhawaaqay Sacuudiga, ee loogu tallagalay inay la dagaalamaan ururada argagaxisada.

Isbahaysigan oo ka kooban 34 dal, ayaa waxay Xaruntiisu noqon doontaa Magaalada Riyadh Ee Caasimadda Wadanka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu qorshuhu yahay in laga abaabulo haw lgalada ka dhanka ah argagaxisada.

Sheekh Cali C/laahi, ayaa sheegay inaanu isbahaysigan ugu horayn mid loogu tallagalay in la gula dagaalamo dadka Muslimiinta, balse ay horey u jireen kuwo badan oo Reer Galbeedku ay sam eeyeen, sida uu yiri.

Sheekh Cali C/laahi, ayaa yiri "Isbahaysigan ay sameeyeen wadamadan uu Sacuudiga hork acaayo ee Islaamka sheeganaaya, lana dagaalamaaya dadkii Muslimiinta ahaa, isbahaysi ay shal ay kow u tahay maaha. Horey ayay isbahaysiyo farabadan ay u sameeyeen, oo ay ku gacan siina yeen Reer Galbeedka, duulaanka ay ku hayaan dadka Muslimiinta ah.”

"Midkaan ay shalay sameeyeen waxaan hadda lagu sheegaayo dowladaha Carbeed iyo kuw aan kale, ee Islaamka sheeganaaya, horey ayuu Mareykanka uu asagu u abaabushay. Qaar bad anoo ka mid ah oo gacantiisa uu ku dhisay, oo kuwaan hadda Masar ka talinaaya ay ka mid yihiin.

"Sacuudiga weligoodba Mareykanka ayaa ku shaqaysanaayay, mabaadii’da iyo dhaqanka ga alada ayay u sabcinayeen. Dadka Muslimiinta ayay dhibaateeyaan oo meelkasta ay ku xir xiraan, kuna laayaan. Nimanka Mujaahidiinta ah Diinta Ilaahay (SWT) in la koryeela u dagaalamaaya, weli goodba cadow bay ku ahaayeen.”

"Isbahaysigan ay hadda samaynayaan oo ay leeyihiin waxaan kula dagaalamaynaa dadka Mujaahidiinta ah, waa mid ay ka soo shaqeeyeen Reer Galbeedka, oo ayagu ay ku raaligelinaya an.”

"Arrinta soo korortay waxaa weeye dadka Muslimiinta inay dareemaan nimankan Khaliijka fa dhiya ee shayaadiinta ah, magaca Islaam sheeganaaya ee wadaad xumayaasha ay fatwada ula agfadhiyaan, waxa ay yihiin inay ummadu dareemaan, baa soo kordheysaa is leeyahay.”

Waxaa uu sheegay in isbahaysigan loo yegleelay, iyadoo uu fashilmay isbahaysi lixdan wad an ka koobnaa, oo weeraray dalka Ciraaq, ayna isbahaysigaasi ku jireen dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Qatar.

Sheekh Katiin oo la hadlay Radio Al Furqaan, ayaa sheegay inaanu guuleysan doonin isbah aysigan cusub, islamarkaana uu mari doono wadadii ay mareen kuwii kale ee ka horeeyay.

TALISKA CIIDANKA ILAALADA WADDOOYINKA OO KU BAAQAY IN LA ILAALIYO SHARCIYADA WADDOOYINKA

Taliska Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Taraafiko ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen waddooyinka caasimadda.

Hawlgalkan ay sameynayeen Ciidamada Nabadgelyada waddooyinka ayaa ujeedkiisu ahaa sida loo ogaan lahaa sharciyadda ay ku shaqeeyaan wadayaasha gaadiidka aan la heyn waraaq aha iyo tan gawaarida ay wadayaan.

Taliyaha qaybta Nabadgelyada Waddooyinka Gaashaanle Sare Cali Maxamed Cali ayaa she egay in ciidanka ilaalada waddooyinka ay har iyo habeenba u taaganyihiin gudashada waajibaadka loo idmaday, waxaana uu ku baaqay in wadayaasha gaadiidka ay ilaaliyaan sharciga baabuur wadista.

Gaashaanle Sare Cali Maxamed Cali ayaa tilmaamay in shacabka looga baahanyahay sidii ciidamada ilaalada Waddooyinka ee Taraafiko loogu gacan siin lahaa howlaha ay u hayaan, si loo ilaaliyo sharuucda waddooyinka iyo wadista gaadiidka.

Hawlgalkan ayaa waxaa uu qayb ka ahay u diyaargarowga sanadguurada 72aad ka soo war eegatay aasaaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ku began 20ka bishan December ee maal inta Axadda ah.

DHINACYADA LIIBIYA OO MAANTA HESHIIS SAXIIXAYA

Wufuudda Liibiya ee ka qeyb qaadanaysa wada hadalka siyaasadeed ee ay gar wadeenka ka tahay Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay maanta xilli dambe saxiixaan heshiis lagu dhis ayo dowlad wadaag ah.

Saxiixan la filayo ayaa waxa uu ka dhici doonaa magaalada Sukhayraat ee dalka Marooko, halkaasi oo tan iyo sanadkii la soo dhaafay ay ka dhacayeen inta badan wadaxaajoodyada dhex marayay wakiillada labada baarlamaan ee Liibiya ee iska soo horjeeda.

Heshiiska ay baritaarayso Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in uu sii socdo inkastoo ay jira an diimdo ka imanaysa hogaamiyayaasha hay’adaha sharcidajinta Liibiya ee iska soo horjeeda.

Waxa ay diideen in ay qabtaan cod ay si rasmi ah heshiiska ugu ogolaanayaan ama ku diida yaan.

Bulshada caalamka ayaa rumaysan in dhameystirka heshiiskan uu noqonayo tallaabada koo baad ee hannaan dheer oo si degdeg ah ugu baahan inuu wax ka qabto qorshayaasha ah sidii sal ka loogu dhigi lahaa dowladda iyo dalkaba.

BANNAANBAXYO LAGU DALBANAYO INUU ISCASILO MADAXWEYNE ZUMA OO KA SOCDA KOONFUR AFRIKA

Kumanmaan shacab ah ayaa shalay dibadbaxyo ka dhigaya dalka Koonfur Afrika, kuwaasoo dalbanaya inuu madaxweyne, Jacob Zuma xilka ka dago, kaddib markii uu dhowr jeer kala badalay wasiirka dhaqaalaha, taasoo jahwareer ku keentay dhaqaalaha dalkaas.

Jacob Zuma ayaa shaqada ka eryay toddobaadkii hore wasiirkii dhaqaalaha ee waddankaas, Nhlanhla Nene, iyadoo lagu bedelay David van Rooyen, waxaana isbedelka labada wasiir u dhex eysay afar maalmood oo kaliya.

Sidoo kale, Zuma oo ka tirsan xisbiga ANC oo talada Dalka Koonfur Afrika hayay tan iyo sann adkii 1994kii markaasoo dalkaas uu ka baxay gumeysigii midbadkalasooca ahaa.

"Waxaan taageersannahay in talada dalka uu hayo xisbiga ANC, balse waxaan u jeednaa in madaxweynuhu uu haatan noqonayo mid qalalaase dhaqaale dalka u horeedaya,” ayuu yiri There sa Giorza oo macallin jaamacadeed; kana mid ahaa dibadbaxayaal ku sugnaa faraage ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Xilligaan waxay shacabka dalkeennu si aad ah u dareemayaa xaaladda oo sii xumaanaysa, waa taas midda keentay inaan bannaanbaxyadan caba shada ah sameynno.”

Bannaanbaxayaasha ayaa ku eedeynaya xukuumadda Zuma inay lugaha kula jirto musuqm aasuq baahsan, taasoo ay sheegeen inay caqabad ku tahay horumarka dhaqaale ee dalka.

"Tani waa qorshe kale oo lagu doonayo in carqaladeeyo dimuqraadiyada Koonfur Afrika,” ay uu yiri mid ka mid ah ururradii soo agaasimay dibadbaxyada ka dhacaya magaalooyinka dalka Koo nfur Afrika. Isagoo raaciyay. "Jacob Zuma ma haysto caddeymo ah inuu yahay hoggaamiye dimu qraadiyadeed oo rasmi ah iyo horumariyo dhaqaale.”

Dibadbaxyada ayaa waxay ka dhacayaan magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Afrika oo ay ka mid yihiin; Johannesburg, Cape Town iyo Pretoria. Iyadoo ka Qaybqaadanayaaan qaybaha kala duwan ee dadweynaha, sida ardayda iyo weliba shaqaalaha dowladda.

Ugu dambeyn, dibadbaxayaashan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo Koonfur Afrika uu ka jiro jahwareer dhaqaale, sidoo kalena ay hoos u dhaceen maalgashadayaashii Ajnabiga ahaa ee dalkaas maalgashiga ku sameysan jiray.

DOOD KULUL OO DHEX MARTAY MUSHARAXIINTA XISBIGA JAMHUURIGA

Dood aad u kulul ayaa waxay dhex martay musharaxiinta u tartamaha Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka, iyadoo doodan diiradda lagu saarayay arrimaha ammaanka qaranka Mareykan ka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Doodan oo si toos ah Telefishinada looga daawanayay, isla markaana dad badan ay dhagey sanayeen ayaa aheyd mid aad u xasaasi u aheyd oo hadalo kulul ay is weydaarsanayeen illaa sag aal musharax oo u tartamaya musharaxa koowaad ee Xisbiga Jamhuuriga.

Musharax Donald Trump oo ah ninka ugu cad cad xisbigan ayaa mar kale difaacay hadalkiisii ahaa in laga mamnuuco Mareykanka dadka Muslimiinta, isagoo xusay inay muhiim tahay in la difa aco ammaanka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu baabi’in doono Hooyooyinka iyo caruurta Hogaamiyeya asha IS oo uu ku tilmaamay urur qatar ku ah ammaanka Mareykanka.

Trump ayaa sheegay inuu xiri doono xuduuda Mareykanka uu la wadaago Mexico, isla mar kaana darbi dheer ku wareejin doono, isagoo ku sifeeyay dadka Mexicanka ah ay yihiin kuwo wax kufsada.

Musharaxa Jeb Bush oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Florida ayaa si kulul uga horyimid hadalka Mr Trump, isagoo ku tilmaamay inuu yahay nin rabshoole ah, isla markaana uu noqonayo hadii uu tartanka galo Madaxweyne rabshoole ah

Sidoo kale musharaxiinta kale ayaa diirada saarayay sidii loo joojin lahaa argagixisada, dadka Mareykankana ay ammaan u dareemi lahaayeen kadib weerarkii California.

Musharaxa kala ah Marco Rubio, Rand Paul iyo Ted Cruz ayaa hadaladooda ahaa kuwo ma cquul ahaa, waxaana ay soo qaadanayeen siyaasada arrimaha dibada, socdaalka iyo arrimo kale, waxaana qaarkood sheegeen in aan la abuurin muslim naceyb. taasna ay ka dhalan karto arga gixisada inay helaan qiil.

Si kastaba ha ahaatee doodahan ayaa sii socon doona, iyadoo musharaxiinta Xisbigan ay doonayaan inay ku soo jiitaan taageerayaashooda, si ay u helaan codod ay ugu soo baxaan tar tanka musharaxnimada doorashada Madaxweynaha Mareykanka.

CIIDANKA BOOLIISKA ANGOLA OO XABSIGA DHIGAY KU DHAWAAD 20QOF OO U BADAN GANACSATO SOOMAALIYEED

Booliiska Angola ayaa maalimihii ugu dambeeyay howlgala baaxad leh oo ay ka sameeyeen caasimadda dalkaasi ee Luanda iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxay ku qaybqabteen in ka ba dan 20qof oo ay 15 ka mid ah Soomaali yihiin, kuwaasoo lagu eedeeyay inay sharcidarro ku joga an Anglola.

Dadkan ayaa la sheegay inay iyagoo aan diiwaangashanayn ka furteen dalkaas ganacsiyo ka la duwan, sida uu sheegay ganacsade C/llaahi Muuse Kaabeer oo ka mid ah ganacsatada Sooma aliyeed ee dalkai Angola ku nool.

Sidoo kale, ganacsadaha ayaa xusay in dadka la xirxiray oo u badan Somali ay haatan ku jir aan xabsiyo kala duwan kuwaasoo aysan garanaynin sababta lo xiray waxaana uu xusay in hay’adda qoxootiga ee UNHCR ay ku wargaliyeen in dad badan oo ajaanib ah Somali ka mid tahay ay booliiska dalkaasi kaxeysteen isla markaane ay xabsiga u dhaadhicyeen; iyagoona ka codas aday in dadkaasi ay dadaal u galaan sidii xoriyadooda ay dib ugu heli lahaayeen.

Angola oo Sannadihii u dambeeyay dhaqaalihiisu aad u sii kobcayay; isla markaana ay ka jir aan fursado ganacsi lagu abuuri karo ayaa waxaa u shaqo doontay dad badan oo Afrikaan ah; ku waa soo ay Soomaali qayb ka tahay.Mar sii horreysay ayaa xukuumadda Angola waxay dalkeeda ka musaafurisay ku dhawaad 140qof oo ajaanib ah, kuwaasoo qaarkood ay Soomaali ahaayeen, la guna eedeeyay in ay ku kacayeen falal amniga Angola liddi ku ah.

 

 

 

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip