Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

0
Thursday January 25, 2018 - 09:59:00 in Wararka by
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

    Saneey Gaarane Cismaan Waa wiiil dhaawac Culus uu ka soo gaaray Gaari uu ka shaqeynayay oo ku dulfariistay taariikhda markii aheyd 05,06,Sanadkii tagay ee 2017 taasi oo sababtay inuu laf dhabarta uu ka jabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saneey Gaarane Cismaan Waa wiiil dhaawac Culus uu ka soo gaaray Gaari uu ka shaqeynayay oo ku dulfariistay taariikhda markii aheyd 05,06,Sanadkii tagay ee 2017 taasi oo sababtay inuu laf dhabarta uu ka jabo.

Dhawaca hadda ka muuqda waa dhinacyadiii uu ku jiifay maadaama uusan dhaq-dhaqaaqi karin, Dhibane Saneey gaarane Cismaan waxa uu hadda ku sugan yahay kaamka barakacayaasha EX Xeradii-77 ee degmada Hodan, ee magaalada muqdisho.

Dhibane Saneey Gaarane Cismaan oo ka hadlay sida uu soo gaaray dhaawaca waxa uu umad Soomaaliyeed ka dalbaday in la caawiyo.

"Dhaawacan waxa uu ahaa mid iga soo gaaray gaari aan ku hoos jiray oo aan farsameynaayay oo igu dul fariistay, laf dhabarta ayaana iga jabtay, waxaana walaalaheyga Soomaaliyeed ka dalbanayaa inay i caawiyaan”.ayuu yiri Dhibane Saneey.

Adeerkiisa Xasan Ibraahim Daafeed oo hadda gacanta ku haaya dhibane Saneey Gaarane Cismaan ayaa sheegay inaysan Awoodin waxii ay ku daweyn lahaayeen.

"Ma awoodno lacag aan ku daaweyno Saneey, waxaan umadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in gargaar deg deg ah loo fadiyo”.ayuu yiri Xasan.

Inta Walal Soomaaliyeed ka damqanaya dhibka soo gaaray Wiilkaasi Soomaaliyeed KALA XARIIR TELFOON NAMBAR 0618633539 oo laga helo dhibane Saneey Gaarane Cismaan ama 0615748590 oo laga helo walalkiisa

FG. Dhibane Saneey Gaarane waxa uu u baahan yahay Gurmad Deg-deg oo Caafimaad ah Mahasanidiin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip