Kooxda Arsenal oo garaacday Chelsea,una soo baxday finalka League Cupka+Sawiro

0
Thursday January 25, 2018 - 11:24:49 in Wararka by
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Arsenal oo garaacday Chelsea,una soo baxday finalka League Cupka+Sawiro

    Kooxda Arsenal ayaa u soo baxday finalka League Cupka kadib markii ay guul soo laabasho ah Emirates Stadium kaga gaartay Chelsea oo gool kaga hormartay waxayna Arsenal isugu soo baxeen Fiinalka Manchester City oo horay tikidhka ugu sii goosatay Wembl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Arsenal ayaa u soo baxday finalka League Cupka kadib markii ay guul soo laabasho ah Emirates Stadium kaga gaartay Chelsea oo gool kaga hormartay waxayna Arsenal isugu soo baxeen Fiinalka Manchester City oo horay tikidhka ugu sii goosatay Wembley Stadium.

Chelsea ayaa goolka furitaanka ku hormartay iyada oo Eden Hazard uu goolkan u saxiixay laakiin gool uu iska dhaliyay Antonio Rudiger ayaa Arsenal ciyaarta dib ugu soo celiyay, balse gool uu dhaliyay Granit Xhaka ayaa ciyaarta go’aamisay oo Gunners u soo saartay finalka League Cupka.

Arsene Wenger oo aan waligii ku guulaysan koobka League Cupka ayaa markii saddexaad Gunners u soo saaray finalka tartankan waxayna kooxdiisu finalkan ku wajihi doontaa kooxda Guardiola ee Manchester City oo soo dhaaftay kooxa yar ee Bristol City.

Markii la isku soo laabtay qaybtii danbe ayay Arsenal markeeda soo laabtay iyada oo ah kooxda dardarta xoogan ku socotay isla markaana baadi goob ugu jirtay goolka labaad inkasta oo Blues lafteedu ay doonaysay sidii ay markale goolka ugu hormari lahayd.

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa bilawday inay si xoogan ugu dagaalanto goolka barbaraha, laakiin Arsenal ayaa wali u muuqatay kuwo khadka dhexe si buuxda u maamulayay iyada oo weerar kasta oo Chelsea ay soo dhistaa wuxuu burburayay inta ayna xerada ganaaxa gaadhin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip