WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 16-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Wednesday December 16, 2015 - 08:34:23 in Wararka by
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 16-KA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXDA SOOMAALIDA OO WALI ISKU MARI LA' HANAANKA DOORASHO EE 2016 (WARBIXIN) Madaxda Soomaalida ayaa wali ku kala aragti duwan nooca doorasho ee la qaadanayo sanadka 2016, iyadoo mar kale shalay uu dib u dhac ku yimid shirkii madasha wada tash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXDA SOOMAALIDA OO WALI ISKU MARI LA' HANAANKA DOORASHO EE 2016 (WARBIXIN) Madaxda Soomaalida ayaa wali ku kala aragti duwan nooca doorasho ee la qaadanayo sanadka 2016, iyadoo mar kale shalay uu dib u dhac ku yimid shirkii madasha wada tashiga qaran ee lagu soo bandhigi lahaa go'aanka ugu dambeeya ee la isku raaco.



Warar aan helnay ayaa sheegaya in daraad illaa habeen hore uu shirar u socday Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada ay wali xal ka gaari la’yihiin qodobadii ahaa in doorashada ay noqoto hab deegaan iyo in 4.5 lagu saleeyo, iyadoo midba midka kale uu ku adkeysanayo fikirkiisa.

Shirka oo ahaa in labo maalmood uu socdo, ayaa mar kale dib u dhacay, iyadoo aheyd in shalay oo Talaado ah la soo xiro, kadib markii daraad oo Isniin aheyd uu dib ugu dhacay kulan gaar ah oo ay lahaayeen Madaxda, si ay isku fahmaan, iskuna raacaan hal aragti, ka hor inta aan natiijada la soo bandhigin.

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeysanaya aragtidooda ku aadan in doorashada 2016 ay noqoto mid deegaan, halka dhanka kale Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ay qabaan in doorashada ay noqoto 4.5 in lagu soo xulo Baarlamaanka.

Illaa iyo hada ma jirto in meel dhexe la isugu yimid labadaas aragti, waxaana jira cadaadis dhinacyada lagu saarayo inay isku raacaan hal aragti oo laga yeesho hanaanka doorasho ee 2016.

Madaxda ayaa la sheegayaa in qodobada ay isku hayaan ay ku dabaqayaan danahooda siyaasadeed, taasoo adkeysay in la isku raaco hal aragti, mana muuqato taas, waxaana lagama maarmaan ah in hal dhinac uu u tanaasulo masiirka umada, si horay loogu ambaqaado waxyaabaha la hiigsanayo 2016.

Ka sokow labada aragti ee la isku mari la’yahay ayaa waxaa bar bar socoto waqti kordhin la doonayo in Baarlamaanka loo sameeyo, hase ahaatee taa waxaa daba socoto shuruudooyin kala duwan iyo qaabka muddo kordhin loogu sameyn karo isku mar saddexda hey’adood ee ugu sare ysa, inkastoo ururada bulshada iyo xubnaha kale ee goob joogayaasha ah ay diidan yihiin waqti kororsi yimaada.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa laga yaabaa inay soo dhex galaan kulamada wali la isku mari la’yahay ee Madaxda dhexdooda u dhaxeeya, waxaana la filayaa in Beesha Caalamka ay dhi nac raacdo, lamana oga cida ay raaci doonto, waxaase ay qirsan yihiin in waqtigu socdo, lagama maarmaan ay tahay in nooc doorasho la isku raaco ka hor shirka Istanbul loo madlan yahay bisha Febraayo ee ay yeelanayaan Madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamka, si kama dambeys hal kaas loogu soo bandhigo nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta.

WARBIXIN KU SAABSAN DOODII FAGAARAHA OO LAGU QABTAY MAGAALADA MINNEAPOLIS, MN.

Waxaa habeen hore magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay Doodcil miyeedkii Fagaaraha, taasoo looga dooday xalka iyo habka ugu wanaagsan ee lagu soo dhisi karo dowlad Somalia ka hor bisha August ee 2016ka.

Kulanka oo ahaa Fagaarihii 19aad waxay dooddiisu dhex martay wasiirkii hore ee Difaaca C/xakiin Maxamuud X. Fiqi, Ergaygii hore ee dowladda Soomaaliya ee Mareykanka, ahna falanqe eye arrimaha siyaasadda caalamka Abuukar Armaan, Hudda Ibraahim Barre oo ka tirsan jaamac adda St. Cloud State & Cabdi Daahir Maxamed Yuusuf oo ah dhaqaaleyahay Soomaaliyeed.

Khuburadaan ayaa ugu horreyn meesha ka saartay nidaamka awoodqaybsiga siyaasada ee ku saleysan habka 4.5ka, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid ku saleysan caddaalad darro iyo takoor.

"Anigu waxaan soo jeedin lahaa in Baarlamaanka hada shaqeeya loogu daro muddo laba sano ah, kaddibna ay doortaan guddoomiye iyo madaxweyne, kuwaas oo dalka gaarsiiya door asho qof iyo cod ah, go’aanka iyo awoodd doorashadana gacanta u galiya shacabka,” ayuu yiri Ambassador Abukar Armaan.

"Si looga fogaado isku dhexyaac siyaasadeed iyo awooda dowladnimo oo meesha ka baxda inta uu jiro is jiidjiidka siyaasadeed, Waxay iila muuqataa in la ilaaliyo jiritaanka Golaha Baarlam aanka” ayuu sii daba dhigay Abukar Armaan.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdi Xakiin ayaa isna u arka in xalka xula shada baarlamaanka soo socda lagu saleeyo 5 beelood oo isla eg.

"Waxaan rumeysanahay in la simmo qaybsiga xildhibaannada, isla markaana laga dhigo 5 beelood oo is le'eg, waayo 4.5 waa caddaalad darro” ayuu yiri Fiqi oo intaas ku daray "Ma aamins ani in mudada loo kordhiyo midkood Baarlamaanka ama madaxweynaha”

Laakiin, fikir kaa ka duwan waxaa aaminsan Cabdi Daahir Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa musharraxiintii xilka madaxweynenimmada Puntland sanadkii 2013, wuxuuna yiri.

"Waxaan ku talin lahaa in marka hore wadanka la xoreeyo, waayo dalku gumeysi ayuu ku jira, hase ahaatee dhinaca kala doorashada nimaadyada is barbar socda waxaan qaadan lahaa kan degmooyinka, waxaana aaminsanahay in haddii la raaco dastuurka dalka iyo 18kii gobol ee dowladdii dalka in xalku ku jiro in degmooyin lagu soo xulo dowladda soo socota”

Hudda Ibraahim, waxay aaminsan tahay in dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadda iyo dhismaha dowladda soo socota ay ka horeyso dib u heshiisiin iyo is cafin.

"Illaa shaqsiyaadkii dalka iyo dadka ka galay dambiyada ay qirtaan wax badan nooma qab soomayaa, sidaa daraadeed waxaan aamisanahay in la sameeyo dib u heshiisiiniyo is cafis guud, si wax kasta noogu fududaadaan” ayay tiri Hudda.

Madaxa dooda Fagaaraha Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada hada lka iyo doodaha arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dooda 20aad ee Fagaaraha lagu qab an doono Holland, iyadoo dhinaca kale ay aheyd sannadguuradii 3aad ee fagaaraha.

Dhageysteyaashii dooda ka soo qeyb galay oo su’aalo weydiiyay kooxdan khuburada ah ay aa dareenkooda ku muujiyay siday uga xunyihiin nidaamka 4.5, hase ahaatee ay ku kala fikir duwa naayeen qaababka kale ee degmooyinka, magacaabidda odayaal dhaqameedka, maamul gobole edyada iyo muddo kororsiga intaban.

HAY’ADAHA SAMAFALKA OO KA DAYRINAYA XAALADDA CUNNO IYO DAMBI YADA KA DHACAYA KOONFURTA SUUDAAN ..

Muddo laba sano ah ayaa laga joogaa markii ay ka billowdeen coladaha sokeeye Koonfurta Suudaan, taasoo ku beegnayd bishii December ee sanadkii 2013kii. iyadoo hay’adaha samafalku ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda dalkaas ka taagan.

Hay’daha gargaarka ayaa ka digayaan in cuntoyari aad u daran ay dalkaasi soo wajeheyso, waxayna dalbanayaan in tallaabo degdeg ah laga qaado dambiyada dagaalka ee ka taagan Koo nfurta Suudaan.

Inkastoo dhinacyada ku dagaallamaya wadamada ay heshiis nabadeed dhowr bilood ka hor kala saxiixdeen si qalaasaha loo soo afjaro, ayaa haddana hal milyan iyo bar qof ay weli ka maqan yihiin guryahooda, kuwaasoo ka cararay colaadaha.

Sidoo kale, waxaana la filayaa in roobab yar oo dalkaasi ka da’a isbuucyada soo socda ay sababaan dhibaatooyiin badan. Tirada dadka gaajeysanna aad ayay u badan tahay. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa waxaa haysta cunnoyaraan aad u daran sida ay sheegtay Qaramada Mido obay.Tirakoobka ku saleysan dadka ay cunnoyaraantu ku hayso Koonfurta Suudaan ayaa ah qiy aastii seddax meelood meel marka loo eego tirada dadka dalkaas u dhashay.

"Waxay gaajo ba’an haysataa 30,000 oo ruux, waxayna hal dhibic ka hooseeyaan heerka macluusha, arrintaas ayaana ka dhalatay dagaallada oo weli sii socda & roobab wanaagsan oo aan dalkaas ka di’in,” ayaa lagu yiri warbixin QM ay kasoo saartay xaaladda nololeed ee dalka Koonfurta Suudaan.

Dhanka kale, warbixinta hay’adaha gargaarka ayaa lagu xusay in tani iyo markii muranka siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisii hore ay isku bedeleen laba sano ka hor gacan ka hadal, iyadoo madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Ma char ay awoodi la’yihiin inay ixtiraamaan heshiiska nabadeed ee ay wadasaxiixeen. Colaadda Koonfurta Suudaan ka socda ayaa ku qasbay 185,000 oo qof inay guryahooda ka cararaan oo ay xeryaha Qaramada Midoobay ee waddankaas ku yaalla magangalyo ahaan u galaan.

"Dadweynaha cusub ee magangalyo ahaanta u galaya xeryahaas ayaa waxaa ka muuqata macluul daran, cudurraduna waxay ku baahayaan dalkaas oo dhan,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta hay’adaha samafalka.

Ugu dabmeyn, waxaa warbixinta lagu xusay inay jiraan dil qorsheysan, kufsi iyo dambiyo kale oo inta badan ka dhaca Koonfurta Suudaan, iyadoo lagu baaqay in si buuxda loo baaro dab miyadaas iyo cidda geysanaysa.

WASIIRKA SHAQADA IYO ARRIMAHAB ULSHADA XUKUUMADDA SOOMAALIYA WAFDI UU HOOGAMINAYO OO SHIRKA JAAMACADDA CARABTA EE KA SOCDA DALKA MASAR KA QEYB GALEEN

Magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa ka socda shirka Wasiirada Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta, kaas oo ay Soomaaliya uga qaybgalayaan wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Muuddeey.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu yahay mid sanadle ah, waxaan diiradda lagu saaray dhanka arrimaha bulshada iyo waxyaabaha u qabsoomay wadamada Jaamacadda Carabta.

Wasiirka ayaa xusay in shalay shirka si gaar ah diiradda lagu saaray dhanka dhinaca naa fada, waxaana uu intaa ku daray inay la hortegeen qorsheyaal ku aadan waxyaabaha ay Wasaa raddu soo diyaarisay.

"Shirkii 15aad ee Wasiirada shaqada iyo arrimaha bulshada daraad, waxaa la magacaabay guddi fulin oo ka kooban lix dowladood..

WAFDI KA SOCDA DOWLADA SOOMAALIYA IYO MAAMULGOBOLLEEDKA GALMUDUG OO SOO GAARAY BELEDWEYNE

Wafdi isugu jitra wasiirro xukuumada Soomaaliya, xildhibaano iyo madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug isugu jira ayaa goordhow gaaray magaalada Beledweyne e xarunta gob olka Hiiraan.

Xubnaha wasiirrada XFS ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka Amniga gudaha, C/risaaq Cumar Max'ed, Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraaha, Wasiirka batroolka, Wasiirudowlayaasha madaxto oyada, maaliyadda iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin; Daahir Amiin Jeesoow iyo xildhiaan Max amed Maxmuud Goodir.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Beledweyne, ayaa ujeedka socdaalkooda ku sheegay sidii ay qayb uga noqon lahaa yeen dadaallada nabadeed ee socda, isaga oo ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay u hog aansamaan baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo.

Xubnaha wafdiga ayaa intaa kaddib loo soo galbiyay xarunta maamulka gobolka Hiiraan hal kaasoo ay ka bilaaban doonaan kulamo waddatashi ah oo ay la yeellanayaan odayaasha dhaq anka iyo waxgaradka beellah dagaallamaya.

Warka oo faah faahsan waxaad kula socon doontaan wararkeena danbe...

CIIDAMO ITOOBIYAAN OO LA WAREEGAY AMMAANKA GAROONKA DIYAARADAHA DHUUSA MAREEB

Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ku soo qul qulayay Gobolka Galgaduud ayaa shalay la wareegay ammaanka garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay gacan ta ku hayeen Maamulka Ahlusuna ee Gobollada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo watay gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo ka sameystay garoonkaas oo maalmihii u dambeeyay xirnaa, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Maamulka Ahlusuna iyo shirkadaha diyaaradaha oo canshuuro ku kordhiyay shirkadaha. Ciidamada Itoobiya oo horay ugu sugnaa degmada Guriceel iyo qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, hase ahaatee dadka deegaanka Dhuusa Mareeb ayaa shalay hadal haya ciidamada ku waabariistay garoonka diyaaradaha Dhuusa Mareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka wafuud ka socota dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug oo ka qeyb galaya shir ka furmi doona Dhuusa Mareeb.

Shir lagu heshiisiinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa dhowaan ka furmi doona magaalada Dhuusa Mareeb oo ah xarunta Maamulka Galmudug, inkastoo Ahlusuna gacanta ku heyso.

Wada hadalada u furmi doona maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa waxaa la sheegay inay door ku leedahay dowladda Itoobiya, kadib markii Mas’uuliyiinta labada dhinac ay safar ku ta geen magaalada Addis Ababa.

Maamulka Ahlusuna ayaa horay u qaadacay Maamulka Galmudug ee lagu dhisay Cadaado, waxaana labada dhinac u dhex maray isku dhacyo iyo xurguf siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee wada hadalada u furmi doona labada dhinac ayaa la filayaa in lagu soo afjaro khilaafyada siyaasadeed ee gobolka ka jira, isla markaana hal maamul ku midoobaan.

MAREYKANKA OO KENYA UGA DIGAY SHABAAB INAY BEEGSADAAN MASUULIYIINTA KA QAYBGALAYSA SHIR SHALAY NAIROBI KA FURMAYA

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay soo saartay Digniin cusub oo ku aadan in Ururka Al Shabaab ay beegsadaan Masuuliyiinta Ka qaybgalaysa Shirka looga hadlaayo Ganacsiga Dunida.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Wasiirada Ururka Ganacsiga Dunida, waxaana uu ka fur mayaa Magaalada Nairobi shalay, wuxuu socon doonaa Shirka ilaa 18ka Bishan.

Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka Qoraal ka soo baxay ayaa Kenya looga dig ay weeraro ay Shabaabka la beegsadaan xubnaha Shirkaasi ka qaybgalaya iyo sidoo kale goo baha Bulshada ay isugu yimaadaan.

Mareykanka waxa uu sheegay Kooxaha weerarada ka geysta dalka Kenya ee Shabaab ka tirsan inay fursad u tahay inay beegsadaan masuuliyiintaasi.

"Goobaha Dadweynaha ay ku badan yihiin iyo shirka heer Wasiir ee Ururka Ganacsiga dun ida waxay noqon karaan kuwo ay beegsadaan kooxaha argagixisada, muwaadiniinta Mareykanka waa iney feejignaan dheeri ah sameeyaan.”Ayaa lagu yiri qoraalka Waaxda Arimaha Dibada Mareykanka. Waxaa kaloo Digniinta lagu sheegay in suuragal ay tahay Kooxaha inay beegsadaan Hoteelada waaweyn ee dalka Kenya ku yaallo, iyadoo Digniinta Mareykanka ka soo baxday lagu sheegay inay socon doonto Ilaa 22 Bishan December.

Digniinta ka soo baxday Dowladda Mareykanka ayaa ku soo aadeysa, xilli Shabaabka ay kordhiyeen weerada ay ka geysanayaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Shabaab ayaa dhowr mar weeraro ka fuliyay gudaha dalka Kenya, waxaana ug cuslaa weeraradii ay fuliyeen Shabaabka weerarkii Westgate iyo weerarkii Jaamacada Magaalada Gaa risa.

SACUUDIGA OO SAMEEYAY ISBAHAYSI CUSUB OO LA DAGAALAMA DAACISH. SOMALIYA AYAA KA MID AH ISBAHAYSIGAN

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa waxay ku dhawaaqday inay sameysay isbahaysi cusub, oo dagaal adag la geli doono Ururka Daacish, oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka).

War Saxaafadeed ay shalayy soo saartay Dowladda Sacuudiga, ayaa waxaa lagu sheegay in isbahaysigan uu ka kooban yahay 34 dal oo dunida Islaamka ah, diyaarna u ah inay la dag aalamaan Ururka Daacish.

War Saxaafadeedka, ayaa waxaa lagu cadeeyay in dalalkaasi ay qaateen go’aan isku mid ah, mowqifkooduna uu yahay inay la dagaalamaan ururada argagaxisada, oo ay ugu horeyso Da acish.

Isbahaysigan, ayaa waxay xaruntiisu noqon doontaa Caasimadda Sacuudiga (Riyadh), halk aasoo laga qaadi doono hawlgalada lagula dagaalamaayo ururada argagaxisada.

Dalalka Sacuudiga, Masar, Turkiga, Malaysia iyo Indonesia, ayaa lafdhabar u noqon doono la dagaalanka argagaxisada, waxaana taageeray wadamo ay ka mid yihiin Somalia, Sudan, Djibouti iyo Nigeria

War Saxaafadeedkan, ayaa waxaa lagu sheegay in la soo dhawayn doono dalalka kale ee caalamka, islamarkaana taageera wadamada Islaamka, si halmeel looga soo wada jeesto da gaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Ma cadda in isbahaysiga cusub ee uu ku dhawaaqay Sacuudiga uu sidoo kale la dagaalami doono Maleeshiyada Shiicada Yemen (Xuuthiyiinta) iyo in kale. Xuuthiyiintu waxay taageero weyn ka hellaan Dowladda Iran.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa Isniintii sheegay in loo baahan yahay isbahaysi ka ballaaran midka hadda la dagaalamaaya Ururka Daacish.

ABUU MUSCAB "WEERARADA MANDHEERA AAN KA GEYSANAYNO WAA AARGOOSI”

Iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay Shabaab weeraro kala duwan ay ka geysteen dul eedka Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa Ururka Shabaab wa xa ay sheegayaan sababta weerarada Mandheera ay u kordhiyeen inay tahay mid aargoosi ah.

Afhayeenka Ururka Shabaab ee dhanka Howlgalada Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ay aa u sheegay Idaacada AlFurqaan ee taageerta Shabaabka sababta weerarada ay u kordhiyeen in ay tahay aargoosi ku aadan Xabaal wadareed laga helay duleedka Magaalada Mandheera.

Abuu Muscab wuxuu sheegay Qaraxii daraad ka dhacay Check Point ay ku sugnaayeen ciid anka Kenya iyo weerar ka sii horeeyay oo Axadii galabteeda ka dhacay Duleedka Mandheera laba da inay ahaayeen weeraro loogu aargudaayo shacabka Kenya ay ku leysay duleedka Mandheera ee Xabaal Wadareedka laga helay.

Sarkaalkaan ayaa ku faanay Qaraxii daraad ciidanka Kenya Check Point 3 ay u galiyeen in ay ku dhinteen 7 Askari oo Kenyan ah iyo tiro dhaawacyo ah oo ciidamada Kenya soo gaaray ay jir aan, inkastoo ilo wareedyo madax Banaan ay sheegayaan in 5 Askari ay ku dhaawacmeen Qarax aasi.

Afhayeenka Dhanka Howlwagalada Ururka Al Shabaab ayaa ku hanjabay inay sii wadi doon aan Beegsiga ay ku hayaan ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Mandheera ee dalka Ken ya.

Xoogaga Shabaab waxa ay weeraro qorsheysan iyo kuwa gaadmo ah intaba la eegtaan ciidamada Kenyanka ee Somaliya iyo gudaha Kenya intaba ku sugan.

Weerarada Shabaabka ay ku cusleeyeen Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku soo aadaya, iyadoo Shabaab dhexdooda ay u kala qaybsameen Daacish iyo Xubno Shabaab u ha ray.

MADAXWEYNE OBAMA OO BOOQDAY XARUNTA WASAARADDA DIFAACA MAREYKANKA EE PENTAGON ..

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa wuxuu daraad booqasho ku tagey Xar unta Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka (Pentagonka), waxaana ku soo dhaweeyay Wasiir kiisa Difaaca, Ashton Carter.

Ka dib weerarkii 2dii bishan ka dhacay Magaalada San Bernardino Ee Gobolka California, laguna dilay 14 qof, halka 21 kalana lagu dhaawacay, ayuu Madaxweynaha Mareykanka booqday Xarunta Pentagonka.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay Ashton Carter, ayaa gaba gabadii kulankaasi waxaa uu qabtay shir jaraa’id, isagoona wacad ku maray inay wiiqi doonaan awoodda Ururka Daacish, oo xubno taageersan ay fuliyeen weerarka San Bernardino.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayuu tilmaamay in isbahaysiga uu hogaamiyo ay qaadeen weeraro ballaaran oo dhinaca cirka ah, islamarkaana ay la beegsadeen goobo ay Daacish kaga sugan tahay Suuriya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu iftiimiyay inaybeegsadeen gaadiidka dagaalka & shidaalka ee Daacish, ceelasha shidaalka, warshadaha shidaalka sifeeya iyo goobo kaloo muhiim u ah Daacish, sida uu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa carab dhabay toddobaadyadii la soo dhaafay inaysan Daacish weeraro muuqdo ka fulin gudaha dalalka Ciraaq & Suuriya, taasina ay ugu wacan tahay hujuumka kaga imaanaaya dalalka isbahaysiga.

Barack Obama, ayaa sheegay in loo baahan yahay isbahaysi ka ballaaran midka hadda la dagaalamaaya Ururka Daacish.

MAREYKANKA OO KENYA UGA DIGAY SHABAAB INAY BEEGSADAAN MASUULIYIINTA KA QAYBGALAYSA SHIR SHALAY NAIROBI KA FURMAYA

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay soo saartay Digniin cusub oo ku aadan in Ururka Al Shabaab ay beegsadaan Masuuliyiinta Ka qaybgalaysa Shirka looga hadlaayo Ganacsiga Dunida.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Wasiirada Ururka Ganacsiga Dunida, waxaana uu ka furm ayaa Magaalada Nairobi shalay, wuxuu socon doonaa Shirka ilaa 18ka Bishan.

Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka Qoraal ka soo baxay ayaa Kenya looga di gay weeraro ay Shabaabka la beegsadaan xubnaha Shirkaasi ka qaybgalaya iyo sidoo kale go obaha Bulshada ay isugu yimaadaan.

Mareykanka waxa uu sheegay Kooxaha weerarada ka geysta dalka Kenya ee Shabaab ka tirsan inay fursad u tahay inay beegsadaan masuuliyiintaasi.

"Goobaha Dadweynaha ay ku badan yihiin iyo shirka heer Wasiir ee Ururka Ganacsiga dunida waxay noqon karaan kuwo ay beegsadaan kooxaha argagixisada, muwaadiniinta Ma reykanka waa iney feejignaan dheeri ah sameeyaan.”Ayaa lagu yiri qoraalka Waaxda Arimaha Di bada Mareykanka.

Waxaa kaloo Digniinta lagu sheegay in suuragal ay tahay Kooxaha inay beegsadaan Hoteel ada waaweyn ee dalka Kenya ku yaallo, iyadoo Digniinta Mareykanka ka soo baxday lagu sheegay inay socon doonto Ilaa 22 Bishan December.

Digniinta ka soo baxday Dowladda Mareykanka ayaa ku soo aadeysa, xilli Shabaabka ay kordhiyeen weerada ay ka geysanayaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Shabaab ayaa dhowr mar weeraro ka fuliyay gudaha dalka Kenya, waxaana ug cuslaa wee raradii ay fuliyeen Shabaabka weerarkii Westgate iyo weerarkii Jaamacada Magaalada Gaarisa.

WASIIR KU XIGEENKA DHALINYARADA IYO SPORTIGA OO SHEEGAY IN SHIRKA WADATASHIGA LACAGO LAGU MUSUQMAASUQO.

Isagoo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportiga Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuubow ayaa tibaaxay in shirka Wadatashiga ah ee Higsiga lacago lagu lunsanayo.

Wasiir Ku xigeenka dhalinyarada iyo Sportiga Mr Cismaan Aadan Dhuubow ayaa tilmaamay in xubno ka mid ah beesha Caalamka iyo Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ay dhaqaalo ku cunayaan shirka wadatashiga ee maalmihii la soo dhaafay ka soconayay Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka Ku xigeenka dhalinyarada ayaa shaaca ka qaaaday in Wasaaradooda dhalinyarada iyo Sportiga ay shaqooyinkooda qabtaan Wasaarado kale taas oo uu ku tilmaamay Nasiib darro iyo xad gudub.

Hadalka Wasiir ku xigeenka ayaa imaanaya iyadoo Muqdisho uu ka furmay shirka wadata shiga Higsiga kaas oo haatan hakad uu ku yimid kadib is fahamwaa la sheegay in uu ka dhex jiro.

MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE OO BEENIYAY IN GAROONKA DHUUSAMAREEB CIIDAMO ETHIOPIAN AH AY LA WAREEGEEN

Taliyaha Ciidamada Maamulka Gobollada dhexe Xasan Cabdi Max’ed oo wareysi siiyay Ida acadda Shabelle ayaa tilmaamay in ay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Garoonka di yaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ammaankiisa ay la wareegeen Ciidamada Ethiopia.

Xasan Cabdi Max’ed ayaa sheegay in dhammaan ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ay gacanta ku hayaan Ciidamada maamulka Gobollada Dhexe isagoo carabka ku xoojiyay in wa rarka ku saabsan in Ciidamo Ethiopian ah ay la wareegeen Garoonka Dhuusamareeb ay yihiin ku wa ku tura ku teen ah.

Maalmihii dambe ayaa la isla dhexmarayay warar ku saabsan Ciidamo Ethiopian ah oo gaa ray Magaalada Dhuusamareeb lana wareegay ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaaladaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa ka soconaya dadaallo dib u heshiisiineed ee la doonayo in la gu mideeyo Maamullada Galmudug iyo Gobollada dhexe.

KALLUUMEYSATADA OO LOOGA DIGAY INAY U SOO DHAWAADAAN GAROONKA AADAN CADDE

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini oo wehliyo Taliyaha Ciid anka Badda Somaliya, Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa galabta ku booqday xeebta Liido dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay rasaas ku fureen Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM, ka dib markii ay ku soo dhawaadeen xeebta garoonka.

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey saddex doomood oo ay leeyihiin Kaluumeysatada kuw aas oo ka muuqdeen rasaas, wuxuna sheegay Wasiirku in guddi baaritaan ku sameeya loo saaray. Isagoo dhinaca kale uga digay Kaluumeysatada Soomaaliyeed in ay xiliyada habeenkii ah ku dhawaadaan garoonka iyo Dekadda Muqdisho kuwaasi oo dhibaato ka soo gaari karto.

"Waxaan u saarnay dhacdadan guddi baaritaan ku sameeya qaabka ay wax u dhaceen iyo khasaaraha soo gaaray kalumeysatada. Waxaan uga digeynaa Kaluumeysatada ka shaqaysa Mu qdisho in ay u dhawaadaan goobaha ay Ciidamaddu dagan yihiin sida Garoonka iyo Dekadda.” Ay uu yiri Wasiir Diini.

Wasiir Diini ayaa tilmaamay in laga doonayo cid walba oo kaluumeysi u aadeysa xiliyada ha beenkii ah Xeebaha Muqdisho in ay wargeliyaan Ciidamadda Badda iyo Boolis si loola socdo ha ddii ay la kulmaan khatar dhinaca ammaanka ah si gurmadna loogu fidyo.

GOOBAHA WAXBARASHADA EE MAGAALADA LOS ANGELES OO SI DEG DEG AH LAGU XIRAY …

Iyadoo ay si habsami leh ay duruusta kaga socoto goobaha waxbarasho Magaalada Los Angelese Ee Gobolka California, ayaa si lama fillaan ah lagu xiray.

Ciidan boolis ah oo wata gaadiidka askarta, ayaa ku amray Maamulada in ay albaabada u la abaan goobahooda waxbarasho, waxayna u sheegeen inay jirto halis dhinaca ammaanka ah.

Booliska, ayaa sheegay inay suurtagal tahay weeraro lagu qaado xarumaha waxbarashada ee Magaalada Los Angeles, iyagoo ku amray in loo baahan yahay inay digniinta qaataan.

Guddiga waxbarashada ee Los Angeles, ayaa isku raacay inay u hogaansamaan awaamiirta laamaha ammaanka, si loo badbaadiyo nolosha ardayda wax ka barata xarumahooda.

Booliska, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo xiraaya wadooyinka, iskuuladana ka daad gurey naaya ardayda, oo lagu daabulaayay basaska waaweyn ee ardayda loogu tallagalay.

Mareykanka, ayaa waxaa uu ka feejigan yahay in Ururka Daacish iyo ururada kale ee xagjiri inta ah, ay weeraro ka gaystaan dalkiisa.

Wixii ka dambeeyay weeraradii 13kii November ka dhacay Magaalada Paris, ayaa waxay Wadamada Reer Galbeedku galleen marxalad feejignaan ah.

JOHN KERRY OO MAGAALADA MOSCOW KULA KULMAY MADAXWEYNAHA RUUSHKA ..

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa waxaa uu Xarunta Kremlin uu ku qaabilay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry oo booqasho ku joogga Mag aalada Moscow.

Labada dhinac, ayaa waxay Talaadadii ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin da gaalada ka soconaaya wadanka Suuriya iyo sidii lagu soo afjari lahaa khilaafka ku kala dhex jira dowladda iyo mucaaradkad dalkaasi.

Ruushka, ayaa garaacaaya ciidanka xorta Suuriya iyo dhammaanba dhinacyada kale, ee da gaalka kula jira dowladda Bashar alAssad, waxaana uu si weyn u taageersan yahay Xukuumadda Damascus.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Madaxweynaha Ruushka u sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in aragti mideysan ay ka yeeshaan xal u helidda dagaalada ka holc aaya Suuriya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xalka Suuriya uu u muuqdo mid imaan doono, marka Marey kanka iyo Ruushka soo yareeyaan kala aragti duwanaanshahooda Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka, ayaa John Kerry u sheegay in Ruushka uu doonaayo in laga gu dbo dagaalada Suuriya, dibna loogu soo celiyo dhabihii horumarka. Waxa kaloo uu muujiyay in Ru ushka uu Mareykanka kala shaqayn doono xalka Suuriya.

Madaxweyne Putin, ayaa horey u sheegay in xalka Suuriya uu ku jiro, iyadoo hal dhinac la ga noqdo dagaalka ka dhanka ah kooxaha diidan in tallada dalkaasi uu sii haayo Madaxweyne Assad.

Dagaalada sokeeye ee ka soconaaya dalkaasi Suuriya, ayaa waxaa ku dhimatay in ka bad an laba boqol iyo konton kun (250,000) oo qof, waxay kaloo dagaaladu sababeen burbur iyo bar akac baahsan.

XABAD JOOJINTA YEMEN

Gashaanbuurta Sacuudigu hogaaminayo ayaa sheegtay in toddobo cisho oo xabad joojina ay la gaadheen Kooxda shiicada Xuutiyiinta.

Xabad joojinta ayaa shalay hirgalinteedu kusoo beegantay iyadoo ay shalay dalka Swit zerland ka bilaabantay wada hadalada nabada ee Yemen oo ay soo qabin qaabiyeen Qarammada Midoobay.

MUCJISOONKA KANEECADA ( MIRACLES IN THE MOSQUITO, إعجاز الله في خلق البعوضه)

Kaneecada waxay ka mid tahay noolaha mucjisooyinka gaarka ah leh ee Eebe weyne uu may.Kaneecadu waxay leedahay saddex wadne, mid dhexe ku yaal iyo laba dhinaca baalasha xi ga. Shaqada saddexda wadane waa inay soo nuugaan dhiiga ka dibna u qaybiyaan jirka intiisa ka le. Dr.Julian Hillyer waa saynisyahay muda baaritaan ku samenayay kaneecada isagoo adeegs anaya Waynaysada , waxa uu aad u soo jiitay siday wadnaha iyo unugyada dhiiga u shaqayn ayaan.

Kaneecadu waxay awood u leedahay inay ruxdo garbaheeda 500 jeer. Ilkaha kaneecada waa 48 ilko. Kaneecadu waxay sidoo kale leedahay hal maskax iyo 100 indhood.

Marka aad eegto qaabka adag ay u samaysantahay, Saynisyahanu waxay sheegaan in Kan eecada ay baaritaan ku samayso inta aanay qaniinin jirka qofka, haddii uu noqdo mid munaasab u ah way nuugtaa haddii kalena waxay u wareegtaa qof kale.

Waxa xusid mudan in kaneecadu leedaha qalab(sida raajada ama XRAY) aysan lahayn raa daarada iyo diyaaradaha aadka u dheereya dunida, kaasoo u qaabilsan dareenka neefta biniada mku siidaayo( gaar ahaan Carbon dioxideka) si ay u ogaato in goobta uu joogo noole. Kaneecadu waxay leedahay qalab suuxiya qofkay qaniinayso.

Kaneecada dheddig way ka adagtahay mida lab waxay dhiiga ka nuugtaa biniadamka iyo xoolaha si ay ugu quudiso ukxanteeda. Mucjisooyinka Quraanka waxaa ka mid in Alle ku xusay Quraanka kaneecada Dheddig Suratu Baqara(26.) Kaneecada lab waxba ma qaniinto, waxay quudataa dhirta iyo ubaxyada.

Eeebe 1400 sano ka hor ayu inuu sheeay in kaneecada dhusheeda ay ku noolyihiin noole k ale, cilmiga casiga ah ee dunida baaritaan la samayey waxa la ogaaday in uu jiro noole ilmaaragta ah oo ku nool dhusha kaneecada.

Kaneeda lab waxay noolaan kartaa illa 10 maalmood halka mida dhedig ay noolaankarto ilaa saddex bilood qiyaas ahaan.

Kaneecada dhedig waxay sabataa cudurka halista ah ee Duumada(Malaria.) Noolahan aad ka u tabarta yar ayaa sabab u noqda dhimashada Sanadkiiba Malaayiin qof.

Xanuunka ay sababto kaneecada waxa ogaaday Charles Louis Alphonse Laveran sanadkii 1880-kii. Dr. Saadiq Enow mar uu ka hadlayey Malariyada waxa uu sheegay in Soomaalida ay u taqaanay xanuunkan Duumo ka hor inta aan la ogaan cudurka Malaria.

IBRAHIM ABDULKADIR 794545@gmail.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip