Javier Pastore oo iska diiday inuu ku biiro koox weyn oo ka dhisan horyaalka EPL-ka

0
Friday January 26, 2018 - 22:33:21 in Wararka by
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Javier Pastore oo iska diiday inuu ku biiro koox weyn oo ka dhisan horyaalka EPL-ka

    Laacibka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Javier Pastore ayaa la soo warinayaa inuu iska diiday inuu ku biiro Liverpool, isagoo doonaya inuu ku laabto kubadda cagta Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Javier Pastore ayaa la soo warinayaa inuu iska diiday inuu ku biiro Liverpool, isagoo doonaya inuu ku laabto kubadda cagta Talyaaniga.

Reds ayaa la fahamsan yahay inay xiddiga reer Argentina ku darsatay liiska xiddigaha ay bartilmaameedsanayso, si ay u hesho bedelka booska uu ka baxay Philippe Coutinho oo ku biiray kooxda Barcelona.

Liverpool ayaa u dhaqaaqday Pastore, laakiin Suxufiga reer Talyaani ee Gianluca Di Marzio ayaa soo jeediyay in dalabkooda u dhaxeeya 22 milyan illaa 35 milyan oo gini uu diiday 28-sano jirkaan oo uusan xiisaynaynin.

Tottenham Hotspur ayaa la sheegayaa inay siiyeen jawaab taasla mid ah, inkastoo ay kalsooni ku qabaan inay Lucas Moura ka soo iibsanayaan kooxda Parisians lagu naanayso ee PSG ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xiddigaha bishan Janaayo.

Pastore oo muddo labo sano ah ku soo qaatay naadiga Palermo ayaa sidoo kale la sheegay inuu xiisaynayo kooxda Inter Milan, waxaana uu soo dhaweyn doonaa haddii ay dalab rasmi ah ka soo gudbiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip