Wayne Rooney Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhameysan Doona Afarta Kaalimood Ee Ugu Sareysa Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan

0
Tuesday February 06, 2018 - 10:51:41 in Wararka by
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wayne Rooney Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhameysan Doona Afarta Kaalimood Ee Ugu Sareysa Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan

    Weeraryahanka kooxda Everton Wayne Rooney ayaa xalayto marti ku ahaa barnaamijka Sky Sports ee Monday Night Football isagoo ciyaarta Chelsea iyo Watford la falanqeynayay daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher. Waxaana Rooney la weydiiyay afarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Everton Wayne Rooney ayaa xalayto marti ku ahaa barnaamijka Sky Sports ee Monday Night Football isagoo ciyaarta Chelsea iyo Watford la falanqeynayay daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher. Waxaana Rooney la weydiiyay afarta kooxood ee Premier League ee uu filayo inay Champions League u soo baxaan xilli ciyaareedka danbe.

Halkii uu jawaab maldahan bixin lahaa, weerarayahankii hore ee xulka Ingariiska ayaa jawaab daacad ah bixiyay.

"Waxaan qabaa in Chelsea ay tahay koox weyn” ayuu yiri Wayne Rooney.

"Waxaan qabaa inay hubaal tahay inay u soo baxayaan afarta kaalimood ee ugu sareysa. Sida iska cad dhibaatooyin qaar ayaa heysta Antonio Conte laakiin waan hubaa inay xalin doonaan, waxaana ay heystaan tayo ku filan oo ay ku dhameysan karaan afarta kaalimood ee ugu sareysa.

Daadihiyaha barnaamijka Davie Jones ayaa markaas hadal ka sii raadiyay Rooney isagoo yiri: "Sidaan qiyaasayo waxaad sidoo kale sheegi doontaa Man United”

"Waad ku saxan tahay. Waa boosas adag oo la isku heysto, Tottenham iyo Liverpool xitaa waa ay u tartamayaan.

"Sidaasi darteed waxaan qabaa inay adkaan doontaa, labo ka mid ah lixda kooxood ee ugu waa weyn ayaa seegi doona Champions League. Waxaan qabaa inay soo bixi doonaan Chelsea, Man City, Liverpool iyo Man United”

Rooney ayaa aaminsan in Arsenal iyo Spurs ay seegi doonaan afarta kaalimood ee ugu sareysa horyaalka xilli ciyaareedkan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip