Waxaa uu sheegay in dadka degan Gobolka Banaadir oo Xildhibaano matala ay ku leeyihiin Golayaasha sharci dejinta, isla markaana aysan cidna ka yeeli doonin inay afduubato masiirka Umadda ku nool Gobolka Banaadir

"Maqaamka Magaalada Mogadishu waa run sida Dastuurka KMG ah qabo Barlamaanka ayaa sharci kasoo saaraya lkn dadka degan Gobolka Banaadir Xildhibaano matala ayay ku leeyihiin Goleyaasha Sharci Dejinta sidaas daraadeed cidna kama yeelayno in ay afduubto masiirka umadda ku nool Gobolka Banaadir, waana in ay helaan xuquuqda ay leeyihiin shacabka ku nool Gobolada dalka mid la mid ah”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa galabta soo saaray qoraal u muuqday mid uu ku faragelinayay xiisada siyaasadeed ee ka jirta Gobolka Banaadir, taasoo ka dhalatay maqaamka Gobolka, waxaana dad badan qoraalkan ku tilmaameen mid soo degdegay, marka loo eego qadiyado horay u taagnaa oo aanu Guddoonka Golaha shacabka marna wax war ah ka soo saarin.