Filim laga jilay weerarkii baskii Mandera oo abaalmarin caalami ah loo soo xushay

0
Thursday January 25, 2018 - 11:34:01 in Wararka by
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Filim laga jilay weerarkii baskii Mandera oo abaalmarin caalami ah loo soo xushay

    Filim laga sameeyay weerarkii lagu qaaday baskii Mandera, bishii Desembar ee 2015kii ayaa laga loo xushay in uu u tartamo abaalmarinta aflaanta caalamiga ah ee Oscar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Filim laga sameeyay weerarkii lagu qaaday baskii Mandera, bishii Desembar ee 2015kii ayaa laga loo xushay in uu u tartamo abaalmarinta aflaanta caalamiga ah ee Oscar.

Filimka wuxuu noqday midkii ugu wanaagsanaa oo ku saabsan dhacdo dhab ah oo dib loo matalay, wuxuuna hadda ka mid yahay kuwa ku tartamaya abaalmarinta 90aad ee Oscar.

Muuqaalka wuxuu ka hadlayaa nin Muslim ah oo difaacaya masiixiyiintii gaariga la saarnaa oo koox ay dooneysay in ay dilaan.

Ninka Muslimka ah ayaa dhaawacmaya ka dib markii uu iskudeyay in uu kooxda Al-Shabaab ah ka hor istaago in ay kala saaraan masiixiyiinta iyo muslimiinta la saarnaa baska oo ka dhex shaqeeya Mandera iyo Nairobi. Weerarka wuxuu ka dhacay meel u dhow magaalada Mandera.

Wuxuu filimkan ku guuleystay illaa 40 abaalmarin oo qaali ah oo la xiriira bandhigga aflaanta caalamiga ah.

Shaacinta ayaa la sameeyay Talaadadii, saacado ka hor inta aan muuqaalka filimka laga shidin shineemooyiinka magaalada Nairobi.

Filimka oo loogu magacdaray WATU WOTE – Dadka oo dhan – waxaa jilay saddex ardey oo u dhashay Jarmalka.

Waxay afarta bisha Maarso u tartamayaan in ay ku guuleystaan abaalmarinta qaaliga ah ee Oscar.

Muuqaalka oo soconaya illaa 22-daqiiqo waxaa soo saaray Katja Benrath, waxaana jilaayaasha ka mid ah Adelyne Wairimu oo mataleysa gabar masiixiyad ah oo rakaabka ka mid ah.

Filimka Watu Wote wuxuu inta badan muujinayaa dhibaatada ay wajahayeen rakaabkii baska, waxaana lagu jilay magaalooyiinka Nairobi, Mwingi iyo Magadi ee dalka Kenya.

Dhacdada dhabta ah

Salax Farax oo ahaa macallim ayaa xabad lagu dhuftay 20kii Desembar, 2015kii, ka dib markii uu iskudeyay in Al-Shabaab uu ka hor istaago in ay kala soocaan Muslimiin iyo Masiixiyiin isla saarnaa bas. Wuxuu markii dambe u dhintay dhaawicii soo gaaray.

Mintidiintii Al-Shabaab ayaa u sheegay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta in ay kala baxaan, balse way diideen. Ugu yaraan laba qof ayaa weerarkaasi lagu dilay.

Waxaa lagu tilmaamay nin geesi ahaa. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa qoyskiisa siiyay shahaado sharaf iyo geensinimo ah oo lagu maamuusayay Saalax Farax.

Abaalmarinta uu madaxweyne Kenyatta gudoonsiiyay waa midda ugu sareysa ee Geesinimada, wuxuuna ku muteystay "ficilkii dhiiranaanta ahaa ee uu sameeyay”.

Baska wuxuu siday in ka badan 60 qof oo rakaab ah, wuxuu ka baxay Nairobi wuxuuna ku sii jeeday Mandera. Koox hubeysan ayaa rasaas ku furay, wayna joojiyeen gaariga oo ku dhowaa Ceelwaaq oo saaran xudduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Dumarkii Muslimiinta ee saarnaa baska ayaa si degdeg ah u soo bixiyay maryo madaxa lagu xirto waxayna siiyeen dumarkii masiixiyiinta ee rakaabka ka mid ahaa.

Balse Saalax Faarax, oo maamule ku xigeen ka ahaa Dugsiga hoose dhexe ee Mandera Township, wuxuu wargeyska Dailly Nation u sheegay, intuusan dhiman ka hor, in rakaabkii Muslimiinta ahaa ay la dagaallameen dableydii baska weerartay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip