MAQAAL;- SHACAB DOWLAD U OOMAN

0
Thursday February 01, 2018 - 16:29:12 in Wararka by
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL;- SHACAB DOWLAD U OOMAN

    Waxaan nahay shacab dowlad aad iyo aad ugu ooman, waxaana mudan in la isweydiiyo maxaa oonka bi'iya? Nasiib darro, oon ay baahi wehliso ma ba'o..waxay baahi noo heysaa dowlad shaqeysa oo dareemi karta in dadkeedu u ooman yihiin horumar, cad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan nahay shacab dowlad aad iyo aad ugu ooman, waxaana mudan in la isweydiiyo maxaa oonka bi'iya? Nasiib darro, oon ay baahi wehliso ma ba'o..waxay baahi noo heysaa dowlad shaqeysa oo dareemi karta in dadkeedu u ooman yihiin horumar, caddaalad iyo garasho buuxda oo loo adeegsado fulinta mashaarciic horumarin oo dadka iyo dalka loogu adeego.

Baaritaan la sameeyasy waxaa ka soo baxay in labada qof ee ugu sareysa dowladda dalka ka jirta ay yihiin dad kibir badan oo lagu tilmaamo MUTAKABIR. Su’aasho waxay tahay sidee lagu gartaa mutakabirka? Calaamadaha lagu aqoonsan karo oo kooban waa qof isla-weyn oo wixi loo sheego aan maqal hadduu maqlana aan ku dhaqmin. Waa qof aan marna garawsan gefki ka dhaca. Mana qaato wixi talo loo jeediyo ee ku saabsan sixitaanka wixi khalad dhaca.

Waxaa mudan in la xuso xikmad carabi ah oo dheheysa

MUTAKABIRKU WAA SIDI NIN BUUR DHEER SAARAN OO DADKA U ARKA WAX YAR-YAR, ISAGANA WAXAY DADKU U ARKAAN WAX YAR!!

Dhacdooyin u muuqda kuwo munasaq ah ee maalmahaan ka socda Xamar kuna wajahan masu’uuiyiin ka tirsanaa Gobolka iyo degmooyinka Banaadir waxay saadaalo u yihiin falal aad u fool xun oo doqon-ma-garato ah oo ay dabada ka riixayaan R/wasaare Kheyre iyo xulufadiisa Madaxtooyada fadhida lagana yaabo haddii dardarta iyo xowliga ay ku socdaan aan la hakin oon xikmad la adeegsan ay horseedi doonaan cawaaqib xumo aan la mahadin doonin!!! Dadweynahi dowladda u oomanaa , nasiib darro, waxay ku baraarugi doonaan inuu u baryay waa ay moodeen inay waa hore ka soo gudbeen.

Qofka xilka sare haaya hadduu isu arko qof aan marna khaldamin afcaasha uu ku kacayana u arka mid uu xaq u leeyahay ow siduu rabo u dhaqmi karo awood kastana adeegsan kara, meeshaas haddaba waxaa ka soo muuqda calaamado diktatoor oo dalkaan burburin doona, dadkana rajadi ay qabeen qar ka tuureysa.

MAQAAMKA GOBOLKA BANAADIR


Madaxweynaha iyo R/wasaaraha, iyo inta fikirkaan la wadaagta, haddey u arkaan ninki xuquuda Xamar ka hadla inuu yahay cadawgooda wuxuu dareenka noocaasa horseedi doonaa in godki ay u qodeen dadka ka soo horjeeda ay iyaga marka hore ku dhici doonaan, halkaasna dalki iyo dowladdi u burburaan sidi ay filaayeen si ka duwan kana dhaqsa badan.

Si dhibaatada soo muuqata looga badbaado, intey goori goor tahay, waa in dadka loo magacaabayo xilalka wasiirnimo ay noqdaan kuwo aqoon ay u dhan tahay, garasho iyo garaad ku hogaaqmiya gudashada howsha looga baahan yahay wasiirka inuu u qabto dadka iyo dalka…ma la arki doonaa xafiisyada dowladda oo laga ilaaliyo inay jufo waliba meel xirato oo xigtadeeda kaliya laga waraabiyo kuwi soo magacaabayna ay la qabaan afkaarta nocaas ah.

ISKU SHAANDHEYNTA GOLAHA WASIIRADA

Waxaan talo ahaan ku soo jeedi lahaa kaftan ka tarjumaaya wadciga dalku marayo xilligaan xasaasiga ah. Marka la magacaabayo golaha wasiirada in jufo kasta loo yeero lana weydiiyo inay soo gudbiyaan magaca qofka ay rabaan in wasiir looga dhigo, mar haddii ninki jago laga qaado lagu beddelaayo midka dad ugu xiga. Hana loo qabto qabiil walba muddo uu ku soo gudbiyo qofka ay u gartaan in loo magacaabo jagada..haddii mudada la qabtay lagu keeni waayana inay jagadaasi ka gubatay jufadaas…

Dowlada waxay ka badbaadeysaa is-qab-qabsi iyo is-eedeyn, waayoo u maleyn maayo inay jirto jufo soo gudbi karta hal qof ay isku raacsan yihiin reerka oo dhan.

Tallaabadaan waxaa horey u fuliyay Sheikh Zayid Bin Sultaan
Al-Nahyaan markuu Somalidi ku nooleed Abu Dhabi u jeediyay inay soo magacaabaan qof wakiil ka ah jaaliyadda oo si toos ula xariirta Sheekha kana wakiil ah Somalida ku nool Imaaraatka..nasiib darro muddo dheer kaddib waa la waayay qof la isku waafaqay oo loo dirsado danaha ka maqan Somalida. Natiijadi ay ku dhammaatay weli dad badan ayaa aad u xasuusta, Somalidina weli waa sideedi oo isma aaminsana ismana jecla.!!!

W.QORAY:-AXMED CALASOW



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip