Akhariso-: Maxaa laga bartay Safarkii Madaxweynaha ee Puntland iyo Galmudug?

0
Thursday January 25, 2018 - 11:48:39 in Wararka by
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhariso-: Maxaa laga bartay Safarkii Madaxweynaha ee Puntland iyo Galmudug?

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud oo kamid ah Goboladda ugu ballaaran ee Soomaaliya, halkaas oo uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal qaatay muddo 17 maalmood ah waxa uu ku maray Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galguuud oo kamid ah Goboladda ugu ballaaran ee Soomaaliya, halkaas oo uu ugu kuur-galay baahiyaha nololeed ee dadka iyo arrimaha dib u heshiisiinta, waana socdaalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku maro Gobolada dalka kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba maxaa laga dhaxlay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku maray Deegaanadaas

Halkan waxaan kuugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo dhaxal gal ka dhigaya socdaalkaas

1-Xoojinta Dowladdnimada, Madaxweyne Farmaajo, ayaa qaar kamid ah deegaanadii uu tagay dadka ku soo dhoweeyey qaarkood ay ilmeeyeen markii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay arkeen, iyaggoo sheegay in waligood aysan arkin dowlad Soomaaliyeed oo guryahooda kusoo booqaneysa.

2-Waxay wax ka badashay Aragtida Beesha Caalamka ee ku aadan in Ammaanka Soomaaliya aan la isku haleyn karin, taasi oo noqotay inay san waxba ka jirin kadib socdaalka Madaxweynaha.



3-Nabadeyn iyo Dib u heshiisiin, Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxay Nabadeyn iyo Heshiis ay kala dhex dhigeen deegaano dhowr ah oo ay kamid tahay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo Maleeshiyaad kala taageersan Puntland iyo Galmudug dhowr jeer ay ku dagaalamayn.

4-Xooijinta Hanaanka Dowlad goboleedyada, Safarka Madaxweynaha JFS uu ku maray qeybo kamid ah Puntland iyo Galmudug, oo ay ku wehliyeen Madaxweyneyaasha labadaasi Maamul waxaa suurta gashay in Madaxweyne Xaaf Magaalooyin siddii xilkaasi loogu doortay uusan tagin inuu booqdo oo ay kamid tahay Dhuusa mareeb, Guriceel, Xeraala iyo meelo kale, isaggoo la kulmay Qeybaha kala duwan ee bulshada, kalana hadlay tabashooyinka ay qabaan, sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa isna yimid Magaaladda Gaalkacyo.

5-In doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhici karto Soomaaliya Sanadka 2020

Safarka Madaxweynaha JFS, ayaa waxaa uu iftiimay in Ammaanka Soomaaliya uu yahay mid hagaagsan, islamarkaana ay ka dhici karto Doorasho qof iyo Cod ah.

6-dib u soo nooleynta kaalinta culimada iyo odayaasha, Madaxweynaha Soomaaliya deegaan walbo oo uu tago waxuu la kulmayey Culumaa’udiinka iyo Salaadiinta, waxuuna ka talo weydiiyey xaaladda dalka iyo Kaalinta ay ka qaadan karaan dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inta uu ku guda jiray Socdaalkii Nabadda iyo Dib u heshiisiinta ee uu ku maray qeybo kamid ah Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa Magaalooyin ay kamid yihiin Qardho, Cadaado, Cabudwaaq, Gaalkacyo iyo Hobyo uu ka dhagax dhigay Mashaariic horumarineed, isaggoo dhowaan mar Saxaafadda uu la hadlayey sheegay in guddi loo saarayo daba galka iyo fulinta mashaariicda uu kasoo dhagax dhigay magaalooyinkaasi.

 

Xigasho Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip