Olivier Giroud Oo Fariin U Diray Conte Xili Uu Shaaciyey Booska Uu Jecel Yahay In Laga Dheelsiiyo

0
Thursday February 01, 2018 - 07:20:12 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olivier Giroud Oo Fariin U Diray Conte Xili Uu Shaaciyey Booska Uu Jecel Yahay In Laga Dheelsiiyo

    Saxiixa cusub ee kooxda kubada cagta Chelsea, wiilka lagu magacaabo Olivier Giroud, ayaa wuxuu sheegay inuu rajaynayo in macalinka naadigiisa cusub, uu ka dheelsiiyo booska uu jecel yahay oo ah afka hore ee weerarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxiixa cusub ee kooxda kubada cagta Chelsea, wiilka lagu magacaabo Olivier Giroud, ayaa wuxuu sheegay inuu rajaynayo in macalinka naadigiisa cusub, uu ka dheelsiiyo booska uu jecel yahay oo ah afka hore ee weerarka.


Wuxuu sheegayaa in hadii laga dheelsiiyo booskaas uu ka caawin doono Blues, baahida weerar ama gooldhalin la’aan ee hada haysata, inkastoo uu qiray in go’aanka uu kaga dheelayo booskaas uu leeyahay macalin Antonio Conte.

Isagoo wareysi siinayay Chelsea.com, ayaa wuxuu weerar yahankaan reer France, uu carabka ku dhuftay inuu yahay mid aad ugu farax-san inuu kusoo biiro koox uu ku sifeeyay inay tahay mid kamid ah kuwa ugu awooda badan Dunida.

Wuxuu yiri: "Aadbaan ugu farax-sanahay inaan kusoo biiro, mid kamid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub iyo Premier League.

"Waxaan rajaynayaa inaan la qaado koobab badan, farxad iyo Sharaf ayay ii tahay inaan yimaado Chelsea, wanaag badan ayaan dareemayaa.

"Waxaan filayaa inaan caawin doono weerarka kooxdan, dabcan waxaana umaleynayaa inaan ka dheeli doono afka hore ee weerarka.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: "Chelsea, waa mid kamid ah kooxaha ugu fiican EPL, dabcan xidig walba ayaa jecel inuu yimaado halkaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip