Faahfaahin Weerar lagu qaaday Hoteel ku yaalla Afghanistaan
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar culus oo xalay lagu qaaday Hoteel ku yaalla magaalada Kabul ee Caasimadda Afghanistaan.
Dagaalyahano dhowr ah ayaa galay gudaha hotelka intercontinental iyagoo si an kala sooc lahayn u tooganaayay shaqaalihii hotelkaasi iyo dadkii martida ahaa ee halkaasi joogay.
Weerarkan ayaa ah mid aad u xooggan marka la eego baaxadda iyo bartilmaameedkiisuba.
Hoteelka Intercontinental oo ka mid ah hoteelada ugu caansan dalkaasi ayaa ku yaalla goob taariikhi ah, waxaa uuna aad uga dhex muuqdaa dhismooyinka kale ee ku yaalla caasimadda.
Hoteelkan ayaa ah mid aad loo ilaaliyo, waxaana uu leeyahay bara koontarooll oo dhowr ah. Ilaa iyo haddana ma cadda sida ay raggani dableyda ah ugu suurtagashay inay gudaha u galaan.
Hoteelkan ayaa toddobo sano ka hor waxaa weerar kan lamid ah ku qaaday mintidiinta Taalibaan, kuwaasi muddo shan saacadood ah ay ciidamada ammaanka kula dagaalamayay gudaha hoteelka, ka hor inta aan la dilin, waxaana halkaasi ku dhintay dad ka badan labaatan qof.
Faahfaahin Weerar lagu qaaday Hoteel ku yaalla Afghanistaan
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar culus oo xalay lagu qaaday Hoteel ku yaalla magaalada Kabul ee Caasimadda Afghanistaan.