Soomaali yaa ka tahay?

0
Saturday January 27, 2018 - 09:48:20 in Wararka by
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali yaa ka tahay?

    Meel laga cabo cabitaan ayaan soo wada istaagnay magaalada waa Hyderbad India, Soomaalida waddanka dagan sida badan Mooto ayey wada wataan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meel laga cabo cabitaan ayaan soo wada istaagnay magaalada waa Hyderbad India, Soomaalida waddanka dagan sida badan Mooto ayey wada wataan.

Aniga oo sugaya cabitaankayga ayey ishayda qabatay isaga oo mooto uu lahaa sii kicinaya, afka hore ee mootadana waxaa ugu dhaganaa mid ka mid ah calamada maamul goboleedyada waayadan nagu soo biiray.

In aan ka sii aamusnaado way i dhibtay runtii maxaa yeelay, Waddanka la joogo waa Hinidya, aniga isaga oo ii sheeginqabiilkiisa ayaan markaan arkay calanka ugu dhagan iska qiyaastay reerka uu yahay iyo degaan ahaan halka uu ka yimid.

Runtii kuma farxin waana ka xumaaday heerka aan usii dallacayno, astaanteenii guud ayaa luntay meesha uu calanka Soomaaliya uga dhagsan laaha soomaalina laga dhihi lahaa wuxuu ka door biday in la dhaho reer hebel hoostaga Soomaaliya ama qof walba oo soomaalinimo usoo dugsan lahaa uu garto marka hore cidda uu soomaali ka yahay!.

Inta u tagay ayaan ku iri walaalow calanka soomaaliya soo kama qiima badna kan aad meesha ku dhagsatay ee reerka aad tahay tilmaamaya?

Inta si xun ii eegay ayuu igu yiri ma reerkayga ayey soomaali ka qiima badantahay? Markaas ayaan iri reerkaaga qiimahooda waxba kama sheegin marka aan soomaali leeyahayna reerkaaga wuu ku jiraa marka qiimaha laga hadlayo waa inta soomaalinimo wada sheegata reerkaagana wuxuu qiima ku leeyahay Soomaalinimada.

Dooddeena way sii dheeratay nafci badan ma dhalin aan ka ahayn in aan si isku xag xagano isagana uu ii arko nin reerkiisa duulaan ku ah anigana aan u arkay nin duulaan ku ah issirka soomaalinimada ama qaranka Soomaaliyeed.

Dadku waayadan qaran dumis iyo qaran dhise ayey la kala baxeen qof walbana kan kale wuxuu ugu yeeraa sida uu markaa is leeyahay ku sifee isaga oo markaa dulminaya ama si gaar ah meel ugu riixaya.

Is fahamka laga kala qabo federaalka waa mid la isku qilaafsan yahay qolo walbana sida ay doonto ayey u fasiratay, waxaa qalad ahayd oo gaf weyn ahayd in maamul goboleedyada la dhaho samaysta calan idiin gaar ah.

Maxaa yeelay calankii soomaaliyeed maanta qof wata ma jiro, qof aad maanta Soomalinimo ugu soo harsan lahaydna markaa aragto ama uu ku arko in aad reer hebel tahay ayuu dib kaaga guranayaa hadduusan markaas ahayn reerkaaga ama aydan isku reer ahayn.

Yarkii mootada iyo aniga sida aan isku haysanay hadalkeenina meel xun uu nooga dhac dhacayaay markii dambe waxay dooddeenu kusoo af meerantay in aan dhaho soomaalinimada qaado, isagana waan ahay soomaali yaasa ka ahay ayey doodeeni kusoo gunaanadmatay.

Soomaali ayaan ahay, yaa ka tahay ayey maraysaa maanta.

Waxaa Qoray:Mohamed Musa Sh Noor

Hyderabad, India




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip