WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 21-KA JANNAAYO 2018-KA

0
Sunday January 21, 2018 - 09:11:52 in Wararka by
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 21-KA JANNAAYO 2018-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO "WAXA UU SOCDAALKEENNU YAHAY NABADEEYN IYO DIB U HESHIISIIN" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ku maraya deegaannada ka ti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO "WAXA UU SOCDAALKEENNU YAHAY NABADEEYN IYO DIB U HESHIISIIN" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ku maraya deegaannada ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa hadda ku sugan Degmada Cabudwaaq.

Madaxweynaha oo shalay kasoo ambabaxay magaalada Guriceel ayaa isaga iyo wafd igiisa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyey dhammaan shacabkii isugu soo baxay dee gaannada uu socdaalka ku soo maray, isagoona kula dardaarmay in ay ilaashad aan midnimadooda iyo wada jirkooda.

Madaxweyne Farmaajo oo goob fagaare ah kula hadlay shacabka ku dhaqan magaala da Cabudwaaq ay aa yiri "Waxa uu socdaalkeennu yahay nabadeeyn iyo dib u heshiisiin taas oo ay calaamad u tahay midowga Ahlu Sunna iyo Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ku faraxsanhy sida ay labada dhinac isugu tanaas uleen. Runtii taas waa wax lagaga dayan karo, ayna tahay in ay magaaladan ka bilaabato.”

Madaxweynaha oo safar kusoo maray Degmada Balanballe, Xeraale iyo Huurshe ayaa u sheegay shacabkii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in horumar kasta oo laga hirgelinayo deegaannadan uu ku xiranyahay sida ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo dib u he shii siinta.

Socdaalka maanta waxaa Madaxweynaha ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Mu dane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Car rabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaa kir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyi in heer gobol iyo heer degmo.

XILDHIBAANADA BEESHA MUDULLOOD OO KA HADLAY XIISADA SIYAASADEED EE GOBOLKA BANAADIR

Xildhibaanada Beesha Mudullood ayaa shir jaraa’id oo galabta ay ku qabteen magaalada Muqdisho kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee ku soo korortay Gobolka Banaadir, iyagoo taageeray go’aankii ka soo baxay Odayaasha dhaqanka.

Xildhibaan Mina Xasan Shibis oo ugu horeyn ka hadashay shirka jaraa’id ayaa sheegtay inay garab taagan yihiin goaankii odayaasha, iyadoo ugu baaqday Maamulka Gobolka Banaadir inuu shaqadiisa sii wato.

Sidoo kale Xildhibaan C/qaadir Carabow ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu yahay mid muqadas ah, isla markaana ay u taalo Labada Gole ee Baarlamaanka, iyagana ay u taagan yihiin, waxaa uu ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir inuu is dejiyo oo uu howshiisa wato.

War murtiyeed kooban oo Xildhibaanada soo saareen shirkooda jaraa’id kaddib ayaa waxay ugu baaqeen Madaxda dowladdainay ku dadaalaan amniga iyo xasiloonida dalka, lagana fogaado wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo keeni kara, isla markaana loo ogolaado shacabka Gobolka Ba naadir inay ka hadli karaan wixii xuquuqdooda iyo aayahooda dowladnimo ee horumarinta Gobo lka Banaadir, si waafaqsan dastuurka.



GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO GO’AAN DEG DEG AH KA SOO SAARAY MAQAAMKA GOBOLKA BANAADIR

Guddoonka golaha shacabka oo fadhi deg deg ah ka yeeshay khilaafka soo kala dhaxgalay maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumadda ayaa sheegay in go’aan ka gaarista maqaamka gob olka Baanaadir tahay awood u gaar ah labada Aqal ee dalka.


AKHRISO WARKA KA SOO BAXAY GUDDOONKA BAARLAMAANKA :



MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY ABAABULKA KA SOCDA XADKA SOMALILAND IYO SOOMAALIYA

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland iyo abaabulka ka socda xadka udhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale ka hadlay sicir bararka dalka ka jira oo uu she egay in maalmaha soo socda go’aamo ay ka soo saari doonto xukuumaddu.

"Ciidanka Somaliland iyo shacbiga Somaliland cidna ka magansanmayso haday dhulkooda tagayaan kumanna xad gudbin xadka u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya, colaadna uma jee dno, shalay Soomaaliya iyo Somaliland colaad uma taag hayaan, dadku horumar bay u baahan yihiin, waxaan caalamka u sheegaynaa in aanan dhulkayaga joogno oo aanan dhaafeen, ciidan kayguwuxuu xadka u jiraan toddobaatan Killomitir, dastuurka Somaliland wuxuu I farayaa inaan xad ka sugo waana wixii la ii dhaariyey, baarlamaanka iyo shacabka igu daba jooga, garan maayo Soomaaliya abaabulka ka socda ee qabiliga salka ku haya ee ciidamada la soo dhoobay wax alla waxa dagaalkaasi loo abaabulayo garan maayo, Haddii Soomaaliya leedahay Somaliland baan xoog ku muquuninayaa anagu difaac baanu diyaar u nahay, waxaana noo ogol xeerka caalamiga iyo ta afrika”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlaya abaabulka ka socda xuduudda Somaliland iyo Soo maaliya.

Mar uu ka hadlayey Soomaaliya waxa uu yidhi "Soomaaliya waxa inoo dan ah inaynu wada hadalno oo wixii inaga dhexeeyey kala guranno, waxaana wada hadalkaasi bilownay lix sanno ka hor laakiin wakhti lumis ayaad ku lumiseen, waxaan idinka digayaa haddii aad xadkayaga ka soo gudubtaan waxaan hubaa si aan horeba nin kasta oo nagu soo duulo uga guulaysan jirnay inaanu idinka guulaysayno xadkayaga waan tagaynaa hadii aad soo duushaan”.

Tan iyo intii madaxweyne Biixi xilka la wareegay ayaan warbaahinta ka hadal,isla markaana laba jeer oo uu safar Jabuuti iyo Itoobiya ku tagay aan cidnaba la hadal, haseyeeshee shalay ayuu ka hadlay guud ahaan xaaladda jirta gaar ahaana abaabulka ka socda Tukaraq oo uu sheegay in ciidanka Somaliland aanay dhaafin xadkoodda oo wadanka dhexdiisa uun u kala guuraan.

MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO FURAY SHIR LOOGA HADLAYO DOORASHOOYINKA

Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay gudiga Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ay ku sug anyihiin magaalada Garowe ayaa lagu qabtay degmadasi kulan looga hadlayo arimaha doo rashooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa ka qayb galay kulan looga hadlayey arimaha doorashooyinka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu fuliyo Doorashada soo socota ee Soomaaliya 2020 ay ka dhacdo dalka doorasho qof iyo cod ah sida uu sheegay taasoo uu ku tilmaamay dadaalada ay waddo dawlada Soomaaliya inuu rajaynayo inay ka hirgasho Doorasho Xor ah guud ahaan dalka Soomaaliya.

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka ayaa horay degmooyin ka mid ah dalka waxa ay ku qabteyn shirar wadatashi ah iyada oo qorshoahoodu uu yahay in ay tagaan ila 24 degmo oo dalka ka mid ah.

AKHRISO:MAAMULKA GOBOLKA BENAADIR OO BEENIYEY JIRITAANKA IN DHUL DANGUUD LA BIXIYEY WIXII KA DAMBEEYEY 8 FEBRUARY

Kadib jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho Gudoomiye ku xigeenka hawlaha guud ee Maa mulka Gobolka Benaadir Fiidow ,la taliyaha dhulka ee ee duqa Sabriye Axmed iyo Agaasimaha dhulka Xasan Abukar ay hareera yaay kaga hadleen arrimo ku saabsan dhanka dhulalka.

SHirka jaraa’id oo uu qabtay Sabriye ayuu ku sheegay iney Dowlada Hoose ee Xamar ay san jirin dhul danguud ah oo ay bixisay wiuxii ka danbeeyay 8 February.

Shir jaraaid oo uu qabtay la taliyaha Duqa Muqdisho ee arimaha G/Banaadir Sabriye Xarun ta dawladda Hoose ayuu ku sheegay ineysan waxba ka jarin eedeymaha Villa Somalia ay u soo jeedisay.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili Daraad WarSaxaafadeed kas oo baxay Xafiiska Madaxwey naha Soomaaliya lagu sheegay in ay jiraan Cabasho soo gaartay oo ku saabsan in la bixiyay dhul Danguud ah.

SADDEX RUUX OO KU GEERIYOOTAY SHIL KA DHACAY MUQDISHO

Wararka naga soo gaaraya Xaafada Haantadheer ee degmada Hodan ayaa waxa ay sheeg ayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceyn Gaari nooca Xamuulka qaado ah iyo Mooto Bajaaj sida ay Dalsan u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiay Shilkaas waxaa ku geeriyooday ilaa Saddex Ruux oo uu ku jiro Darawalkii Mooto Bajaajta halka hal Ruux uu ku dhaawacmay.

Dadka ku nool Xaafada Haantadheer ee degmada Hodan ayaa u gurmaday, dadka shilka galay,waxana ruuxii ku dhaawacmay la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Waa shilkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho mudo Sanado ah kadib maad aama ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex Ruux

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KA HADLAY BIXITAANKA CIIDAMADDA AMISOM EE SOOMALIYA.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo la hadlayay war baahinta ayaa soo hadal qaaday xaalada Soomaaliya halka ay mareyso iyo wararka sheegaya in Ciidamada Amisom ay dhawaan isaga bixi doonaan gudaha Soomaaliya.

Ismaaciil ayaa soo hadal qaaday ugu horeyn awooda Xarakada Alshabaab ee ka dagaalan ta Soomaaliya, waxuuna madaxweynaha sheegay in Shabaab xiligaan ay awoodooda wiiqantay oo aysan awoodin dagaalo fool ka fool ah oo ay la galaan ciidamada dowladda xaaladoodana ha da ay kusoo aruurtay kaliya iney geystaan qaraxyo iyo waxyaaba kale oo muujinaya in laga awood roonaaday.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa soo hadal qaaday xaalada guud ee dalka iyo si da ugu wanagsan ay ciidamada booliska iyo kuwa militariga dowladda Soomaaliya ay iskugu ta shan karaan, kana maarmi karaan Ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.


MADAXWEYNE FARMAAJO OO MARKII UGU HOREYSAY GAARAY D/ BALANBAL KADIB MADAXWEYNE SIYAAD BARRE.

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa had da gaaray Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaana Deegaanka ka soconaya soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminaayo.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Mas`uuliyiinta iyo waxgaradka Deegaanka Balanbale, booqashadaan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo Maadxweyne Soomaaliyeed oo ku tago Deegaankaas Balanbale kadib Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre All aha unaxariistee shalayna waxaa Deegaankaas gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

booqashaadan Balanbale ee Madaxweynaha ayaa ka dib wuxuu usii gudbi doonaa Deeg aanka Xeraale iyo Degmada Caabudwaaq iyo Deegaano kale oo ka tirsan Deegaanada Maamul ka Galmudug uu ka arimiyo halkaas oo lagu soo gaba gabeen doono socdaalka Nabada ee Mad axweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobolda Dalka.

CIIDAMO MAREYKAN AH OO HAWLGAL KA FULIYAY DEGMADA JAMMAAME

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa she egaya in ciidamo Mareykan ah weerar qorsheysan ay ku qaadeen Degmada Jamaame oo Shaba ab ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada Mareykanka iyo ciidan Somali ah oo la socday ayaa waxa ay ku dageen dule edka Magaalada Jamaame, kadib markii halkaasi ay ku tageen diyaarado Helicopter ah oo ay ka ga duuleen Saldhiga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Somalida ah oo qaab Evantari ku socda ay galeen Magaalada Jamaame, kadibna Koontaroolka Magaalada uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Shabaab iyo ciidanka hawlgalka halkaasi u tagay.

Dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khas aare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac, inkastoo xogta la helaayo ay sheega yso in aanan si dhab ah loo ogeyn khasaarah rasmiga ee dagaalka.

Al Shabaab ayaa waxa ay sheegteen inay fashiliyeen weerarkaasi qorsheysan ee ciidam ada Mareykanka iyo kuwa Somalida ay ku soo qaadeen magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Africa wali kama aysan hadlin hawlgalkaan qorshey san ee habeen hore ciidamadooda iyo kuwa Somalida ay ka fuliyeen Degmada Jamaame.

Hawlgalkaan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo habeen hore ciidamada Mareykanka iyo kuwa Somalida ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Jiliyaale oo ka tirsan Shabellaha dhexe, Al Shabaabna ay gacanta ku hayaan.

KU DHAWAAD 10 CARUUR AH OO CUDURKA SHUBAN BIYOODKA UGU GEERIYOODAY DEGMADA KAXDA EE GOBOLKA BANAADIR.

Illaa 8 Caruur ah ayaa lagu soo warramayaa in Cudurka Shuban Biyoodka ay ugu Geeriy oodeen Kaam Barakac oo ku yaalla degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Caruurtaasi beryihii dambe ay kaamkaasi ku yaalla degmada Kaxda kula ildarnaayeen Xanuunka Shuban Biyoodka haatanna ay jiraan tiro Caruur kale oo xan uunkaasi la ildaran sida mid ka mid ah Horjoogayaasha Kaamamka degmada Kaxda Shabelle u xaqiijisay.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa xaalado Nololeed laga soo sheegayay dadka ku nool Kaamamka Barakacayaasha ee ku nool degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhowr jeer booqday Xeryaha Barakacayaasha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

MAAMULKA MADAXWEYNE TRUMP OO XAALKU KU XUNYAHAY KA DIB MARKII AQALKA SARE EE MAREYKANKU LAALEEN MIISAANIYAD SANNADEEDKII XUKUUMADIISA.

Dowladda Mareykanka ayaa wajaheysa inay shaqeyn waayaan dhammaan laamaheeda federaalka kaddib markii ay senetarada waddankaasi ku guuldareysteen inay isku afgartaan miisa aniyada cusub.

Ma caddeyn halka uu codku u badan doono, maadaama muddada kama dambeysta ah ay ku ek tahay saqda dhexe ee xiliga waqtiga Mareykanka, iyada oo xubnaha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga ay ku kala qeybsameen arrimo muhiim ah.

Inkasta oo daqiiqadii ugu damebysay ay dhaceen kulama ay yeelanayeen labada dhinac, haddana miisaaniyada lagu maalgalinayo howlaha xukuumadda ilaa 16ka bisha Febraayo aya anan helin codadkii loo baahnaa ee 60ka ahaa.

Irrin tan la mid ah oo lagu cuuryaamiyay howlaha xukuumadda ayaa dhacday sanadkii 2013-kii, waxa ayna taagneed 16 maalmood.

Xafiisyo badan oo dowladda ah ayaa haatan xirmi doono, haddii aanan la helin xal ka hor saqda dhexe xiliga Mareykanka, kolkaasi oo ku eg muddada miisaaniyada.

Haddiii ay dhacdo in howlaha xukuumadda ay joogsadaan, waxaa sii socon doono ade egyadda muhiimka ah sida amniga qaranka iyo maamulka hawada.

Saacado ka hor codeynta, ayaa madaxweyne Donald Trump waxaa ka muuqday rajo xu mo, waxa uuna bartiisa tuwiiterka soo dhigay ” arrintan uma wanaagsana milatarigeena iyo amnig eena xili halis ay ka jirto xuduuda koonfureed”.

Trump ayaa sidoo kale ku casuumay hoggaamiyaha senetarada xisbiga Dimoqaraadiga Chuck Schumer, Aqalka Cad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay socdeen wadahadaladda miisaani yada balse waxa ay ku guuldareysteen inay xal isla gaaraan.

Balse saacad kaddib, Mr Schumer, ayaa u sheegay werriyayaasha in "xoogaa horumar ah” lagu tallaabsaday, balse wali waxaa jira ” arrimo dhowr ah oo uu khilaaf ka jiro”, waxaana ka mid ah kala duwanaanshaha fikradaha ee la xiriirta waxyaabaha ay doonayaan xubnaha Dimoqaraa diga si loo kordhiyo muddada wadahadaladda illaa shan maalmood oo kale.

XIISADDA SIYAASADEED EE KA JIRTA G/BANAADIR OO XOOGEYSATAY

Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Muqdisho ayaa xoogeysatay ka dib markii Markii Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan gobolka Banaadir ay xalay sheegeen in ay Guddoomiye u doorteen Taabid Cabdi Maxamed labada sano ee socota.

Kulan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Gudoomiye Taabid ay doorteen Gole degaan , iyadoo ay xusid Mudan tahay in gobolka Banaadir uusan la aheyn Gole degaan.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo Warbaahinta u aqriyay War kasoo baxay kulankii lagu doortay Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in uu noqon doona Hoggaamiyaha gobo lka Banaadir, islamarkaana uu diyaarin doono doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa waxaa doortay sidda la sheegay 70 xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka, kuwaa oo laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.

Thaabit Cabdi, ayaa waxaa kuxigeen u noqonaaya C/laahi Xaaji Ereg, oo markii horeba ah aa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir,

Dad badan oo ka mid ah kuwa Siyaasadda Soomaaliya la socda ayaa sheegay in Khilaafka Cad ee ka dhex jira maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxtooyadda uu sameyn ku yeelankaro Amniga iyo Sidoo kale Xasiloonida gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi ayaa Doorashada uu xalay sameeyay waxaa la sheegay inuu kaga gaashaamanayo in xilka qaadis lagu sameeyo, kadib markii maalmahan ay hadal hey ntaas taagneyd.

Waxgaradka Magaalada Muqdisho ayaa wacad ku maray in aysan aqbali doonin in Taabid xilka laga qaado oo kaligiis uu baxo, iyadoo ay joggaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Ciidamada Ammaanka ayaa shalay iyo ilaa xalay si weyn u xaqiijiyay Amniga Magaalada Muqdisho si looga hortaggo Banaanbaxyo rabasho wata oo ka dhaca Muqdisho.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAGACAABAY DUQA MUQDISHO IYO KU XIGEENADIISA…

EngYariisow20140302-300x194 Madaxweynaha Jamhuuriyada FederaalkaSoomaaliya, MudaneMaxamedCabdullahiMaxamed (Farmaajo)

Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gud aha, Federaalka& Dibuheshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhage ystey talooyinka Ra’iisulWasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:

• Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) wa xaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

• Maxamed Cabdullaah Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amn iga iyo Siyaasada;

• Hussein Mohamed Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;

• Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta

• Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud

• Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

Sawirkaan Hoose Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya oo loo magacaabay Cabdir axmaan Yariisow oo loo Magacaabay Duqa Muqdisho.

CIIDAMADA KENYA OO DUQEYMO KA GEYSTAY DEGMADA CEELWAAQ EE GOBOLKA GEDO.

Diyaarado dagaal ayaa habeen hore abaaro 2:30Am Habeenimo ka geystay degmada Cee lwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahaasi lala bartilmaamsaday Xarunta Shirkadda Isgaar siinta Hormuud Telecom ee degmada Ceelwaaq.

Duqeymahaasi ayaa la xaqiijiyay in ay geysteen Ciidamada Kenya kuwaas oo gabi ahaan cagta mariyay Xaruntii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee degmada Ceelwaaq.

Waxaana ay jir dileen Shaqaalihii ku sugnaa Xarunta shirkadda Hormuud ee degmada Ceel waaq.

Lama oga sababaha werarka Ciidamada Kenya ee shirkadda Hormuud ee degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo.

Horay Al Shabaab ayaa weeraro u geystay Shirkadda Safaricom ee ka howlgasha gudaha dalka Kenya.

CIIDAMADA DOWLADDA OO LA WAREEGAY XARUNTA GOBOLKA BANAADIR.

Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay Goordhow Guud ahaan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar (Visha Governo).

Mas`uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo KNN la hadlay ayaa xaqiijiyay xaru nta Aqalka hoose ay la wareegeen ciidamada Dowlada, waxaana xeran Xafiisyadii iyo howlihii guud ee ka socday cxarunta Gobolka.

Xaruntan ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaaa oo si shar ciyeesan halkaasi kaga howlgalay tan iyo Markii Maamulka Gobolka gacanta ku dhigay Gudoom iye Taabid Cabdi.

Arintan ayaa daba socota Khilaafka udhexeeya Madaxda Dowladda iyo Duqa Muqdiisho taasoo keentay in Duqa Muqisho loo doortay laba Sano oo danbe Gudoomiyaha Gobolka Banaa dir iyo Duqa Caasimada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip