Xikmaddii Abadiga Ahayd!!! (Qoraal Wada Xikmad Ah)

0
Wednesday January 24, 2018 - 13:53:31 in Wararka by
  • Visits: 3097
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Xikmaddii Abadiga Ahayd!!! (Qoraal Wada Xikmad Ah)

    Tuullada nagu dhaggan waxaa ku nool wadaad xikmad badne ah, suufinimadu qanjaha joogto, werddiga iyo alle beryigana dadka looga takoorro, diintiisa ma aqaan, ha yeeshee kama fogeyn diimmaha Ibraahiimmiga, cooshadda yar, aqal ka sameysan ayuu addimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuullada nagu dhaggan waxaa ku nool wadaad xikmad badne ah, suufinimadu qanjaha joogto, werddiga iyo alle beryigana dadka looga takoorro, diintiisa ma aqaan, ha yeeshee kama fogeyn diimmaha Ibraahiimmiga, cooshadda yar, aqal ka sameysan ayuu addimaha ku hayaa, waa gablan, se allihiis yaqaan; tuullooyinka nagu dhaggan oo idil ayaa saf u gala si uu ugu talo geliyo amuurraha maalin laha ah iyo kuwa soo dirriya.

Tuf guuleysata, talo hagaagsan iyo wacyi gelin tolmoon, waa Tabaha iyo tusaallayaasha suufigan leeyahay; anagoo iska ciyaareyna ayaan maalin ku aragnay waddada bacaadku ku badan yahay ee u dhow geedka garta, oo aanan aqoon hadda Qaamuuska micnaha ay ku joogto; muuqaal ahaan waad la yaabeysaa duruufta ka muuqata, waalli ayeey ku tuhunsan yihiin dadka caqliga yar, hooyadey oo xikmadda dadkii hore wax badan cantuubsatay ayaa dhowr jeer oo horey farta iigu fiiqday wadaadkan.

Saaxiibbadey ayaa bilaabay oorrin iyo hadal qabsi aanan u bogin, qacda hore ee aragtida wadaadka. Haa. Waan is wayddiiyay ninkan wanaagga lagu sheegayay iyo nooca qofeed uu yahay, shaki wuu jiray, ha yeeshee waxa aan la yaabay, markii midkeen uu dhagax ku tuurray, uu la waayay iyo talaabadii uu qaaday.

Ma xasuusto magaciisa e wuxuu ahaa mid calool kuusan oo qanjihiisu midkiiba mire canuunni ah la eg yahay, doqonnimo ayaan ku maagi jirney, ha yeeshee markii dhagaxa lala waayay ninkii waalnaa waxaa dhacday in odeygii jilba jabsaday, oo uu soo qaaday qaruurraca dhowr xabbo oo dhagax ah, kuwaas oo haddii aan dambaabo aan umaleeyo in ay shan shiid ka badnaayeen, wiilkii ayuu ku yiri " Maandhoow! Haddii aad u bareerto in aad wax sameyso hankaagu haka sareeyo hal isku day!!” waan yaabnay, oo amakaagnay. "adeer raalli ahoow!!” iyo "kuuma jeedin” ayuu si dhuunyeer ah u soo riday; "Jaqaf, jaqaf” isagoo leh ayuu horey u jaqaafiyay.

Xikmaddii Abadiga Ahayd!!! (Qoraal Wada Xikmad Ah)


Waan dareemay ficilka uu sameeyay odeyga in aysan ahayn wax caqli nala mid ah fasirri karo, ha yeeshee waxa aan ka codsannay in uu inoo sharxo; "ina keenna!” ayuu na yiri isagoo soo dhaweysanaya kii dhagaxa soo tuurray, waan raacney, saaxiibbadey waa ay ka baqayeen odeyga waxa uu sameyn doono, qaarkeen ayaa haray oo diiday in ay na raacaan. Haa inteenna badan waa ay naga hareen; ugu dambeyn gurigiisa oo cooshad ka sameysnaa ayuu na keennay waxaana uu yiri .:-

" noloshu waa socodkii aan kasoo bilownay guryaheenna, meeshii aan isku kulannay, ee shilku ka dhacayna waa caqabadaha iyo seetooyinka nolosha, in aan is barannana waxa ay ahayd dhacdo caado ka ah nolosha dhexdeeda, oo caqabad kasta oo kugu hor gadaamman dad cusub ayeey ku bartaa, oo qaab cusub ayaad wax u barataa, socodkii dambe ee aan halkan usoo gaarnayna waa tijaabada dadaal labaad oo aan sameynnay, qaar ayaa haray, qaarna cabsi badan ayaa ka muuqatay, kuwa haray waa kuwa aan la falgali karin, una adkeysan karin, kana soo kaban karin caqabadaha nolosha, kuwa baqayayna waa ay wanaagsanaayeen, ha yeeshee waxa ay ka baqayeen waxa dhici doona mustaqbalka, se iskuma dubin, waxa ay sameyn lahaayeen haddii ay dhacdo waxa ay ka baqayaan. Waxa ay isku murjiyeen mustaqbalka, diiradda ma saarin joogtada, kuwa soo baxay iyaga oo aan cabsi badan qabin, waxa ay ahaayeen geesiyaal, ma ogi in ay isku diyaariyeen waxa dhici kara, ha yeeshee waxa ay ahaayeen kuwa aanay baqdin gelin wax aanan jirin, oo mala awaal ah”

"Dhagaxa aad igu soo tuurtay wiilkeygiyoow, wuxuu ahaa hal xabbo, adigu waxa aad lahayd hal ujeeddo, ha yeeshee kama fikirin, marka aad sameyso ujeedkaas iyo waxa aad fali doonto, waxa aad u baahneyd in aad dhowr xabbo oo shiid ah soo qaadato oo aad igu soo tuurto si midkood uu igu dhaco, oo adna hadafkaagu u guuleysto, laakiin ma sameyn, oo waad isku dayday ha yeeshee isku daygaagu ma dhammeystirneyn”

"Howl kasta oo aad qabaneyso, haddiiba aad u bareerto in aad sameyso xummaan iyo sammaan waxa ay tahay, isku day in aad ka gun gaarto, oo isku daygaagu haka bato hal jeer iyo wax ka ag dhow, maxaa yeellay waxaa dhici karta in aad isku dayga koobaad hareermarto si lamid ah dhagixii aad igu soo tuurtay oo kale, isku day mar xigta, ama hal mar samey dhowr ujeeddo si midkood u guuleysto”

"Hadda. Dhammaantiin u sacbbiya wiilkeyga (kan shiidka soo tuuray)” waxa aan is wayddiinay ninka qaladka geystay sababta uu sacab u muteystay, ha yeeshee isaga ayaa naga jaahil bixiyay oo wuxuu yiri "haddii uu san ku dhiirran lahayn in uu sameeyo falkaas, isma baraneen oo wax Makala faa’iidi lahayn, isaga ayaan uga mahadcelineynnaa in aan is barannay oo aan is fahannay islamarkaana aan xikmad kala qaadannay”

Guriga ayaan kasoo baxnay anagoo madaxeennu foorarsan yahay, oo xishooneynna, waxa aan ka faa’iidnay oo aan la yaabnay haddana webiga xikmadda ah ee aan soo dabbaalannay, kama daali lahayn in aan gurigiisa cooshadda ah kusugnaado, haddii aanan ka baqeyn in hooyadey ii wel wesho, ha yeeshee raatub ayuu ii ahaan doonaa illaa noloshu midkeen faarujiso.

Duluucda sheekada waa hankaagu ha sarreeyo, isku daygaaguna yuusan ahaanin qacda koobaad ee fekerka, ee joogteyntu hakuu raacdo; feker, oo samey, haddana joogtey, waa xikmadda guud ee nolosha.


W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip