Gacanyarayaashii Farmaajo & Khayre oo xilal ka qabtay Gobolka Banaadir
Shaqsiyaadka ka soo dhex muuqday Hoggaanka Gobolka Banaadir laba ka mid ah ayaa waxa ay yihiin kuwa ka shaqeynaayay Xafiisyada Madaxtooyadda Somaliya, gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra'iisul Wasaaraha.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Gobolka Banaadir dhanka amniga iyo Siyaasadda, ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed C/laahi Maxamed Tuulax, wuxuu ahaa madaxa Hab maamuska Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, sidoo kalena wuxuu ka mid yahay Xibsigada Madaxweynaha ee TAYO.
Cumar C/risaaq Xuseen oo loo magacaabay Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir, waxa uu xoghayn u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.
Magacaabista labadan shaqsi ayaa muujinaysa in Villa Somaliya iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ay doonayaan galangal xooggan inay ku yeeshaan arrimaha Gobolka Banaadir.
Marka laga hadlaayo labadan shaqsi oo ah rag dhalinyaro ah, malahan taariiq hoggaamineed, waxayna siyaasadda dalka soo galeen 2017, xilligaasi oo hoggaanka dalka uu ku guulaystay Maxamed C/laahi Farmaajo.
Dadka Somaliyed ayaa si wayn u hadal haya magacaabistan cusub ee ku dheehan hanaanka fudud, iyadoo aanan laga fiirsan shaqsiyaadka loo magacaabay xilalka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir.