Madaxweynaha: "Soomaaliya waxay gaartey biseyl siyaasadeed oo arrimaheeda ay ku go'aamiso''

0
Thursday December 17, 2015 - 09:23:57 in Wararka by
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: "Soomaaliya waxay gaartey biseyl siyaasadeed oo arrimaheeda ay ku go'aamiso''

    Muqdisho, 16 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xirey Madasha Wadatashiga Qaranka, oo magaalada Muqdisho ka dhacdey intii u dhexeysey 13-ka ilaa 16-ka bishan Dec

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 16 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xirey Madasha Wadatashiga Qaranka, oo magaalada Muqdisho ka dhacdey intii u dhexeysey 13-ka ilaa 16-ka bishan December.

Madashan oo ay ka soo qeyb-galeen madaxda maamullada Jubba, Galmudug, Puntland, Koonfuur Galbeed, gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, ayaa waxaa lagu lafa gurayey nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta sannadka 2016-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xiritaanka madasha ayaa sheegay in Soomaalida marba marka ka sii dambeysa ay muujinayaan biseyl siyaasadeed oo aayahooda ay ku go’aaminayaan.

"Muddadii madashan ay socotey waxaan yeelaney doodo aad muhiim u ah, oo ku saabsan nooca doorasho ee aan yeelan doonno sannadka soo socda. Waxaan shacabka u sheegayaa in madashan ay guul ku soo dhammaatey. Waxaan isla gaarney heshiis meel dhexe ah oo cid walba rabitaankeeda la dhegeystey. Ma jirto cid wax waliba oo ay rabtey wada heli karta, wadatashiga dhabta ahna waa kan ra’yiga la isku darsado, kadibna si wadajir ah loo qaato qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee dhinacyada ay soo jeediyaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya ka jira uu yahay ku meel gaar, sidaa darteedna wax walba oo muhiim ah oo dastuurka aan ku xusnayn ay khasab noqoto in sidan oo kale ay madaxda isku xilqaamaan si ay xal u gaaraan.

Waxaa uu Madaxweynaha u mahad celiyay shacabkii Soomaaliyeed ee fikradahooda ka dhiibtay hannaanka doorasho ee ay jeclaan lahaayeen, isagoo tallaabadaasi ku tilmaamay inay tusaale wacan u tahay hadafka Soomaaliya ee ah in shacabku ugu dambeyn ay helaan nidaam doorasho oo qof iyo cod ah.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee ku xusnaa war murtiyeedka Madashan labaad ee Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. Inaysan jirin wax muddo kororsi ah marka uu dhammaado xilliga muddada dastuuriga ee hay’adaha dowladda.

2. Dhismaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare waa inay qayb ka ahaadaan hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.
3. Doorashada labada aqal waa inay ku saleysnaadaan isku dheelitir qabiil iyo degaan.
4. In ergooyin doorasho ay ka qeyb qaataan doorashada xildhibaannada Baarlamanka, taas oo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada. Ergooyinka waa inay metelaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada .
5. Inay jirto kuraas cayiman oo ka mid ah labada aqal, kuwaas oo loo qoondeeyay haweenka. Waa in la xoojiyaa xuquuqda dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.
6. In la isku raaco qorshe hawl-fulin siyaasadeed cad oo qeexaya meel marinta hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka, iyo mid kale oo caddeynaya sidii dalka doorasho qof iyo cod looga hirgelin lahaa sannadka 2020-ka. Qorsheyaashan waa inay qeyb ka noqdaan heshiiska kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka.
7. Kadib wadatashi ay hoggaamiyeyaashu ugu noqdaan degaannadooda, waa in faahfaahinta kama dambeysta ah ee hannaanka doorasho ee sannadka 2016-ka, iyo qorshe fulineed la isku raacaa, kulanka lagu qaban doono magaalada Kismaayo 10-ka bisha Janaayo sannadka 2016-ka.

Qodobadan ayaa waxaa shirka ka hor akhriyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Waxaa isna munaasabadda hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay.

--------------------------------DHAMMAAD---------------------------

IB0A6396
IB0A6529
IB0A6576
IB0A6523
IB0A6559

1px
©2015 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia 1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip