UEFA Oo Go'aansaneysa Maanta Haddii Dani Carvajal Uu U Ciyaari Doono Kulanka Champions League Ee Real Madrid Iyo Paris Saint-Germain

0
Tuesday February 06, 2018 - 10:42:23 in Wararka by
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA Oo Go'aansaneysa Maanta Haddii Dani Carvajal Uu U Ciyaari Doono Kulanka Champions League Ee Real Madrid Iyo Paris Saint-Germain

    Real Madrid ayaa sugeysa inay maqasho in haddii ganaaxi Dani Carvajal laga soo dhigay hal kulan taasoo ay sugayaan saaka oo Talaado ah, haddii ay taasi dhacdo waxa uu daafaca midig awoodi doonaa inuu dheelo lugta hore ee kulanka wareega 16ka Champion

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa sugeysa inay maqasho in haddii ganaaxi Dani Carvajal laga soo dhigay hal kulan taasoo ay sugayaan saaka oo Talaado ah, haddii ay taasi dhacdo waxa uu daafaca midig awoodi doonaa inuu dheelo lugta hore ee kulanka wareega 16ka Champions League ee ay la coyaarayaan Paris Saint-Germain. Gudiga anshaxa iyo adaabta ee UEFA ayaa daafaca midig ku soo rogay ganaax labo kulan ah, mid uu ku muteystay in caalamo hurid ah ay u uruureen iyo mid uu ku muteystay inuu si ku talogal ah u qaatay jaale si uu nadiif ugu noqdo wareega 16ka.

Sida uu sheegay garsooraha Carvajal ayaa si ku talogal ah u qaatay caalamada digniinta taasoo keentay in lagu ciqaabo kulan kale oo dheeri ah. Real Madrid ayaase racfaan ka qaadatay sababtoo ah maqnaanshiyaha Carvajal waxa ay dhibaato ku tahay tababare Zinedine Zidane.

Achraf ma ahan mid ku heer ah Carvajal sida laga arkay kulamadii ugu danbeeyay ee uu ciyaaray, waxaana haddii Real Madrid ay ku guuldareysato maanta racfaankeeda ay noqoneysaa in booskaas laga ciyaarsiiyo Nacho.

Waa wax aan looga baran gudiga racfaanka UEFA inay isbedel ku sameeyaan ganaax ay bixiyeen gudiga anshaxa iyo adaabta UEFA, waxaana taasi ka sii daran inay talaabadii lagu ganaaxay ciyaaryahanka ay aheyd mid u cad qof walba.

Real Madrid ayaa dhankooda ku andacoonaya in ciyaaryahanka uusan isku talogal ah u qaadanin jaalaha si uu nadiif ugu noqdo kulamada wareega 16ka, sidaasi darteedna aysan aheyn mid ka horimaaneysa nidaamka cadaalada ciyaaraha.

Los Blancos ayaa khibrad u leh inay ganaax ku muteysatay ficil la mid ah kan uu sameeyay Carvajal.

Waxa ay dhacday markii uu Jose Mourinho ku amray Dudek inuu aado goolka Iker Casillas oo uu u sharxo in Ramos iyo Xabi Alonso ay qaataan jaalayaal ciyaar ay Real Madrid 4-0 ku badisay.

UEFA ayaa ciqaabtay dhamaan seddexdii ciyaaryahan ee qeybta ka aheyd qiyaanadaas oo uu Dudek ka mid ahaa.

Si kastaba, Gerard Pique laguma ganaaxi markii ay Barcelona ku badineysay 2-0 lugtii hore ee wareega 16ka, Luis Enrique oo markaas tababare u ahaa Barcelona ayaa ku amray daafaca dhexe inuu jaale qaato si uusan u dheelin lugta labaad.

Labo daqiiqadood ka dib Pique ayaa qalad ku gaaly Welbeck waxaana uu qaatay jaale.

Sawiradii laga qabtay kulankaas ayaa muujinayay in Enrique uu qorsheeyay kaarkaasaas isagoo neef ay ka soo fuqday markii kaarka la bixiyay, islamarkaana dhoolacadeyntiisa lagu fahmay. Laakiin UEFA uma arkin markaas in kaarka uu ahaa mid ku talogal loo qaatay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip