Tanzania oo sheegtay Shabaab Saldhigyo inay ku leeyihiin dalkeeda

0
Sunday January 21, 2018 - 11:26:25 in Wararka by
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tanzania oo sheegtay Shabaab Saldhigyo inay ku leeyihiin dalkeeda

    Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in markii ugu horeysay ay xaqiijisay in Xarakada Al-Shabaab ay Saldhiyo ciidan iyo xarumo dadka lagu tashkiiliyo ka sameysanayaan dhulka Keymaha ah ee dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in markii ugu horeysay ay xaqiijisay in Xarakada Al-Shabaab ay Saldhiyo ciidan iyo xarumo dadka lagu tashkiiliyo ka sameysanayaan dhulka Keymaha ah ee dalkaas.

Dowladda waxa ay sheegtay in tan iyo 2016-kii Al-Shabaab ay dhallinyaro ka qoranayeen daafaha Magaalada xarunta ah ee Daaru Salaam iyaga oo siinaayay tababarrada Ciidanka sidoo kalena barayay xagjirnimada.

Taliyihii hore ee Booliska Magaalada Daaru SalaamSimon Sirro,ayaa sheegay in dhawr jeer ay weerareen saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaannada baadiyaha ah gaar ahaan dhulka kheyraadka hodanka ku ah ee dalka Tanzania halkaas oo hadda Al-Shabaab ay ka billaabeen deegaameynta.

Waxa uu xusay in Booliska Daar Salaam ay gacanta ku dhigeen wiil 9 jir ah oo ay ka qabteen Xero ay ku weerareen Al-Shabaab, kaas oo sida uu sheegay Booliska ku ay sheegeen in ay ka qaadeen Qori uu watay.

Sidoo Ciidanka Tanzania ayaa weeraray Saldhigyo ay ku tuhmayeen Al-Shabaab oo ku yaalla Gobolka Xeebta ah ee dalka Tanzania, kaas oo lagu magacaaboIkindu.

Ciidamada ayaa helay xog ay siiyeen dadka deegaanka ah oo ah in Rag hubeysan ay joogaan keyntaKilongoni ee Gobolka Xeebta ah eeVikindu.

Ciidanka ayaa halkaas ka xir xiray dhowr qof oo lagu tuhmayay in ay yihiin kuwa tababarrada bixiya,waxaana halkaas ka socday xagjireyn iyo tababar Ciidan.

Saraakiisha u hadashay Ciidanka Tanzania waxa ay sheegeen in Qof lagu magacaabo Saleebaan ay u qabteen arrintan kaddib markii la ogaaday in uu Gurigiisa ku marti qaaday Ragga la tuhmayo in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip