RASMI: Harry Kane Oo Ku Guulaystay Xidiga Sanadka Ee Xulka Qaranka England Ugu Fiican Isaga Oo Abaal Marintan Ku Hantay Codka Jamaahiirta Three Lions.

0
Tuesday January 23, 2018 - 09:18:57 in Wararka by
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Harry Kane Oo Ku Guulaystay Xidiga Sanadka Ee Xulka Qaranka England Ugu Fiican Isaga Oo Abaal Marintan Ku Hantay Codka Jamaahiirta Three Lions.

    ool dhaliyaha kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ku guulaystay abaal marinta sanad laha ah ee xulka qarankiisa England isaga oo noqday xidiga loo doortay ciyaartoygii ugu fiicnaa England sanadkii dhamaaday ee 2017. Harry Kane ayaa soo qaatay sanad c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ool dhaliyaha kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa ku guulaystay abaal marinta sanad laha ah ee xulka qarankiisa England isaga oo noqday xidiga loo doortay ciyaartoygii ugu fiicnaa England sanadkii dhamaaday ee 2017. Harry Kane ayaa soo qaatay sanad cajiib ah wuxuuna helay codkii ugu badnaa ee ay jamaahiirta Three Lions ku soo xulanayeen xidigii sanadkii dhamaaday qarankooda ugu fiicnaa.



 

G

Barta rasmiga ah ee uu xulka qaranka England ku leeyahay twitterka ayaa lagu shaaciyay in Harry Kane uu ku guulaystay abaal marinta xidigii sanadka ee xulka qarankooda Englnad iyada oo loogu hambalyeeyay in uu helay codkii ugu badnaa ee jamahaiirta Three Lions.

Harry Kane ayaa hadda ah xidiga ugu tayada badan xulka qaranka England waxaana loo arkaa hogaamiye da’yar oo ay inta badan ku tiirsanaan doonaan sanadaha soo socda gaar ahaan koobka aduunka ee sanadkan badhtamihiisa ka furmi doona Russia.

Harry Kane ayaa sanadkii 2017 ku dhamaystay in uu ahaa xidigii goolasha ugu badan ka soo dhaliyay shanta horyaal ee yurub ugu waa wayn kadib markii uu Lionel Messi dhaafay kulamadii bishii December ugu danbeeyay wuxuuna sidoo kale dhigay rekoodh cusub oo gool dhalinta hal sano ee horyaalka Premier League.

Harry Kane ayaa ilaa hadda 21 gool ka soo dhaliyay horyaalka Premier league isaga oo xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah doonaya in uu ku guulaysto kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier League.

Harry Kane ayaa bartiisa twitterka uga mahad celiyay jamaahiirtii u codeeyay si uu abaal marintan markii ugu horaysay ugu guulaysto.

 

Congratulations to @HKane, who our fans have voted as the




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip